Haddii Aan La Xisaabtamin Soo Xoola beel Maaha!

2038

Ciiddamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo la aasaasay Abril 12, 1960, ayaa muddo yar ammaan badan ku muteystay, anshax iyo xirfad wanaag.

Haddaba, su’aashu waxay tahay, haddii shalay dowlad yar oo daciif ah ay dhistay ciidan intaas quwadiisii gaartay, maanta oo beesha caalamku taageerto, maxaa dalka ka hor taagan dhismo ciidan karti leh?

Maqaalku wuxuu dhowr xagal ka eegi doonaa mas’aladdaas, si loo fahmo halka ay dhibaatada ka taagan tahay.

Sir ma aha, in Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ugu musuq-maasuqa badan dunida. Hay’addaha dowladda oo aan si hufan u shaqeynayn ayaa fududeeya jawiga sharci la’aanta.

Doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo xulashadiisii Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre, waxay u muuqatay inay wax ka bedeli doonto dhaqankaas, (Mogadishu Times – April 6, 2017).

Tan iyo 2012kii, dalku wuxuu horumar ka sameeyay, hirgelinta habsami u shaqaynta hay’addaha maaliyadda. Sidoo kale, waxaa hirgalay tira koobkii shaqaalaha ra’yidka ah.

This image has an empty alt attribute; its file name is tababarka-ciidanka-xds-1.jpg

Hase yeeshee, warbixin ay diyaarisay Vanda Felbab-Brown – Diseembar 2017, ayaa mujineysa in tirada rasmiga ah ee ciidamada XDS ay ahayd 12 kun askari, halka dowladda ay u diiwaan gashaneed 29 kun oo askari (Brookings Institution – November 14, 2018).

Oktoober 2017kii, waxaa si wadajir ah isku casilay Wasiirkii Gaashaandhigga – Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed iyo Taliyihii Ciidamadda XDS – Jeneraal Axmed Jimcaale Geeddi – Cirfiid, (News24 – Dec. 10, 2017).

Ilo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegay in “Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Khayre ay ku sigteen inay isku seegaan khilaafka madaxda sii socotay.” Dhacdadaas, ayaa dhalisay in si wadajir ah mudnaanta loo siiyo dib u qiimaynta ciidamada XDS, si loo helo macluumaad lagu wada qanacsan yahay.

In muddo ah, waxaa war ka taagnaa habka qorista ciidanka (sarkal iyo askartaba), aqoonsigooda (identities), goobaha ay ka howl galaan amase ay ka tirsan yihiin, hubkooda iyo agabka kale, (Tandfonline – Feb. 27, 2019) .

Dowladda Maraykanka oo taageerta Ciidamada XDS, ayaa joojisay gargaarka raashinka iyo shidaalka, kadib markii hoggaamadda – maaliyadda, saadka iyo ciidanka ay ku fashilayn xisaab celin macquul ah, (Reuters – Dec. 14, 2017).

Shacabka Soomaaliyeed, waxay aaminsan yihiin in wada xisaabtan dhab ah oo keliya dib loogu soo celin karo sumcadda dalka. Waana halka uu Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Khayre ay ka bilaabeen.

Intii u dhexeysay Nofember 2017 ilaa March 1, 2019, Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Maaliyadda waxay tira koob, ay ka qayb galeen Taliska Ciidanka XDS, Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha iyo Madaxtooyada ku sameeyeen dhammaan Ciidanka XDS.

Warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay Dowladda Soomaaliyeed, warbahintana maxaliga ah soo bandhigtay qayb ka mid ah, ayaa muujineysa in labadii sanadood ee la soo dhaafay, tirada askarta Wasaaradda Gaashaandhigga u diiwaan gashaneed ay ahayd 25,000 (Shan iyo labaatan kun).

Wakiiladda taliyayaasha ciidankaas, waxay mushaar ahaa Bankiga Dhexe gacanta kaga qaadi jireen bil kasta lacag kaash ah oo dhan 3,200,000 (Saddex malyan iyo laba boqol oo kun) doolar. Caadada gacan ku qaadida mushaaradka waxaa bilaabay “Price Waterhouse Coopers and the AU force administer,” (San Diego Union Tribune – August 25, 2011).

Tira koobka, wuxuu xaqiijiyay in tirada rasmiga ah ee Ciidanku tahay 16,000 (Lix & toban kun) oo askari. Intaas waxaa dheer, askar dhaawac ah, kuwo tababar ku maqan, iyo kuwo geeriyooday oo reerahoodii ay weli qaataan mushakoodii oo lagu qiyaasay boqolaal.

Halkaas, waxaa ka soo baxay in 9,000 askari la la’yahay (25,000 – 16,000 = 9,000), lana lunsaday lacag dhan 21,600,000 doolar (9000x100x2 sano). Haddii raashinka oo ah $30 xisaabta lagu daro, hantida cayriinka lagu cunay waxay dhan tahay 28,080,000 doolar (6,480,000+21,600,000), oo ilaa iyo maanta cidna maxkamad loo soo hortaagnin.

Ra’isul-wasaare Kheyre oo la hadlayay saraakiil ciidan ayaa yiri, “Dowladda Soomaaliyeed ma ahan mashruucii cayrta [ mushaar siinta 9 kun askari oo cirfiid ah (aan jirin)], ciidankana waa meeshii ugu dambeysay ee uu dhaqankaasi ka dhici lahaa;” Asagoo ka jawaabaya ciidamada gadoodsan wuxuu yiri, “maalmahan waxaa la lahaa ciidamo ayaanan mushaarkooda qaadan, qof [askari] aan mushaarkiisa iyo xuquuqdiisa la siin ma jiro, inta ay ka maqan tahayna waa inta aan la diiwaangalinin.

Warbixinta waxay xaqiijineysaa inay jiraan askar lagu qiyaasayo boqolaal oo joogga gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo ay u suurageli la’dahay in la tiro koobo, kaddib markii ay taliyeyaashoodii diideen in la diiwaan geliyo.

Dowladda waxay bil walba siin jirtay Shirkadda Kashraam 1,500,000 (Malyan iyo shan boqol kun) doolar, si ay u quudiso 15 kun askari. Halka, tan iyo Nofembar 2013, UNSOA ay siin jirtay 10,900 askari: raashin, biyaha, shidaalka, teendhooyinka, daawo iyo gaadiid. Kharashkaas, waxaa laga bixinayay xisaabta “UN Trust Fund” ee Soomaaliya.

Khubarada dhaqaalaha ayaa u arka “turxaan bixinta maamulka ciidamada,” inay tahay “khatar loo baahnaa.” Haddiise, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaare Khayre ay ku guuleystaan, waxaan shaki ku jirin in Soomaaliya ay qaaday tilaabo waxtar waara leh.

Warbixin si wadajir ah ay u soo saareen, saraakiil iskugu jirta Maraykan iyo Soomaali oo kormeeray 9 xarumood, ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka badankoodu aysan heysan hub (qoryo), dhar, raashin, qalabka isgaarsiinta, daawo, teendhooyin iyo gaadiid ku filan. Weliba, sahaminta cadowga waxay marti ugu yihiin ciidamada AMISOM, (Brookings Institution – November 14, 2018).

Intaas iyo in kale oo aan la sheegin, ayaa ku kaliftay dowladda Federalka inay mudnaanta kowaad siiso Ciidanka XDS. Hadafku wuxuu yahay in laga kaaftoomo ku tiirsanaanta garab shisheeye, si gargaarka caalamku uusan u hakinin dib u dhiska ciidamada Soomaaliya (Jamhuuriyadda – Nofeember 5, 2017).

Caqabadda ugu weyn ee dalka heysata waxaa ka mid ah iswaafaqsanaan la’aanta himiladda Soomaaliya iyo tan beesha caalamka. Ciidamada waxaa tababarkooda gacanta ku hayaa [12] dowladood oo aan isku dan ahayn, (The Guardian – April 19, 2013).

Weligoodba reer galbeedku ma ogolayn in Soomaaliya ay yeelato ciidan cudud leh (Jamhuriyadda – Nov. 5, 2017).

Taliyaha XDS – S.Gaas Dahir Aadan Cilmi, oo la hadlayay VOAda ayaa sheegay in askartu mushaarkoodu uusan ku filneen noolashooda, (VOA – 26/03/2019).

Cunaqabateenta iyo loollanka Gacanka Carbeed, ayaa si xoog leh u saameeyay dib u dhiska cududda ciidan karti iyo kalsooniba leh. Prof. Paul D. Williams oo ka tirsan George Washington University ayaa yiri, “ ciidanka XDS wuxuu u baahan yahay agab qiimihiisu le’eg yahay 85 malyan doolar, si uu u helo firfircooni dhaqdhaqaaq iyo cudud dab “firepower,” (Tandfonline – Feb. 27, 2019) .”

Sidoo kale, khilaafaadka dhaqan gelinta federaalka ee ka dhexeeya dawladda dhexe iyo maamul-goboleedyada, ayaa dib u dhac xoog leh ku riday isku dhafkii ciidanka qaranka.

Dowladda kama fursaneyso inay dib u xisaabtanto oo ay hesho habkii lagu dhiiri gelin kari lahaa askari hufan oo karti leh, xilli la dhisayo ciidan aan lahayn qaab dhismeed dhexe iyo hoggaan hagga oo mideysan, isla markaasna ku jiro dagaal.

Waxaa xaqiiqa ah, haddii laga dhabeeyo dadaalka toosinta maamulka maaliyadda ciidamada xilligaan adag, in mustaqbalka dhow, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dib u soo ceshan doonaan haybadoodii, dalkana u horseeddi doonaan nabad iyo barwaaqeyn.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.