Somaalida waxey leedahay hoggamiye-dhaqameedyo, oo ay caleemo saartaan qabaa’ilka si ay uga xajootamaan wixii dhibaato ah ee beelaha ay ka tirsan yihiin dhaxmara ama beelaha kale oo jaar la ah, kadibna ay sulax iyo heshiis arrinta ku dhameyaan.
Magacyada ay beelaha Soomaaliyeed u yaqaanaan hoggamiye dhaqameedyadaas, inta badan, waa sida soo socota: Beel-Daje, Boqor, Caaqil, Garaad, Iimaan, Islaam, Malaaq, Ugaas, Sultaan, Wabar i.w.m. Sidoo kale waxaa jirta odoyaal sumcad iyo maamus ku leh bushada dhaxdeeda oo lagu magacaabo Guurto, Isimo iyo wax la mid ah.
Xilka hoggamiye Dhaqameedka ma aha mid siyaasadeed ee waa mid dhaqameed, waxana xilkaas u dhibta beelaha ay ka dhasheen, si ay uu mareeyaan is afgarad waa ama gacan ka hadal beelahooda ay isku geystaan. Kibna ka shaqeeyan sidii ay heshis u dhax dhigi lahayeen. Sidoo kale, wixii dagaalo ah ee dhax mara qabaa’ilka kale ee deriska ay la yihiin ay wada hadal iyo sulux ku dhammeyn.
Xeerarka iyo dhaqanka dadka Soomaliyeed oo qarniyaal sidaas ahaa, ayaa laga soo bilaabo shirkii dib-u-heshiista dadka Somaaliyeed ee loogu qabtay, sannadkii 2000 dalka Djibouti, ayey dad siyaasiyiin ah iyo odoyalka qabaa’ilka Soomaaliyeed ku hirgeliyeen hab dhaqan albaabada u furay wax aan horay dalka u soo marin oo Affar iyo Bar la yiraahdo. Sidaasna ay Odoyaal dhaqamedyada ku yeeshaan awood siyaasadeed.
Awoodaha Odoyaasha la siiyay waxaa ka mid ah dadka beeshooda ka tirsan oo xubin ka noqonaaya Barlamaanka dalka, iyaga inay soo xulaan. Qof ay warqad u soo saxiixaan oo keli ahna uu xildibaan dalka u noqon karo. Tilabadaas waxa ka dhashay, sida qaybaha dambe ee qoraalka lagu arki doono ,in ay hoggamiye dhaqameedka tirada ka bataan madama saxiixooda ay dhaqaale ku heleen.
Dalka Soomaaliyeed wuxuu burbur dhinac walba leh soo gaaray bartamahii sannadkii 1977dii, kadib markii dawladii Maxamed Siyaad Bare ay Itoobiya dagaal la gashay iyadoo aan wax taageera ah ka haysan labada dawladooda ee addunka ugu xoog badneyd. Itoobiya markii ay u babac dhigiweysay ciidamadii Somaaliyeed, waxey tageero cidan iyo hub-ba ka heshay dawladda Midoowga Sofieti (Soviet), Kuba(Cuba) iyo Yementa Koofureed oo is baheystay. Tageeraadaas oo Soomaaliya looga itaal ronaaday March 1978di.
Jabkii lagala kulmay dagaalkii lala galay Itoobiya, kadib M.Siyaad Barre wuxuu weli xukunka dalka sii haystay 12 sano. Ururro siyasadeed oo mucaarad ah oo mideysan oo dalka ka jirin darteed. Muddo kadib, waxaa dhismay Ururro badan oo qabiil ku dhisan oo kuwooda ugu horeyay ay ahayeen SSDF (Puntland),SNM (Somaliland), USC iyo SDM. Ugu dambeynti waxaa M.Siyaad Barre xilka laga riday 26kii Janaayo 1991dii.
Dagaal awood ku dirir ah, oo ka dhax kharxay USC iyo iyo taageerayaasha ciidamada Siyad Barre iyo kuwii ka dambeeyay oo ka dhax dhacay USC, ayey suuragal u noqon weysay in muddo 10 sano ah dalka dawladda loo dhiso. Ugu dambeynti bishii 27dii bishii Agost 2000 ayaa degmada Carte ee dalka Jibuti ay suuragal ku notay in dalka dawlad KMG ah, oo madaxweyne u yahay Cabdiqaasim Salaad Xassan lagu dhiso.
Fikradda ka dambeysay, habka lagu dhisay dowladii ugu horeysay ee Carte oo awood lagu siiyay hoggamiye dhaqameeka Soomaaliyeed, cid kasta oo ka dambeysaba , ha ahadeen Dawlado shisheeye ama Hayado Caalami ah , arrintaas waxa ka dhashay nidaam fool xun oo ah (corruption), tartan oo qofkii lacag badan bixiya oo keli ah ay hoggamiye dhaqameedya u saxiixaan warqadda lagu helaayo xubin-nimada Barlamaanka dalka.

Awooda la siiyay hoggamiye dhaqameedyada intaas kuma eka ee waxey ku darsadeen in madaxda dawladda ku cadaadiyaan dad ay wataan, sababta ka dambeysa wax kasta ha noqotee, in loogu magacaabo Wasiir ama daraja sare oo kale. Tilabaadas haddii ay u suura galiweysana , odoyaasha waxey ku dhuftaan qaylo dhaan, buuq iyo qoraalo ay u diraan Hayadaha Caalamiga ah iyo qaybaha warbaahinta, iyagoo dawladda u jeedinaya dhaleceyn, handadaad iyo in ay tageeraada kala noqonayaan.
Hab-dhaqanka nocaas ah, iyada uu jiro ayey haddane waxa si joogto ah TV-da looga arkaa dad shegana hoggamiye dhaqameed oo Hotellada waaweyn ee Muqdisho ku shiraaya oo baaq nadabadeed u jeedinaya, marka kasta oo dhibaato dagaal ay dhax marto beelaha ay matalaan ama kuwo deris la ah. Akhyaarta, halkii ay tegi lahayeen degaanka ay dhibaatada ka soocto, si ay u helaan xal dagaalka lagu joojin laha, oo ay u dhax dhigi lahayn qaybaha dagaalama. Waxey kalintooda waxqabad ku soo kooban jeedinta baaq nabadeed oo warbaahinta marsiyaan oo keli ah.
Caddalad darrada iyo lacagta faraha badan leh ee leysku fulusayo, si loo helo xubnimada Barlamaanka dalka wax looga beddelo, madama sida muuqato ay suuragal noqon karin in dhammadka sanadka 2020 la qabto wax doorasho ah, hal qof iyo hal cod. Waxa mid wanaagsan loo arkaa, inta ay goori goor tahay, in hadda la bilaabo sidii loo heli lahaa hab cadaalad ku dhisan oo dorashooyin dalka loo qabto.
Ugu dambeyntii, sida runtu ah, hoggamiye dhaqameedyada dalka laguma wada tilmaami karo in ay yihiin dad aan xilkas aheyn amase gabay xilkooda, oo bulshadooda aan ku dhax noleen ama aan la socon xaladooda waqtiyada abaraaha, barwaaqada, nabadda iyo colaada ay la kulmaan dadka ay ka dhasheen oo madaxda u yihiin. Hoggamiye dhaqameedyada sharafta leh oo caddaladda iyo horumarka dadkooda ka shaqeeya waa badan yihiin xushamad iyo ixtiraam weyn ayey mudan yihiin hawsha ay shacabkooda iyo waddankooda u hayaan.
Maxamed Xuseen Amin.
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com
Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.