Friday, December 1, 2023
Home Diblomaasiyadda Kacdoonka Sudan Maxaa Xigi Doona?

Kacdoonka Sudan Maxaa Xigi Doona?

Awoodda shacabka ayaa leh, waana cudud burbur iyo dhismo keeni karta, kuna xiran hadba hoggaaminta dalka uu helo.

Doorka hoggaaminta bulshada, waa doodda maqaalka. Waxaan diirada saaraynaa, kacdoonada shacabka guulaysatay iyo kuwa fashilmay taariikhda carbeed ee cusub.

December 17, 2010 – Mohamed Bouazizi, ayaa dab is-qabadsiiyey, isagoo ka careysan nolosha adag iyo rajo-beelka ku dhex qabsatay dalkiisa Tunisia.

Dhacdadaas ayaa lagu faafiyey baraha bulshada, waxayna saameysay dawladihii xukunka adkaa, ee waqtiga dheer ka talinayey bariga dhexe iyo kuwo ku yaala qaarada Afrika. Sida Tunisia, Libya, Masar, Syria, Yemen, iyo Baxrayn.

Marka laga reebo, Tunisia, kacdoonadaas way fashilmeen, waxayna u xuub-siibteen dagaalo sokeeye, barakac iyo heerka nolosha inuu ka hoos maro tii laga cabanayey. Sababtu waa maxay, maxaase cashar ah oo laga baran karaa? Kacdoonadda, hadda ka socda Aljeeriya iyo Sudaan maxay ku danbeen doonaan?

Ugu horeyn, kacdoonka Tuunisiya, waxuu ahaa mid shacabka u dhammaa, hoggaankana waxaa u qabtay hormuudka bulshada rayidka. Waxaa kaloo wehelinayey, siyaasiyiin hadafkoodu ahaa horumarinta danaha Tunisiya, meelna iska dhigay danaha shaqsiga, afkaarta siyaasadda iyo diinta.

Syria, oo ay u badan yihiin dadka haysta mad-habka Suniga, ayaa ku fashilmay inay ku qanciyaan, dadka shiicada iyo kuwa kirishtaanka ah, ee dalka la wadaaga inay qayb ka noqdaan kacdoonka. Taasi waxay sababtay in shiicada iyo kirishtaanka ay ka welwelaan mustaqbalkooda, isla markaasna dareemaan inaysan haysan wehel aan Bashar Assad aheen.

Taasi Assad, waxay u noqotay fursad dahabi ah ee soo martay, kuna dheeraysan karo joogitaankiisa madaxtooyada Dimishiq (Damascus). Tani, ayaa keentay fashilka kacdoonka Syria.

Marka aynu eegno dalka Masar, bilowgii kacdoonka lagu riday Xusni Mubarak qayb waxaa ka ahaa, dhammaan shacabka Masaarida, marka laga reebo koox tiro yar oo danley ahayd. Balse markii la gudo galay xilligii kala guurka, waxaa soo shaac baxday kala qaybsanaan weyn oo soo kala dhex gashay kooxihii hoggaaminayey kacdoonka shacabka.

Dhaq-dhaqaaq Akhwaanka oo si weyn u nidaamsanaa marka la barbardhigo kooxaha kale, ayaa ku guul-dareystay mideynta danaha shacabka Masaarida. Taas oo sababtay in doorashadii hoggaanka dalka, musharaxoodii Maxamed Morsi (52%) uu si dirqi ah uga baxsado musharixii ka soo horjeeday – Axmed Shafiq, oo ahaana Ra’iisul-wasarihii ugu dambeeyay nidaamkii Mubarak.

Markii uu talada Masar qabtay Morsi, ma uusan garawsan in ku dhowaad kala bar shacabka Masaarida (48%) ay ka codeeyeen June 24, 2012. Fariinta shacabku waxay ahayd inaan lala dhacsaneen aragtida kooxdiisa, loona baahan yahay in danaha shacabka Masaarida laga shaqeeyo. Taas ayaa sababtay in mar labaad xukunka gacanta u galo Ciidamada.

Libiya iyo Yemen, waxay wadaagaan in qaab qabiil iyo afkaaro mad-habeed, hoggaamiyaal xambaarsan hor kaceen kacdoonkii shacabka. Taas oo fursad siisay faragelinta dowladdo shisheeye oo dano is diidan ka leh dalkooda.

Shacabkii raadinayey isbeddelka xukunkii adkaa ee Muammar Al Gathafi iyo Cali Cabdalla Salax waxay dhex maquurteen, mowjado colaad, barakac, gaajo iyo ba’ aduun oo dhan. Xaalka Libiya iyo Yemen, wuxuu ku biyo shubtay “Kud ka Guur, oo Qanjo u Guur.”

February 22, 2019 Shacabka reer Aljeeriya, ayaa waddooyinka u soo baxay, ayagoo ka caraysan in markii 5aad Cabdullcasiis Bouteflika musharax u yahay madaxtooyada.

Dowlada Aljeeriya, waxay xirtay jaamacadihii ayagoo u arkayey inay tahay goobaha ardayda kacdoonka wada isku soo abaabulaan. Tallaabadaas ma shaqayn, waxaana kacdoonkii ku soo biiray ururradda shaqaalaha, qareenada, saxaafada, macalimiinta, xitaa garsoorayaasha.

Halkudhigii ahaa Bouteflika ha dego, waxaa lagu daray “Silimya, Silmiya” – Nabad, Nabad. Waayo shacabka Aljeeriya waxay garwaaqsan yihiin, inaan nidaamka lagu bedeli karin qori caaradiisa, taas oo ay hore u soo tijaabiyeen. Ugu dambeyn Bouteflika, kursigii wuxuu baneeyey – April 3, 2019, maxaase xigi doona?

Dalka Sudaan, shacab ka caraysan qiimo kororka rootiga, ayaa u soo baxay wadooyinka December 19, 2018 ayagoo dalbanayey in wax laga qabto sicir bararka. Taas ayaa isu bedeshay Al-Bashiir xukunka ha baneeyo. Halkii uu nidaamka wax ka qaban lahaa codsiga shacabka, ayuu Al-Bashir soo rogay bandow iyo in la xiro jaamacadaha.

Arrinkaas, waxuu sababay caro dheeraad ah, waxaa ku soo biiray kacdoonka shacabka, uruurada xirfadleeyda ah, sida, macalimiinta, dhaqaatiirta, injineerada, qareenada, iwm.

Waxaa kacdoonka laf-dhabar u ahaa HAWEENKA Sudaan, kuwaas oo dhibaato xoog leh kala kulmay ciidamada amaanka, xad-gudubyada ay ka gaysteen gobollada uu ka mid yahay Darfur. Waxaa kaloo haweenka Sudaan, dhibaato kala kulmeen, maareenta nolosha carruurtooda, dhaqaale xumada jirtay awgeed. Arrimhaas ayaa sababay inay 3 meelood 2 meel (2/3) haween noqdaan dibbad baxayaasha, (the Washington post, April 12, 2019).

Dadka Sudan, si la mid ah shacabka Aljeeriya waxay garwaaqsadeen inaan maamulka lagu bedeli karin qori caaradiisa, taas oo ay ku soo tijaabiyeen goobo ay ka mid tahay Darfur.

Dalabkii shacabka Sudaan iyo Aljeeriya waa uu hirgalay. Al-Bashiir iyo Bouteflika, waa la diray. Sudaan iyo Aljeeriya waxay taagan yihiin bar-is-goys ah. Waxay ku xiran tahay dhanka loo jihaynayo labada dal, sida xaalka ay u maareeyaan hoggaamiyaasha kacdoonka. Labo mid uun bay noqon, waxay qaadayaan waddadii Tuniisiya – isbedel dimoqraadiyad amase tii Yemen, Libya, iyo Masar – “Ka Daroo Dibi Dhal.”

Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments