Doolshada Soomaali ma “Corn Bread” baa!

1026

Wareysi: Wargeyska Jamhuriyadda wuxuu fursad u helay inuu wareysi gaar ah la yeesho Sheef (chef) Fatma Cabdi-cadde. Fatma waxay ka baxday kuliyadda cuntada (culinary arts).

Wareysiga wuxuu ku bilowda sida tan:

Jamhuuriyadda – Si kooban wax nooga sheeg noolashaada?

Sheef (chef) Fatma – Waxaan ku dhashay Xamar Jab-Jab (Muqdisha), Soomaaliya, laakiin waxaan ku soo koray Qaahira, dalka Masar. Wax badan ka ma xasuusto yaraanteedii, haddana Qaahira waxaanu ugu nimid macmacaan ka duwan kii dalka. Laakin waxaa ka quusan waayay xalwo, sambuusi iyo doolsho.

Jamhuuriyadda – Goormaad ogaatay inaad rabto inaad noqoto sheef (chef)?

Sheef Fatma – Sheef ma ahayn wax aan ku haminayay inaan barto. Wax karinta waaba necbaa, haddana noolasha ayaa qofka badanaa jahayneysa. Markaan dalka ku soo laabtay oo aan yeeshay reer aniga oo dhiganaya Jaamicad, ayaa ciil waxaa igu dilay marti aadan filaneyn oo kaa soo kor dheceysa. Weliba adiga oo aadan u heyn wax aad ku soorto sida doolshadda iwm. Macmacaanka suuqayadda Xamar aad ayuu u xadidnaa, lianna dalka kama jirin masaanic cuntada hormarisa.

Markaan dibedda u soo qaxnay ayaan dib ugu noqday jaamicad anigoo hami way u haya cilmiga cunadda (culinary arts and science), si aan wax ugu soo kordhiyo tabtii aan ka dhaxalnay hooyooyinkeen.

JamhuuriyaddaSidee cuntada Soomaaliyeed u arkaan dadka aajmabiga ah ee aad la nooshaha?

Sheef Fatma – Aad ayay u xiseynayaa, gaar ahaan kuwa mar dhadhansaday. Nasiib darro, Soomaalida ma qiimeyaan cilmiga cunto (culinary science).

This image has an empty alt attribute; its file name is cake-fay.jpeg

Dhowr iyo toban sano ka hor, ayaan ku marti qaaday asxaabteeda macmacaanka Soomaalida. Waa dambe, ayaa gabadh ka mid ahayd marti qaadkii igu tiri waxaan ka helay rootigaagii “Corn break.” Waan garan waayay waxay ay ula jeeddo “corn break,” ileen aniga muufo (kimis) ma siinine.

Dhow maalmood kadib, ayaan fahmay inay ka waday doolshadii. Waan ka carooday tilmaan xumadeeda! Waxayse igu reebtay su’aal aan ka jawaabi waayay.

Sanado ka dib, markaan dhowr fasal oo “culinary” ah qaatay, oo aan bartay farsamo ka duwan tii hore, ayaan fahmay in doolshada Soomaalida ay qalalan (adag) tahay.

Ciladdaha doolshada Soomaalida ee leedahay waa: (1) Iyada oo qalalan (adag) marka la barbar dhigo kuwa dunida kale; (2) Iyada oo ukunta aad uga soo udgayso; iyo (3) Iyada oo aysan keli kaydsi dheer (shelf life).

JamhuuriyaddaWaa maxay tallada ugu wanaagsan ee aad siin karto dadka (gabdhaha) jecel doolshada Soomaalida inay dubaan?

Sheef Fatma – Dalalka galbeedka waxaan ku arkay bur (daqiiq) kala duwan, weliba mid loogu tala gala doolshada (cake flour). Haddii aad heli karto isticmaal burkaas, amase ku dar bur caadi ah.

Aniga waxaan isku dayay inaan isticmaalo bur caadi ah, haddana aan jilciyo doolshada, xad aysan ka tegin asalkii. Doolasha Soomaalida waxay ku amaanan tahay inaysan qoyaneen, haddana macaanka ku yar yahay.

Dad badan ayaa wax ka waydiiyay qaybaha (ingredients) laga sameeyo doolshada Soomaaliyeed. Waxay isticmaaleen tiro kala duwan oo ukun ah. Malaha taas ayaa sabab u ahayd in ukunta aad uga soo udugto (haado) doolshada. Farsamada aan halkaan ku soo bandhigayo waa tii hooyooyinkeena oo aan cabir u yeelay. kana xaliyay ciladihii hore lagu sheegay.

Qaybahaan (mukawanat) isku qoosh:

  • 1 koob iyo (1/2) bar oo Bur ah, nooca “all purpose”
  • 1 koob oo sukor ah,
  • 1 qaado yar (tea spoon) oo kicisada ah (baking powder),
  • 1 qaado yar (tea spoon) oo faniila ah (vanilla powder),
  • 1 qaado yar (tea spoon) oo heel shiidan ah,
  • 4 ukun heer-kulka-guriga ah (house tempreture), iyo
  • Nus koob (½ cup) oo saliid ah.

Marka hore, makiinadda iskula dar ukinta iyo sokorta. Seddax daqiiqadood ku walaaq ilaa ay noqodaan kareem (creamy).

Kadib, weel gooni ah iskugu geey inta qaleelka ah (qalalan), sida burka, faniilaha, kicisada iyo heelka. Shaqshaq, kadibna qayb ka mid ah si tartiib ah ugu dar kareemkii. Isku walaaq ilaa muddo 10 ilbiriqsi (second). Inta aad walaaqeyso si tartiib tartiib ah ugu dar saliidda barkeeda.

Qaybtii ka harsaneyd budada ku dar iskuna walaaqday adigoo si tartiib tartiib ah ugu dhibcinayo saliidii ku harsaneed ilaa 10 ilbiriqsi (second) oo kale.

Jikadda (foornada) sii kululeeso ilaa 350 F. Markaas kadib, cajiinka ku shubo weelka doolshada (digsiga) lagu dubo. Garaac amase lux si cajiinka uu u fariisto, kuna haay foornadda inta u dhexeysa 35 ilaa 40 minutes, amase inta ay ku bislaato. Ku tijaabi baasto qaleel ah, si aad u xaqiijiso in caloosha aysan qoyaneen oo ay wada bislaatay.

Dibedda soo dhig digsiga ilaa doolshada ay ka qabowdo. Markaas ka dib ka gedi weelkii (digsigii). Isticmaanla waxyaalo ballaaran (midi) si aad uga fujiso weelka geesahiisa.

Ku cun bil caafiya (Shifa’)

Fiiro Gaar:

Koobka – Waa midka cabirka leh.

Weelka (digsiga) – Mari saliid kuna biti bur qafiif ah. Haddii aad heli karto warqadda wax lagu dubo uma baahnid bur inaad ku bitiso.

Weelka (digsiga) – Cabirka waa 8 inch. Haddii aad isticmaaleysid mid ka wayne ama ka yar, iska ilaali waqtiga biseylka.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com –
Dhammaan xuquuqda wareysiga waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda.