Muxuu Barlamaanku u Shaqayn La’yahay

Golaha Shacabka

Kulankii April 6, 2019 ee Xildhibaanadda Golaha Shacabka uga hadli lahayeen xaaladda amniga dalka ayaa muran ka dhashay, kadib markii laysku afgaranwaayay dareenka warbixinta (sir, xasaasi, caadi iwm).

Si taas loo meel mariyo, waxaa laga maarmi waayay in cod la qaado. Codadka waxaa inta badan loo qaadaa si loo eego aqlabiyadda xildhibaanada dhanka ay u badan tahay (aado). Waana hab dimoqraadi ah oo lagu dhaqo kala saarista fikradaha la iskaga soo horjeeddo.   

In saxaafada dibad joog ka ahaato kulanaka, waxaa ogolaatay 104 xildhibaan, halka 42 xildhibaan ay diideen.  Haddaba natiijada cod qaadista ka dib maxaa dhacay oo cashar laga baran karaa?

Marka hore, Xildhibaanadda diidan soo jeedinta waxaa u furnaa inay qaadacaan shirka amase ashtako hor geeyaan guddoonka. Labadaba ma dhicin. Waxay ka qayb galeen cod bixintii. Haddana, waxay adeegsadeen qaab qaldan oo ah inay is-hor-taageen natiijadii aqlabiyadii golaha.

Mid ka mid ah doorarka ugu muhiimsan Baarlamaanka, ayaa ah kor joogteenta golaha fulinta (dowladda), si ay u dhacdo isla xisaabtan joogta ah. Walow, arrintaas uusan war ka taagneyn, haddana “waxaa qaldamay hab soo jeedinta guddoonka,” ayuu yiri Maxamed Cumar Dalxa oo xubin ka ah Golaha Shacabka.

Marka xiga, Gudoomiyaha baarlamaanka waxaa seegtay inuusan afti gelin soo jeedinta amase uusan ku dhawaaqin in fadhiga uu xiran yahay. Kol haddii la wada cod bixiyay waxay ahayd inuu dabaqo natiijadda. Xildhibaanadda ka hor yimid natiijaddana si qanuunka waafaqsan looga saaro fadhiga baarlamaanka.

Sharciyaqaan khabiir ku ah dhaqanka goleyaasha sharci-dejinta, ayaa yiri “Waxaa la yaab leh, in xildhibaanadda ay xushmeen waayaan xeer hoosaadkooda, haddana dalku ka sugayo [golaha] inay xeer u dhigaan.”

Waxaa muuqata, in xildhibaanadda ay si ula kac ah (ogaal ah) ugu  tunteen anshax wanaaga, amase aysan aqoon ciqaabta ka imaan karta carqaladeenta kulamada baarlamaanka.

Waxaan shaki ku jirin,  in xildhibaanada u baahan yihiin inay qaataan casharo (daruus) ku saabsan gudashada waajibaadkooda, guddoonkana barto in xeer-jab-jab gole lagu hoggaamin karin, si waqti  dambe uusan dalka uga lumin.

Walow xubnaha baarlamaanka aan lagu soo dooran qaab xisbiyeed, haddana waxaa muuqata inay xubnaha u qaybsan yihiin muxaafid, mucaarad iyo koox dhexdhexaad ah. Habkaas, waa sida ugu fiican ee dimoqraadiyad ku hirgeli karto, waase haddii la wada aqbalo natiijoyinka cod bixinta (majority rule).

Ma aha markii ugu horeysay ee Golaha Shacabka isku khilaafo arrin, hase yeeshee kal-fadhiga 5aad ayaa ummadda ka filaysaa in uu kala socodsiin doono hindisa-sharciyeeddo in mudda ah la yaalay golaha, ee u baahan in la ansixiyo amase la diido.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 5aad ayaa yiri, “Labadii sanno ee uu maamulkaygu jiray, waxaan saxiixay labo sharci oo kaliya, halka 29 hindise-sharciyeed oo kale ay horyaallaan labada Gole ee Baarlaamaanka; (Sonna March 27, 2019).”

Qaabka ay shaqada Golaha Shacabka u socoto ilaa iyo markii la aasaasay baarlamaanka – 2000, waxaad mooddaa marba marka ka dambeya in xubnaha uu Shacabka Soomaliyeed u soo xushay inay sharciyo iyo nidaam dowladeed u dejiyaan dalkooda, oo burbur iyo dawlad la’aan ku jiray muddo dheer, in uu damiirkooda wax saameyn ah ku laheyn xaaladda dalka.  

Taas waxaa u daliil ah, hadaladii Madaxweyne Farmaajo oo ahaa, “In badan oo ka mid ah shuruucdaas [la taal golaha], waxay muhiim u yihiin hirgelinta howlaha dowladda, sida la dagaalanka argagixisada, la dagalaanka musuqmaasuqa, sharciga maamulka maaliyadda iyo xaqsiinta ciidamada oo aad iyo aad muhiim noogu ah.”

Fadhiyada Golahu waxey ka gudbi la’yihiin akhrinta 1aad, 2aad iyo 3aad ee sharicyada ay Golaha Wasaaradaha u soo gubiyaan, si ay uga doodaan oo wixii danta dalka iyo dadka aan waxtar u laheyn, kaga saaraan. 

Doodaha golaha, ayaa fursad u siinaya xildhibaannada in ay eegaan abuurista iyo wax ka bedelidda sharciyada iyo sidoo kale arrimaha qaran iyo kuwa caalamiga ah, waxayna ku jiri karaan mawduuc kasta. Nasiib darro, sharci kasto marka uu maro akhriska 3aad ayaa warkiisa ugu dambeyso.

Ma jirto cid sheegeysa, in dib loogu celiyay dawladda ama loo gudbiyay Aqalka Sare toona.  Maalmo yar kadib, haddane waxaa fadhiyada Golaha laga maqlaa in la bilaabay akhrinta 1aad ee sharci cusub, iyadoo kuwii ka horeeyey meesha ay ku dambeyeen la ogayn, amase aan la sheegin.

Khilaafaadku kuma eka aqalka hoose dhexdiisa, ee waxaa wada shaqeyn la’aan dhex taal labada aqal ee baarlamaanka (deadlock). Taas ayaa mar kale, si guud ahaan ah u cuuryaamineyso habsami u socoka shaqada goleyaasha.

Waxaa in la xuso mudan, dhibaatada wax qabasho yeridda baarlamaanka (labadda aqal), ay qayb ka tahay maqnaashaha xubnaha goleyaasha (Financial Times – January 7, 2018). Weliba, waxaa cajiib ah in kuwa ku sugan Caasimadda, aysan si joogta ah shirarka uga qayb gelin.

Lama kala garan karo, in taas ay ugu wacan tahay damiir la’aan amaba inay wax culeys ah ku haynin xilka iyo dhaarta ay mareen, oo ah inay si daacad ah ugu adeegi doonaan ummadooda.

Xubnaha Golaha ka tirsan ee qurba joogta ah, iyaguna waqti ka badan midka ay fasaxa u leeyihiin, ayay ku maqnaada dalalka ay deggan yihiin, iyada oo cid kula xisaabtanta aysan jirin. Arrimhaas oo isbiirsaday darteed, Goluhu wuxuu mararka qaarkood la kuma inay soo xaadari waayaan tiradii fadhiga looga bahan yahay (Quorum).

Dhinac kale, waxaa jira Golaha Shacabka in ay bilaabeen in ay ka hadlaan in loo kordhiyo dhaqaalaha loo qoondeeyay, iyagoo ogsoon xaladda dhaqaalaha dalka iyo inay dawlaadda, waqti aan dheereyn, biloowday  qaadista canshuur (Tax). Isla markiina, ogsoon in kabida Miisaaniyadda dalka loogu baryo tago dowladdaha caalamka.

Iimaan Alle uur buuxiya, ee Xildhibaanoow HALLA GAADO DHOORTO

Maxamed Xuseen Amin iyo Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com. Dhammaan xuquuqda maqaalkaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso waa inay caddeysaa inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday

Advertisements

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s