Qoobka Ka Ciyaarka Soomaaliya iyo Somaliland

1168

Burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya (1991), cawaaqibkii ka dhashay waxaa ka mid ahaa in gobollada waqooyi ay gooni isu taagaan (18kii May 1991).

Tan iyo maalintaas, maamulka Somaliland wuxuu bisayl ka muujiyay: (1) Shirweynihii Guurtiga, oo looga gudbay colaadii degaanadda waqooyi; (2) Doorashooyin dimuqraadi ah oo isdaba-joog ah; iyo (3) Sugidda amniga.

Dadaalkaas ilaa hadda ma soo dhicin aqoonsi caalami ah, haddana Somaliland kama quusan hadafkeedii. Gobolku wuxuu yeeshay wixii waddan xur ah looga baahnaa, sida: (b) dowlad la soo doortay, (t) ciidan lixaad leh, (j) lacag iyo (x) calan u gaar ah.

Maqaalku wuxuu baadi goobayaa maxaa xal ah, maanta oo ay Muqdisho dib ugu soo laabatay xeyndaabkii dowladnimada, dadaalkii Hargaysana uu isasoo tari la’yahay?

Waxaa laysku waafaqsan yahay, in Hargaysa ay xasilooni hanatay marka la barbar dhigo Muqdisho. Kuwa u janjeera dhanka gooni-u-goosiga, ayaa weli ka bogsoon la’ ku xad-gudubyadii xuquuqa muwaadiniinta waqooyi ee nidaamkii keli taliska.

Kuwa lidka ku ah aragtidaas ayaa aaminsan in, “guumeysi, Ingiriis ama Talyaani, uusan ahayn isir kala geyn kara ummad Soomaaliyeed.” Dadka Soomaalida, meel kasta oo ay Geeska Afrika ka degaan yihiin, waa ummad isku isir ah, diin ah, af iyo dhaqan ah.

Intaas waxay raacinayaan, in nidaamkii Siyaad Barre cid kasta uu ku gaboodfalay. Weliba, dhaqanka gooni-u-goosiga Koofur Sudan iyo Eritrea wuxuu kordhiyey murugada ka taagan xad-gudubyada xuquuqda aadanaha.

Afrika badankeed ayaa ku hoos nool xuduudo ay jeexeen awoodihii gumeysiga. Inta la ogyahay, maanta waxaa gooni-u-goosi u taagan: Cabinda (Angola), Casamance (Senegal), iyo Western Sahara (Morocco). Daraasaad cilmiyeed laga sameeyay dalalka dunida, ayaa shaaca ka qaaday in gooni-u-goosad ay u taagan yihiin ilaa 464 gobol, (Simbanis 2017).

Tim Glawion, oo ka tirsan Machadka Daraasada Afrika ee Jarmalka “GIGA” ayaa yiri, “waa go’aan istiraatiiji ah oo ay sameeyeen Beesha Caalamka iyo Midowga Afrika si ay isku hor istaagaan dadka gooni-u-goosadka radinayo, ayadoo laga baqayo inay saamayn ku yeelato gobolka intiisa kale, – wargayska DW – 19/08/2016.”

Maamulka Somaliland wuxuu naf ka doonay inuu taageero istaraatiijiyaddii Itoobiya ee “daciifinta Koofur Soomaaliya,” si ay uga guddubaan caqabadda aqoonsiga. Taas ayaa keentay in Ra’iisul-wasaare Hailemariam Desalegn uu ku dhiirigeliyo DP World – Dubai inay wada anfacsadaan Berbera (Jamhuriyadda).

Joshua Keating oo daraasad ka sameyay Somaliland ayaa sheegay in “Hadafka Somaliland ee ah in loo aqoonsado waddan, aysan afduubin cabsi, naceeb amase baaqa midnimo, ee waa iyada oo [caalamku] usaan dan ka lahayn [dib u furfurashada Afrika], Horn Diplamat – 02/02/2019.”

Dadka ku dooddaya gooni-u-goosiga qaarkii ayay la tahay in “Ingiriiska oo ka baxa Midowga Yurub (Brexit) ay keeni doonta aqoonsiga Somaliland – The Guardian – Oct 19, 2016.” Si kastaba ha ku timaadee, cimilada sababta kala go’a, sida khilaafaad xuduud, dhibaatooyin dhaqaale, iyo dagaal daba-dheeraada ayaa u muuqda in aysan saamayn (raad) micna leh ku lahayn gebi ahaa Soomaaliya (waqooyi iyo koofur).

Dhanka kale, Geeska Afrika ayaa u muuqda in uu u jihaysan yahay nidaamka iskaashiga ganacsiga iyo amniga, kol haddii awoodaha caalamika ay ku tartamayaan (Jamhuriyadda). Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullahi Maxamed “Cirro” ayaa carabka ku dhuftay in “dal waliba ay kala kulmeen raja beel, laguna dhiirigaliyay inay la midooban Soomaaliya, (Caasimada – Dec. 25, 2016).

Faysal Cali Waraabe, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Cali Khaliif Galeyr

“Somaliland waxay ku suuro geli lahayd ayadoo koofur Soomaaliya ay sii daciifto, amase iyada oo qabaa’ilka Somaliland aysan qoorta isla gelin,” ayuu yiri khadar Xuseen Cabdi (Goobjoog – 06/01/2019).

In muddo ah waxaa Muqdisha ku sugnaa akhyaar ka tirsanayd xukuumadii Siilaanyo iyo xisbiga kulmiye ee haatan haya talada Somaliland (Boramanews.com Feb. 12, 2019). Sidoo kale, waxaa soo wajahay Somaliland culeys dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo darfo badan.

Wolow, uusan ka muuqan wax isbedel ah, siyaasadda Muuse Bixi ee gooni-u-goosiga Somaliland, haddana wararka ka soo yeeraya gobolka, ayaa soo kordhiyey rajo wadahal. Hase yeeshee, waxaa walaac ka taagan yahay iyada oo Hargaysa ay bideyso in gogol shisheeye lagu gaari karo danta ummadda, iyo Muqdisho oo ka biyo diidsan talladaas, maankana ku haysa tii Soomaalida koofureed ka raacdan rubac qarnigii la soo dhaafay.

Waxaa xaqiiqa ah, in Hargaysa iyo Muqdisho aysan ka fursan doonin inay is hor fariistaan, si ay u helaan xal wadajir ah. Waxaa sidoo kale xaqiiqo ah, in Soomaalida uun ay u taalo inay mustaqbalkooda ka tashtaan, weliba maanta oo ay muuqato in dalka uusan sabool ahayn (Jamhuriyadda).

Dhibaatadda Soomaaliya ka dhacday waa inaysan marnaba helin nidaam wanaagsan oo lagu maareeyo baahidda kala duwan ee gobollada dalka. Dood waxay ka taagan tahay muxuu noqon doonaa xiriirka ka dhexeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Dooddaas oo bilaaw ah ayaa waxaa dhabqiyay faragelin shisheeye iyo dano shaqsiyeed.

Maanta dunida waxay ku tartameysaa suuq ballaaran, muruq-maal jaban, dhaqaale kobocsan iyo kaabayaal casri ah. Haddaba, waxaa muhiim ah in Soomaalida (koofur iyo waqooyi) u kaadiso (sugto) “qoob ka ciyaarka,” fahamtana isbeddellada ku hareeraysan, lana timaad aragti siyaasadeed oo ay kula dhaqto Geeska Afrika iyo dunida inteeda kale, oo u horseedda nabad iyo horumar waara (Jamhuriyadda).

Waxaa xaqiiqa ah, in maamul dhexe oo awood badan usan ahayn mid xiiso dambe loo qabto, haddana mas’alada ugu weyn ee siyaasadeed ee maanta hor taal dalka waa nooca dowladnimadda noqon doonto (federaal amase confederal). Sidoo kale, waxaa xaqiiqa ah in afti indha la’a iyo ku dhawaaqid madaxbanaani toona aysan abuuri karin dowlad dunida ictiraafto.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dooneyso inaad dib u dhaabado, fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.