Qarannimo aan loo dhammeyn lama helo!

600

Waxaan taageeraa boliiska deegaankaya, “waxuu ahaa qoraal ku hoos dhaganaa taarkada gaadhi iga horeeya. Xaqiiqdi si lama filaan ah ayuu dareenkayga isu bedalay, indhahayga ayaan marmaray si aan ilin iskaga tirtiro, dhowr jeer ayaan iska bixiyey muraayadaha araga ii gashanaa. Waayo! Maskaxdayda ayaa jartay, ilbiriqsiyo gudohood kumananaan miil (miles), naftayda ayaa dhex istaagtay halkii xuduntayda tiilay. Waxay isbarbar dhigtay labo xaalad ee aan isqaban!”

“Markii aan ku sii dhowaaday hoygayga, ayaa cidaacadii FMka, aan dhagaysanayey sheegtay war ku saabsan in dadka deegaanka degan, baxsheen lacag lagu iibiyey 45 jaakadaha rasaasta cesha (bullet proof). Jaakadaha waxaa loogu deeqay Boliiska deegaanka, si loo badbaadiyo naftooda.”

Sidaas waxaa sheegay nin aabihii ka tirsanaan jiray ciidamada Xooga Soomaaliya, intaysan burburin dowladdii dhex,1991kii. Haddaba, ma malayn kartaa in dalkaas ninkaas degan yahay uu ka mid yahay kuwa ugu dhaqaalaha weyn caalamka!

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu tiriyey qaar ka mid ah taageerada ay shacabka siiyaan ciidamada dalka uu ku nool yahay, balse nasiib-daro, kaalmo la mid ah midaas aysan helin kuwa qalabka u sida ilaalinta dalkiisa Hooyo (Soomaaliya)!

Wuxuu tiriyay dhowr waji oo ay shacabka ku taageeraan ciidamada sida: “(B) Maqaayadaha cunada, gaar ahaan kuwa iibiya qaxwaha iyo macmacaanka, inta badan gidaaradooda (darbi) waxaa ku qoran qoraalo tilmaamaya qiimo dhimis loo samaynayo ciidamada; (T) In xafiisyada bixiya adeega bulshada loo asteeyey goobo u gaar ah, si loogu fududeeyo dalabkooda, ayagoo feel (saf) gelin! (J) In kuwa soo maray ciidamada, kuwa shaqada ku jira, iyo caruurtooda waxbarashada sare lagu siiyo bilaash (lacag la’aan); (X) In aysan layaab halkan (dalka uu martida ku yahay) ka ahayn, inaad ku aragto goobaha ganacsiyada waa weyn (corporate) qoraalo u muuqda inay ku faanayaan taageerada ay siiyaan ciidamada, sida, ‘waxaan taageernaa geesiyaasheena.'”

Xisaabta ku darso in dhaqaalaha ay ku yaboohayaan aysan ku jirin canshuurta ku waajibtay meheradahaas. Haddaba, jawaab u hel, in sugida amniga tahay masuuliyad wadareed amase ay tahay xil guudka ka saaran dowladda oo keliya?

Shaki kuma jiro in dowladda leedahay jiheenta siyaasada nabadgelyada dalka iyo fulinteeda. Balse hadaysan shacabka barbar istaagin xukuumada, weli waa howl kala dhimman!

“taageerida shacabka waxay sababtay, in lagu faano ka mid noqoshada ciidanka” ayuu yiri, tusaale wuxuu u soo qaatay in gawaarida dadka wataan, in badan oo ka mid ah xaga danbe kaga dhejiyaan qoraalo, sida “wiilkayga amase gabadhayda ayaa ciidanka ka tirsan” iyo “waxaan ka soo dagaalamay goob hebel, waxaan ahaan jiray askari, IWM.”

Dhacdooyinka murugada leh, ee aan weli ka bixin maskaxdayda waxaa ka mid ah dhacdo 80yadii qabsatay dhalaan askari. Ayuu yiri, isagoo wejigiisa laga akhrisan karay, uur-kutaalo, mahadhaan noqotay!

“Waxaa derisnay qoys, ka koonaa 3 qof [ Aabe, xaaskiisa, iyo gabar ay dhaleen]. Nink [Aabaha] waxaa loo soo bedalay mid ka mid ah talisyada ciidamada degan banaanka Xamar. Gabadha waxa seddax bilood u dheer maalmo. Aabaha waxaa uu seexdaa xerada uu ka tirsan yahay. Balse habeenka jimcaha ayuu u soo hoydaa qoyskiisa. Gabadha yar ayaa habeen iyo maalin, si kala joogsi la heyn u ooyda. Haweenka xaafada degan ayaa xog wareysi ugu tagay hooyada gabadha dhashay, si ay u helaan cilada gabadha ka oohisa.”

“Gabadha barta saxarada ayaa shakiran [owdan], kolkii ay saxarada qabato ayay oohin afka labadiis yeertaa! Kadib marka qayb saxarada ka mid ah jabsato kaadi mareenka ayay nafistaa!” Markii uu halkaas sheekada marineyey waxaa indhihiisa ka soo dareertay ilin dhabankiisa qoysay.

“Hooyada ayaa sheegtay in dhaqtarka qaliinka weydiistay lacag, balse aysan awoodin, madaama aabaheed yahay askari qaata mushahar aan ku filneen noloshooda!”

“Marwooyinkii, iyo Mudanayaashoodii ayaa qaraan ay iska aruuriyeen ku baxshay kharashkii qaliinka.” Ogow goobta lagu qalay waa isbitaalka Digfeer oo ahaa isbitaal loogu talo galay bixinta adeeg caafimaad lacag la’aanta ah!

Waxaa xusid mudan in saraakiisha sare ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu askarika ka tirsan yahay, dhisanayeen guryo loo baxshay MATAANO, kuwaas oo ku yiilay goobo ay ka mid yihiin BOOLI-QARAN. Halka madaxdii ciidamada soo maray burburkii ka dib, dhaqaalihii ciidamada ay ka bilili-qaysteen ku dhisteen dhulkii danta-guud, sida, EX-MARINO, AIRPORKA iwm (Caasimada – March 13, 2019).

Askari dhib intaas la’eg haysta gabadhiisa ayaa qaranka u soo adeegay. Shaki kuma jiro in weli qoysaska askarta haysato dhibto taas la mid ah! Qarannimo aan loo dhameyn lama helo!

 Saciid Cabdisalaan

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.