Wednesday, December 6, 2023
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka 2019 Mogadishu Mini-Marathon

2019 Mogadishu Mini-Marathon

Maalintii Jimcaha Abril 5, 2019 ayaa magaaladda Muqdisho lagu qabtey tartan orod gaaban (3.5 km) oo lagu maamuusayey Maalinta Nabada Adduunka iyo Cayaaraha.

Orodadaas “Mini-Marathon,” oo la bilaabay sanadkii 2018kii ayaa sandkaan waxaa ka qayb galay 1500 qof oo isugu jiray da’ kasta, halka sanadkii tegay ay ka qayb galeen ilaa 370 orod yahan.

Munaasabada waxay ku soo aaday xilligii ugu adkaa nabad gelyada gobolka Banaadir, haddana waxaa cajiib lahayd, in taasi aysan hakinin in dadweynaha ay ku baratamaan wadada Makka Mukarama.

Tartanka oo ka soo bilowday Isgoyska lambar afar (Km.4) kuna dhammaaday Taalada Daljirka Dahsoon, ayaa wadada labadeeda hareerood ay buuxiyeen dadweyne taageerayay baratamayaasha.

Munaasabadda oo ahayd mid aan iyada oo kale hore loo arag, ayaa farxad gelisay magaaladda kadib markii TVga laga arkay Marwo Khadijo Maxamed Diiriye – Wasiiradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo u tafa xeedatay inay la baranto Inj. Maxamed Cumar Cusmaan (yariisow) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Waxaase guusha hantiyay Cabdinuur Maxamed Garaad iyo Maryam Nuux Muuse.

Oradada “Muqdisho Mini-Marathon” waxay kordhiyeen isdhexgalka dadweynaha 17da degmo ee gobolka Banaadir, taas oo saameyn ku yeelan doonta bedqabka iyo horumarinta bulshada Caasimadda.

Isboortiska waxaa loo arkaa inuu yahay qalab awood badan oo gacan ka gaysan kara xoojinta midnimada iyo dib-u-heshiisiinta ummadda.

Tartanka oo ay soo qaban qaabiyeen Xiriirka Ciyaaraha Fudud iyo Guddiga Olymbiyada Soomaaliya, ayaa dunida gaarsiiyay fartiin sida nin ka mid ah dhallinyarada cuslaatay ee magaaladda uu yiri, “Dadka Soomaaliya wax hakin kara ma jiraan, haddii samaha ay u qumaan.”

Farxadda dadweynaha waxay cirka isku shareertay, markii la maqlay in billad maar ah ay ku guuleysteen Ciyaartoyda Ciyaaraha Fudud oo ka qayb galay ciyaarihii “2019 ANOCA Zone V Youth Games in Huye, Rwanda.”

Tartanka oo socday 5 maalood, Abril 2dii ilaa 6dii, 2019 waxaa lagu baratamayay ciyaaraha kala ah: Baaskiilka, Kubadda Shabakadda (Volleyball) Xeebta, Kubadda Koleyka 3×3, Hardinta – Taekwondo iyo Ciyaaraha Fudud.

Dhammaan ciyaarahaas, waxaa ka qayb galay ilaa 350 ciyaaryahan oo ay da’doodu u dhexeyso 16 ilaa 18 jir, kuna guuleystay 39 abaal-marinood.

Dalalka ka qayb galay waxay kala ahaayen: Burundi, Kenya, Eritrea, Ethiopia, Uganda, Tanzania, Somalia, South Sudan, Sudan, Egypt iyo Rwanda.

Waxaa lagu marti qaaday ciyaarahaas, dalka Fransiiska oo ay ciyaartoydiisii afka u dhigteen 10 abaal-marinood oo 7 yihii dahab, halka Kenya ay qaadatay 14 abaal-marinood oo 4 yihiin dahab, Rwandana ay heshay 4 billadood oo dahab ah.

Ujeeddada munaasabada waxaa ka mid ahayd, in ciyaarahaas loo isticmaalo jaranjaro ciyaartoyda gobolka ay uga tiigsato ka qayb galka kulamada ciyaaraha caalamiga ah.

Inkastoo Soomaaliya aysan awood u helin inay ka wada qayb gasho ciyaaraha oo idil, haddana ciyaaryahanka Cabdullahi Jaamac Maxamed ayaa ku guuleystay kaalinta 3aad ee orodada 1500m, kadib markii uu ku orday xowli dhan 3’:58’’:13.

Khubaraadda ciyaaraha fudud, ayaa aaminsan in Cabdullahi aysan reebin tabar, laakiin uu u baahan yahay tababar farsamo iyo tallooyin kaba khibradiisa tartan.

Masaarida ayaa ballan qaaday inay marti gelin doonto wareega soo socda ee munaasabadda ANOCA Zone V Youth Games oo ku aadan 2021.

Muqdisho Mini-Marathon iyo guusha Rwanda, waxay markhaati ka yihiin in Xiriirka Ciyaaraha Fudud iyo Guddiga Olymbiyadda Soomaaliyeed ay sameeyen howl wax ku ool ah, balse horumarinta isboortiga dalka fari kama qodna.

Cali Cusman Cali

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Dhammaan xuquuqda maqaalkaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments