Raadinta Nabad aan Raadkeeda La Hayn

Daboolista baahida helitaanka nabadgelyo Qof iyo Qaran waa mid la jaanqaada hadba horumarka bulshada ka samayso dhinacyada nolosha, sida dhaqaalaha, waxbarashada, siyaasadda iyo ilaalinta sharciyada saldhiga u ah amniga.

Amaanka Qaran waxuu u qaybsamaa: guddaha iyo dibbadda. Labadaas qaybood ayay ka farcamaan amaanka siyaasada, dhaqaalaha, deegaanka, cunada, tamarta, kheyraadka dabiiciga ah, sumcada [ image], xogta “technology,” iwm. Qaybahaas, waa kuwo is kaaba, horumar laga sameeyana waxay qof iyo qaran siinaysaa Amni.

Khabiirada amaanka ayaa rumaysan in dhismaha cudud ciidan oo kaliya inaysan ku filneen ilaalinta amaanka qaran uu leeyahay! Balse, helitaanka ciidamo tayo iyo tiroba leh ayaa ka mid ah rukunada hanashada amaanka.

Khatarta ugu weyn ee haysata amaanka Maraykanka waxaa mid ah deynta qaran, sida uu yiri Admiral Mike Mullen, oo khabiir ku ah amaanka.

Dalka Masar, waa dalka ugu quwada weyn dunida carabta dhanka ciidanka, haddana dhaqaalaha iyo siyaasadda waa midka u liita. Taasi waxay sababtay in amaankiisa qaranka dhawac weyn soo gaaro, sanadihii ugu danbeeye.

Haddaba Soomaaliya nabadgelyo xumida haysata maxaa sababay? Xalse ma loo heli karaa? Waa dooda maqaalka! Haddii, siyaasadda iyo dhaqaalaha ay muhiim u yihiin helitaanka amaanka, waa sidee dhaqaalaha iyo Siyaasadda Soomaaliya?

Inkastoo xukuumada hadda jirta ay dib-u-habaysay dhaqaalaha, si loo kordhiyo daqliga gudaha, haddana miisaaniyada ay ku shaqeyso waa mid aad u yar ($ 340 malyan), marka lagu daro kabka miisaaniyada ay bixiyaan beesha caalamka. Dalka weli ma yeelan miisaaniyad midaysan, sidaas daraadeed daqliga miisaaniyada ay xukuumada ku shaqeynayso waa tan ka soo xaroota caasimada Muqdisho oo keliya.

Haddana, miisaaniyada dalka in ka badan boqolkii 95 ay ku baxdaa mushaarka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada. Sidaas oo ay tahay, ciidamada ma helaan mushaar ku filan, oo ay ku maareen karaan nolashoda. Taasi waxay sababtay qaadashada laaluushka iyo ku tumashada sharciga.

Dabayaaqadii 80yadii shir lagu qabtay Dugsiga Sare ee Boliiska Xamar oo lagu gorfeynayey nabad-gelyada, sida ka hortaga dambiyada abaabulan iyo ganacsiga sharci darrada ah [kontorobaanka], ayaa lagu soo bandhigay sababaha fududeeya dhicitaanka dembiyadaas, sida laga soo wariyay sarkaal sare oo ka tirsanaa boliiska.

Tusaale waxaa loo soo qaatay, gaadhi xamuul sida oo boliiska ku qabtay barta baarista magaalada Gaalkacyo. Gaadhiga wuxuu siday dhowr tan oo fool maroodi ah, oo laga soo qaaday magaalada Afmadow, lana doonayey in si dhuumaalaysi ah looga dhoofiyo xeebaha gobolka Bari.

Xamuulka waxuu soo maray 32 barood oo baaris. Dhammaantood waxaa ku sugnaa ciidamo millatari ah. Inta badan baraha baarista uu soo maray gaarigaas, lama eegin waxa uu sido, darbaalkana [shiraaca] lagama feedin! Dhammaantood waxay ka sinaayeen ka qaadashada laaluushka! Waxaa yaab noqotay, in isku darka lacagta laaluushka ay qaateen 32 baaris, ay u dhigantay qiimo ka yar hal fool maroodi!

Haddii shalay ay ahayd in fool maroodi, harag shabeel iyo ganacsi lagala baxsanayay canshuurta, maanta waxaa laaluush laga qaataa gudbinta wax yaabaha qarxo iyo shaqsiyaadka geesta dambiyada!

Talooyinkii ka soo baxay aqoon iswaydaarsigaas, waa kuwo maanta muhiim u ah dowladnimadda dadka Soomaaliyeed, sida: (1) In baraha baarista lagu wareejiyo boliiska; (2) In mishahar iyo gune ku filan la siiyo boliiska; (3) In ciidanka boliiska loo qoro ardayda dhammaysata dugsiyada sare ama aqoon intaas ka sareysa leh; (3) In la siiyo tababaro la xiriira baarista, ka hortaga dambiyada oo ay ku jirto kuwa la xiriira laaluushka iyo musuq-maasuqa hantida Ummadda; (4) In ciidanka boliiska lagu qalabeyo agabka u sahlaya sugida amniga; iyo (5) In la kordhiyo miisaaniyada boliiska si ay u sahasho helida xogaha dambiilayaasha.

Waxaa xusid mudan in maanta farsamada casriga (technology) loo adeegsado ka hortaga dambiyada. Tusaale, hayadaha amniga waxay adeegsadaan qalab u sahlaya la socoshada kuwa geesta falal lid ku ah amaanka, sida qoraal, cod iyo muuqaalo.

Sidaas, waxay suurtogelin kartaa in laga hortago intuusan dambiga dhecin. Balse, si aan loogu xadgudbin xuquuqda muwaadhinka, xuraansiga telefoonada iyo fariimaha internetka waxay u baahan tahay sharciyo la jaanqaadaysa xaalada dalka ku jiro. 

Khabiirada amaanka waxay aaminsan yihiin in diiwaangelinta, iyo bixinta kaararka aqoonsiga wax weyn ka tarto sugida amniga. Waxay sahlaysaa la socoshada dhaq-dhaqaaqa, dambiilayaasha iyo adeegsiga agabka u sahlaya in dambi dhaco sida qaabka lacagta la isku gudbiyo, adeegsiga telefoonada, gawaarida loo isticmaalo, rugaha lagu diyaariyo IWM. Siyaasadda siday wax uga tartaa amaanka? Waa qodob xasaasi ah. 

Cadaalad darrida iyo u sinaan la’aanta sharciga, waxay quudiyaan kooxaha abaabulan ee gaysta dembiyada. Waxay kaloo kordhiyaan faqriga iyo rabshadaha. Sidaas waxaa rumaysan Gary Haugen, oo ah sharciyaqaankii baaray xasuuqii Rwanda.

Qareenkan ayaa rumaysan in la abuuri karo adeeg dhammaan dadka ay ka faa’iidi karaan. Tusaale waxuu u soo qaatay urur samafal ah ee Mr. Bill Gates, oo magaalada 2aad ee ugu weyn Philippine dib u habeen ku sameeyey laamaha cadaalada, sida maxkamadah, boliska, iyo garyaqaanada. Afar sano gudahoodana danbiyadii ay boqolkii 79 hoos u dhaceen.

Madaxda amaanka oo la bedelo, iyo eedayn dusha looga tuuro waxba kama bedalayso xaalada jirta, balse waa in dal-dalooada jira wax laga qabto oo qaladka wax laga barto.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Dhammaan xuquuqda maqaalkaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dooneyso inaad dib u dhaabacayso fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s