Ra’iisul-wasaare Jacinda ma Rajadii Dunidaa!

373

Nacayb isir, Takoor, Islaam ma ogolin, iyo Muhaajiriin ma rabno, ayay aheed doodda ugu weyn ee lagu faaqido saxaafada caalamka, oo ay ku jirto baraha bulshada sanadihii ugu dambeeyey. Waxaa taas barbar socday, kumanaan tacabureyaal ah oo ku dhimanayey badda dhexe “Mediterranean sea,” kuwaas oo socdaal halis badan uga soo baxay dalalkooda, si ay nabadgelyo, iyo nolol wanaagsan uga helaan wadamada galbeedka.

Siyaasiyiinta midigta fog, ayay ugu muuqatay qorshe [agenda] ay ku duulaan tagaan, ayagoo dirayey fariimo nacayb ah, abuurayeyna cabsi iyo argagax, si ay u helaan codad guusha ay ku raacdo. 

Aragtidaas, waxay u shaqaysay Mr. Donald Trump, oo ku guulaysatay madaxtinimada dalka Maraykanka, November 8, 2016. Sidoo kale, waxay u shaqeysay Austria oo ay hoggaanka u qabteen xisbiyada midigta fog iyo dhexe, December 18, 2017.

Balse aragtidaas, waxay jaha wareer siyaasadeed iyo mustaqbal aan la hubin dhigtay dalka Ingiriiska. Ka dib markii aftidii shacabka Ingiriiska, go’aankeedii noqday inay ka baxaan Midowga Yurub, Jun 23, 2016.

Waxay sidoo kale galaafatay, Ra’iisul-wasaaraha Jarmalka – Mrs. Angela Merkel, kuna qasabtay inay wareejiso hoggaanka xisbigeeda, kadib markii ay aqbashay soo galooti Syria ah oo gaarayay malyan qof.

Waxaa xusid mudan in wadamada ku jira midowga yurub, iyo Australia dib-u-habeen ku sameeyeen sharciyada socdaalka, isla markaasna dhaqan geliyeen sharuuc xadidaya xuriyada Diinta. Halka ay sanado badan xuriyada Diinta aheed mid saldhig u ah xuquuqaadka aasaasiga qofka lee yahay, ayna jireen damaanad-qaad xaga sharciga ah.

Fariimaha cabsida iyo argagaxa, waxay dhaleen rabshado iyo weeraro lagu qaado goobaha cibaadada ay lee yihiin qowmiyadaha laga tiro badan yahay, sida
Kaniisado Madowga, Masaajida Muslimka, Synagogue Yahuuda iwm.

Weerarkii ugu dhimashada badnaa waxuu ka dhacay Christchurch New Zealand. Labo maasjid oo ku yaal halkaas, ay ku dhinteen 50 ruux, kuna dhaawacmeen tiro badan maalin jimco ah, March 15, 2019.

Balse, Ra’iisul-wasaaraha New Zealand, Mrs. Jacinda Arden, ayaa furtay daaqad rajo iyo in nacaybka lagu badali karo jacayl! “Waa mid ka mid ah maalmaha madow ee New Zealand, waxay doorteen New Zealand inuu ahaado gurigooda, waana gurigooda (the guardian March 15, 2019).”

Marwo Jacinda Arden, waxay muujisay hoggaamin, danqasho iyo garaabis, taasoo ay ku kasbatay sumcad, iyo xushmo dheeri ah. Waxay midaysay shacabka New Zealand.

Malahayga! Waxay Macalin u noqotay hoggaamiyaasha ciilka iyo carada nacaybka buux-dhaafiyey, ummadana kala qaybiya.

Haddaba, maxaa looga cararayaa, Qaarada Afrika, iyo dalalka Islaamka?

Jawaabta waa mid fudud! Cadaalad darro, u sinaan la’aanta sharciga iyo quudsiga kheyraadka! Arrimahaas, waxay horseedayn dagaalo, barakac, saboolnimo, nabadgelyo darri iyo tacabur.

Haddaba, shacabka Soomaalida waxaa waajib ku ah inay ka wada shaqayaan dhismaha dalka, si ay u soo guryo noqdaan kuwa ku maqan banaanka, kuwa guddaha joogana ay u helaan degenaansho, iyo xasilooni!

Hantiyey macaan waa midaan hoy lagaa oran!

Saciid Cabdisalaan

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.