Fallada Wargeyska: Doorasho Xor ah Ma Dhici Kartaa 2020-21?

Kala duwanaanta aragtida waa bilicda iyo quruxda muuqaalka nolosha aadamaha. Si aragti kala duwanaanta aysan u sababin khilaaf keena burbur iyo masiibo ku timaada nolosha iyo horumarka bulsho, ayuu aadamaha u baahday inuu abuuro goleyaal la isku dhagaysto.

Goleyaashaas, waxaa lagu gorfeeyaa talooyinka, ayadoo la tuujinayo maanka (maskaxda) ummadda, si fikrad kala duwanaanta loogu rogo ficil horseedda baraaro qaran.

Goleyaasha la isku dhagaysto waxaa ka mid ah baarlamaanka, oo ay soo galaan wakiilo matala bulsho kala aragtida duwan. Wakiiladdaas, waxay ka eegaan mas’aladaha xagal kala duwan, si loo gaarayo dan guud.

Xubnaha wakiilada, waxay kuraasta ku kala badsadaan hadba sida fikradaha la isku hayo u kala mug iyo miisaan xoog badan yihiin bulshada dhexdeeda.

Si kala duwanaanta aragtida loo maareyo, ayaa loo baahday in la abuuro xisbiyo matala hadba intii fikrad wadaagta! Xisbiyadaas, waa barta ay ka bilaabato dimoqraadiyadda ama talo wadaaga ummadda.

Haddaba, su’aasha waxay tahay xisbiyada dalka looga dhawaaqay ma yihiin kuwo mabda’, aragtida amase fikirka siyaasadeed ku kala tagsan?

Ma qarsoona in 42da xisbi ee dalka ka diiwaangashan, badankoodu ay matalaan danaha shaqsi ama koox, ayagoo taageero ku raadiya boogaha iyo isdiidmada gacan ku rimiska ah ee qabiilada dhex taala.

Sideedaba, xisbi waa mid u qaabaysan sida dowlad, leh sharciyo, hoggaamin, gudiyo fulin, iyo golo dhexe. Dhammaantood ku soo baxa doorasho daah-furan oo ka dhex dhacda shirweyne.

Ka qaybqaadashada xubnaha xisbiga xulashada hoggaamiyeyaasha maamulka xisbiga iyo la xisaabtankooda waa muqadas. Haddii taas la waayo, xisbi ma helayo taageerayaal baahsan iyo dhaqaale waafi ah, isirna kuma laha dimoqraadiyadda.

Haddaba xisbiyada dalka laga diiwan geliyay, midkee leh astaamahaas? Ilaa maantase xisbigeebaa qabtay shirweyne loo dhan yahay oo lagu soo doortay hoggaankiisa!

Idris Aminu Kasimu, oo ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Nigeria, ayaa yiri, “Haddii aadan ka dhex bilaabin dimoqraadiyadda xisbiyada siyaasadeed, waxaad adkaan doonta [ku dhaqanka] dimoqraadiyadda gudaha dalka, (VOA Africa – July 10, 2017).”

Marka la eego sida ay wax ku wadaan shaqsiyaadka hor boodaya xisbiyada aan laheen saldhig siyaasadeed ee waqtiga fog, miyaysan u muuqan xisbiyadu kuwo fashilmay.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yarey), ayaa sheegtay in xisbiyo faro badan isdiiwaan geliyeen labadii sano ee la soo dhaafay. Haddana, aysan jirin xisbi qur ah oo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa xisbi ahaan (Radio Dalsan – March 8, 2019).

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada maanta waxay ku canbareysan yihiin in ay bilaabeyn olole awood u dirir, ayagoo aan xitaa aqlabiyad kaga soo dhex bixin xubnaha taageerayo.

Miyeysan taas u muuqan in xisbiyada aysan u socon “dimoqraadiyad sal ballaaran,” diyaarna u ahayn ka qayb galka doorasho qof, iyo cod ah.

Fashilku kuma eko xisbiyada oo keliya. Baarlamaanka (labada aqal) ilaa maanta ma ansixin shuruucda xisbiyada, doorashooyinka, iyo kuwa muhiimka u ah dowladnimadda. Dastuurkiina wuxuu noqday “Faanoole fari-kama-qodna.”

Dimoqraadiyadda ma aha sheeko xariir, ee waa dhaqan tallo wadag oo xisaabtan ku dhisan. Ceebalka Afrika waxaa ka mid ah dabeecadda isku gaar yeelka awoodda xukunka.

Ifafaalahaas, kama marna kooxda Farmaajo iyo Khayre. Dowladda dhexe waa inay si taxadar leh diirada u saartaa in nidaamka doorashadu uu noqdo mid u dhaca si hufan, oo dimoqraadi ah, laguna kalsoonaan karo, si looga hortago khataraha nabadda darrada iyo amniga.

Muddo ka badan 50 sano, doorasho dimoqraadi ah kama dhici dalka. Musharixiin badani ayay la tahay in habka keliya ee lagu taajiri karo uu yahay iyada oo loo marayo xafiiska siyaasadda (xildhibaan, wasiir, ra’iisul-wasaare, madaxweyne, iwm).

Doorashada 2020-21, waa tijaabo lagu qiimeynayo awoodda Soomaaliya ay kaga baxi karto dowlad fashilantay, uguna guddubi karto mid dimoqraadiyad xasiloon (deggan).

Qaran ma dhismayo ayada oo aan la helin taageerada iyo ka qaybgalka buuxa ee bulshada. Doorashada 2020-21 waa fursad mar labaad u soo laabatay dalka. Ka faa’iideysashadeedu waa mas’uuliyad wadareed – Shacab iyo Dowladba.

Tififtiraha Jamhuriyadda

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Dhammaan xuquuqda faallada waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s