Thursday, June 1, 2023
Home Gudaha Anshaxa Wanaagsan Waa Aas-aaska Horumarka

Anshaxa Wanaagsan Waa Aas-aaska Horumarka

Halkani waa Soomaaliya, oo jagooyinka iyo xilalka siyaasiga, amniga iyo xafiisyada adeegga bulshada lagu soo xulay in muddo ah hab aan u adeegayn danaha shacabka Soomaaliyeed, si lo helo dowlad dimoqraadi ah, isla-xisaabtan leh, meel marisana sareenta sharciga.

Kadib, xukuumada hadda talada haysa markii ay go’aan satay inay wax ka bedesho, waddadii la hayey, waxay la kulantay diidmo kaga timid dibedda iyo gudaha, oo isku u jeedo leh.

Dalalka ay ka jiraan xukuumado la isla-xisaabtamo, waxay u doortaan xilalka siyaasadda, dad leh anshax [asluub], aqoon, iyo karti ay ku fulin karaan howsha loo idma’day. Waxaa qiimayn lagu sameeyaa taariikh nololeedkooda, inta aan jago qaran loo magacaabin.

Haddaba, su’aasha waxay tahay, anshaxa qofka door intee la’eg ayuu ka cayaaraa, helitaanka hoggaan wanaagsan, iyo shacab sharaf huwan?

Culimada cilmiga falsafada, ayaa rumaysan in aadanaha waxa ka dhowra inuu gaysto xad-gudub iyo danuub ay tahay labo arrimood:

  • Caqiido [ aaminsanaan] – taas oo hagaajiso ANSHAXA, ama ASLUUBTA (morality) qofka, waayo? Qofka ayaa aamina jiritaanka awood ka sareysa, lehna fulin ku abaal marinaysa wanaag iyo khalad, hadba tuu la yimaado.

C.S. Lewis, oo ahaa khabiir cilmiga falsafada ayaa ku soo koobay, faa’iidada Anshaxa, (b) In qofka si nabad ah kula noolaado dadka (bulsho) kale; (t) In la helo shaqsi wanaagsan, si loo abuuro bulsho wanaagsan; iyo (j) In anshaxu, hagaajiyo xiriirka kala dhaxeeya qofka iyo abuurihiisa (ALLAH). Sidoo kale, Lewis ayaa rumaysan “in caqiidadeenu ay muhiim u tahay anshaxa dabeecadeena.”

  • Qaanuun fulin la socoto: Haddii qofka anshaxiisa hagi waayo, waxaa laga maarmaan noqotay in la abuuro sharciyo qabta dambiilaha, si bulshadu uga nabad-gasho dhibkiisa. Taas ayaa dhalisay in loo baahdo, abuuritaanka Sharci, Maxkamad, Boliis, Qareen iyo Xabsi.

Culamada cilmiga falsafada, waxay isku raacsan yihiin, meeshii (goobta) aysan ka jirin ANSHAX iyo QAANUUN, dadku waxay lumiyaan qiimaha iyo karaamada aadanimada. Balse, intaas oo kaliya kumaysan sifeen ee waxay la mid dhigeen duur-joogta. Sidoo kale, waxay isku dhaqaan xeer la mid ah kan duur-joogta!

Diinta Islaamka, waxay dhiiro gelinaysaa inuu qofku noqdo, qof leh Anshax wanaagsan. Arrinkaas waxaa daliil u ah, inuu yiri Rasuulkii Ilaahay (s.c.w), “waxaa ka mid ahaa hadalladii laga soo gaaray Nebiyadii hore: haddii aadan xishooneyn fal waxaad doontid” (Afartan Xadiis, xadiiska 20aad).

Waxaan shaki ku jirin, in shacabka Soomaaliyeed soo tijaabiyeen ku dhaqanka xeerarka duur-joogta, mudaddii lagu jiray dowlad la’aanta.

Weli dalka, kama soo kaban burburkii iyo nidaam daradii jirtay, balse waxaa la yaab noqotay in ay jiraan shaqsiyaad danley ah oo u durbaan tumayaa in dadka iyo dalka loo cesho waayihii dhibka, iyo silaca badnaa, halkii loo adeegi lahaa qarankan nugul!

War xog’ogaal ah ayaa sheegaya in dadka calanka colaada wada, inay ka mid yihiin xildhibaano, huwan xasaanad. Balse, xasaanadda sharciga kama sareyso. Haddii aad maanta aad ka baxsatid sharciga, waxaa imaan maalin lagu la xisaabtamo.

Dooddii baarlamaanka Abril 13, 2019 Xildhibaan Ubax Tahliil, ayaa tiri “waxaa jira xildhibaano ku howlan kicinta shacabka, kuwaas oo dhallinyarada u qaybiya lacag si ay rabshado u abuuraan.”

Dooddeeda waxaa xoojinaya Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in banaan-bixii rabshadaha watay, ee dhacay Abril 13, 2019 ay jireen shaqsiyaad dano leh, inay ku soo dhex dhuunteen bajaajleeyda, si ay u abuuraan khal-khal amni iyo deganaansho la’aan.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in qas-wadayaasha ay ka mid yihiin siyaasiyiin hore, ganacsato iyo hoggaamiye kooxeedyadii hore.

Waxaa intaas dheer, inay jiraan qurbo-joog si dad-ban, iyo si toos ah colaad uga huriya baraha bulshada (social media). Waxay abuuraan colaado, iyo isku dhacyo qabiil.Sababaha, ay arrinkan u samaynayaan wey wajiyo badan tahay:

  • Dano dhaqaale, in badan oo ka mid ah waxay dhaq-dhaqaaq xisaab (account) ku lee yihiin baraha bulshada sida YOUTUBE, si muuqaaladooda, dad badan u daawadaan, waxay ka hadlaan, arrimaha siyaasadda, wararka qabaa’ilka ku saleysan.
  • Isku-kal-sooni la’aan haysata dadka qaar, waana arrin la xiriirta ruuxda qofka oo bukoota. Waxa keliya, ay doonayaan ayaa ah inay helaan daawadayaal badan, balse uma muuqato dhibaatada, ay geysanayaan. Sidaas waxaa rumaysan Dr. Cabdiqaadir Xusseen Warsame, oo bartay cilmi-nafsiga.

Dr. Cabdiqaadir ayaa sidoo kale aaminsan, inay jiraan kuwo anshax-laa-wayaal ah, isticmaalana maandooriye, oo haddii lacag la siiyo wax walba loo adeegsan karo, iyo kuwo caafimaad qaba, oo si ula kac ah, ugu xadgudba dadka kale xuquuqdooda ( BBC Somali News – April 16, 2019).

Dagaaladii sokeeye ee dalku soo maray, waxay dhibaato caafimaadka maskaxda ah u geysatay in badan oo Soomaali ah. Kuwaas oo aan wada helin, dhaqaatiir iyo howl wadayno caafimaad oo wax ka qabta dhibaatadooda.

Axmed yare waxuu jiray 19 sano, markii uu dib-u-dejin ka helay dalka Maraykanka. Waxaa la socday aabihii oo wayeel ah iyo walaalkii oo ka yar, halkii uu waxbarasho aadi lahaa ayuu shaqo tagay, si uu u baxsho kharashka reerka, isla markaasna u kaalmeeyo reerka walaalkii oo naafo ah, deganaana Nairobi. 

Axmed yare dhibaato luqada ma heysanin, taas ayaa u sahashay inuu si dhaqsa leh ku helo shaqo. Balse waxuu shaqeyn jiray waqti badan, taas oo ahayd sida keliya oo uu biilasha ku maarayn karo.

“Waxaan bilaabay inaan isla hadlo in badan, hurdaduna igu yaraato. Waayo, nooloshii aan filayey lama kulmin,” ayuu yiri Axmed yare. 

In muddo ah kadib markii aan dhex jibaaxayey mareegaha ka hadlaya cilmu nafsiga, waxna ka tarin dhibaatada i haysato ayaan go’aansaday inaan la kulmo dhaqaatiirta aqoonta u leh, xanuunkayga.

“Waxaa la i siiyey, talooyin caafimaad iyo daawo socotay ilaa 16 sano, haddana aad ayaan u fiicanahay,” ayuu yiri Axmed.

Waxa aan la yaabay, in Axmed xogtiisa caafimaad cidna la wadaagi jirin. Taas oo sabab u ahayd fikradaha qaldan ee laga haysto cudurada ku dhaca maskaxda iyo nafsada. 

Waxaan shaki ku jirin, in inta badan dadka ka hadla baraha bulshada ay qabaan xanuun la mid ah kaas, loona baahan yahay in lagu dhiiro geliyo inay raadsadaan, talo dhaqtar iyo daawayn caafimaad.

Abuu Hureeyra, ayaa laga weriye inuu yiri Rasuulkii Ilaahay (s.c.w) “qofkii rumeeyey Alla iyo maalinta qiyaamaha ha ku hadlo kheyr ama ha iska aamuso..” (afartan xadiis, xadiiska 15aad).

Dowlada Soomaaliyeed, waxaa la gudboon inay ka hortagto shaqsiyaadka ku howlan colaad hurinta, ayadoo u marayso xeerarka caalamiga iyo sharciyada wadamada ay degan yihiin AF-SEEF-LA-YAASHAN.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji cinwaanka emailka: jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, faldan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments