In ka badan 30 sanadood ayaa ka soo wareegtay, tan iyo markii tartan orod caalami ah, uu ciyaartoy Soomaaliyeed oo ku tartamaya magaca dalka libin ka soo hooyo.
Heeryadaas waxaa dalka ka tuuray Xulka Ciyaaraha Fudud ee Qaranka Soomaaliyeed, oo guul lama filaan ah ka soo hooyaya tartankii “The 2019 – Djibouti International Meeting.”
Ummadda Soomaaliyeed waxay haybad u leedahay ciyaaraha fudud, weliba taariikh ku leedahay noocyadiisa kala duwan.
Jibuuti – March 15, 2019 waxay ahayd guushi ugu horreysay ee Soomaaliya ay ka gaarto ciyaaraha Gobolka, waxaana uga qayb galay: (1) Cabdisalaan Maxamed Axmed; (2) Cabdullahi Jamac Maxamed; (3) Cabdirashid Yusuf; (4) Cali Idow Xasan iyo (5) Cabdicasiis Maxamed, oo lagu carbiyey dalka guddihiisa iyo dibeddiisaba (Kenya iyo Itoobiya).
Inkastoo, ciyaartoyda Soomaaliyeed ay hore dalka ugu soo hooyeen guulal dhaxal gal ah, haddana dalku wuxuu jaar la yahay Itoobiya iyo Kenya oo hormuud u ah baratanka masaafadda dheer.
Hase yeeshee, guulihii Maxamed Farax ee maratoonkii London (2012) iyo Rio de Janeiro (2016) Olympics, ayaa bileen magaca Soomaalida, walow uu u tartamayay dalka Ingiriiska.

Sanadkii 1987kii, ayaa Cabdi Bile Cabdi oo ku tartamay magaca dalka, si xarago leh ugu guuleystay tartankii 1500m, ee lagu qabtay magaaladda Roma (Talyaaniga), isagoo ku orodada 800m ee ugu dambeysay 1:46.6 ilbiriqsi (The Christian Science Monitor – September 11, 1987). Tobbankii sanadood ee ka horeysa guusha Cabdi Bile, waxaa tartanka 1500m gacanta ugu jirtay ciyaartoyda Ingiriiska.
Ma aha wax la soo koobi karo ciyaartoyda guulaha u soo hooyay dalka, waxaa xaqiiqa ah in sida ay tiri Marwo Khadijo Maxamed Diiriye – Wasiiradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya, “Qof kasta oo si adag u shaqaynaya [dadaala] wuxuu noqon karaa sida Cabdi Bile Cabdi iyo xitaa ka fiican isaga, (ReliefWeb – April 6, 2018).”
Tartankii “The 2019 – Djibouti Iinternational Meeting” oo ay ku tartamaayeen 50 ciyaartoy oo da’aadoodu kala duwan tahay kana kala socday 14 waddan, ayaa Xulka Ciyaartoyda Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliyeed ka soo hooyeen 2 billadood oo dahab ah.
Abuukar Cadaani oo ka mid ahaa ciyaartoydii ciyaaraha fudud ee uga qayb gashay Soomaaliya”1996 – Atlanta Olympics,” oo wargeyska Jamhuriyadda uga waramayay guusha Jabuuti ayaa yiri, “Waa markii ugu horeysay ee Calan Soomaaliyeed qof sita uu guul ka soo hooyo tartanka orodada caalamka, lana siiyo abaal-marin dahab ah tan iyo 1987kii.”
Dhacdooyinka barnaamijka tartanka oradada raga ayaa isku jiray 200m, 400m, 800m, 1500m, 3000m, iyo 5000m, iyadoo gabdhaha ay ku tartamayeen oradada iskugu jiray 200m, 400m, 800m, iyo 1500 mitir, (Africathle – 15/03/2019).
Garoonka Xasan Guuleed, waxaa wac daaro aan la filayn oo taariikhda galay ka dhigay ciyaartooyda kala ah:
- Cabdisalaan Axmed Maxamed oo orodada 800 mitir u tartamayay ayaa ku guuleystay kaalinta 1aad, kadib markii uu ku orday xowli dhan 1:55:48 ilbiriqsi, halkaasna uu ku muteystay billad dahab ah.
- Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodada 1500 mitir ee dhanka da’yarta u tartamayay ayaa ku guuleystay kaalinta 1aad, kadib markii uu ku orday 3:46:57, halkaasna uu ku muteystay billad dahab ah.

Walow, Guddiga Olympiyada Soomaaliyeed aanay awoodi karin xarun tababar oo heer caalami ah, haddana guusha ciyaaraha fudud waxay muujinayaa in waddanku uu dib u soo kabsanayo, xilli isboortiga uu u baahan yahay horumarin iyo dhaqaale (Jamhuriyadda – Feb. 13, 2019).
Marwo Khadiijo Aadan Daahir – Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud, oo la hadashay warbaahinta ayaa tiri “Markale Soomaaliya waxay ku soo laabatay masraxyada guusha oo ay muddo ka maqneyd.” Guusha Jabuuti waxay Soomaaliya u adeegsan doontaa inay dib ugu qalanto dhacdooyinka waaweyn ee caalamka.
Guddoomiyaha IAAF – Sebastian Coe ayaa sheegay in orodadii masaafadda dheeraa ee 5,000m iyo 10,000m oo ay cayaartoyda Bariga Afrika caanka ku ahayen, aan lagu tartami doono, (Reuter – March 31, 2019).
Taasi waxay si dadban fursad u siin doontaa ciyaartoyda Soomaaliyeed ee u soo safan doonta tartanka ” 2019 – IAAF World Championship, Doha – Qatar” ee Sebtembar 27, 2019 inay muujiyaan hiba dooda.
Waxaa hambalyo muddan, Guddiga Olimpiyadda Soomaaliyeed, Xiriirka Ciyaaraha Fudud, iyo dhammaan intii ka soo shaqeysay horumarka isboortiga Soomaaliyeed tan iyo maalintii la aasaaasay. Waxaa hubaal ah in halgamayaasha ciyaaraha fudud ay howl u taal.
Cali Cusman Cali
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com
Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: waxaa laga soo amaahsaday Goolfm iyo internetka.