Thursday, November 30, 2023
Home Dhaqaalaha Soomaaliya: Kuma Khasaarin Washington

Soomaaliya: Kuma Khasaarin Washington

Madashii Guga ee Sanadlaha ahayd ee IMFta iyo Kooxda Bangiga Adduunka oo Abril 12 -14, 2019 lagu qabtay Washington DC, ayaa waxaa ka qayb galay Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre oo hoggaaminayay kooxda Dhaqaalaha, Hanti Dhowrka, Amniga iyo La-Taliyaha Madaxweynaha.

“In deynta laga tirtiro Soomaaliya micnaheedu waa maalgashi degdeg ah, si loo yareeyo saboolnimada ba’an ee dalka;” ayuu yiri Eric LeCompte, Jubilee USA Executive Director (Jubilee USA – April 11, 2013).

Walow si fudud aan dayn laysugu cafinayn, haddana culeyska deynta wuxuu caqabad ku yahay, xaqa ay u leeyihiin adeegyada aasaasiga ah, inta [67%] dhalatay dagaalkii sokeeye ka dib (Nile Post – February 11, 2019).

Wafdiga Ra’iisul-Wasaare Khayre wuxuu u ololaynayay inuu dunida-qaanta-ku-leh dalka ka dhaadhiciyaan, in Soomaaliya ay ka soo waaqsatay burburkii. Deyntuna ay caqabad ku tahay horumarka bulshada iyo koboc dhaqaale.

Deyn cafisku, sidiisuba wuxuu ku xiran yahay buuxinta 4 xaaladood: (1) In hannaanka siyaasad-dhaqaale lagu maamulo hufnaan; (2) In laga fogaado amaah dambe oo qaali ah; (3) In la diyaariyo istaraatiijiyad lagu yareynayo saboolnimada; iyo (4) In la maalgeliyo fidinta adeegyada asaasiga u ah bulshada.

Wixii ka dambeyay 2013kii, Soomaaliya waxay dadaal ka muujiysay dib-u-habeynta hay’addaha maaliyadda iyo lacagta. Hufnaantaas, ayay ku muteysatay, in 2018kii dib loogu soo celiyo maamulka maaliyadda, 80 malyan doolarna loo soo mariyo Bankiga Dhexe 30 sanadood ka dib, (Reuter – September 26, 2018).

Horaantii 2018ka, Soomaaliya waxey ku guulaystay dhaqan-gelinta canshuurta iibka iyo tan shirkadaha, oo laga soo hooyey lacag dhan 42.5 malyan doolar. Dakhliga oo kordha waa qodob muhiim u ah isku dheeli-tirka miisaaniyadda, muujinayana in dalku hiigsanayo isku filaasho.

War laga soo xigtay Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ku dhowaad 10 milyan oo qof ay ku nool yihiin saboolnimo aad u ba’an, iyada oo dalku la rafaadsan yahay culeys-deyn (4.6 bilyan doolar) uusan qaadi karin (Jamhuriyadda – July 18, 2018).

Waddada deyn-cafinta waa mid aad u qallafsan. Hase yeeshee, Bankiga Adduunka waxaa ka go’an in la cirib-tiro saboolnimada, lana taageero waddammada jilicsan [Soomaaliya] ee halista u ah isku dhaca.

Kol dhow, Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalka lagu takooray, ka soo bixid la’aanta shuruudihii hor u dhaca u ahaa marxaladda 1aad. Maanta sida muuqata, waxay dhex mushaaxaysaa marxaladdii shalay laga takooray, oo loo yaqaan “Qaraar Qaadasho – Decision Point.

Muran kama taagna, in Soomaaliya ay u qalanto in deynta laga fududeyo, marka la eego saddex arrimood oo sababi kara in beesha caalamku, si dhaqso leh uga falgalaan xallita deynta dibedda:

  1. Soomaaliya oo marayso marxalad adag oo burbur dagaal looga gudbayo dimoqraadiyad cusub, ayadoo uu qoorta ugu jiro deyn ay ka dhaxashay nidamkii Siyaad Barre (1970-1990), badankeeduna ku baxday ciidamada;
  2. Hay’addaha maaliyadda caalamka oo ku leh deyn raagtay (debt arrears), oo xallinteedu dalka u furi karto ilo dhaqaalaha cusub, si loo maalgeliyo adeegga dadweynaha iyo horumarinta waarta; iyo
  3. Dabasocodka deyn xallinta oo wakhti aad u badan dalka uga lumo. Haddii waqtigaas loo jahayn lahaa dhanka wax soo saarka, wax badan ayuu ka tari lahayd dhimista saboolnimadda baahsan.

Shirkii Washington, wuxuu Soomaalida ku soo kordhiyay rajo, xilli la filayo in dhaqaalaha uu kobci doono boqolkii 3.5, halka uu ka ahaa 3.1 sanadkii tegay 2018.

Ra’iisul-Wasaare Khayre, oo fursad u helay inuu si gaar ah ula hadlo dowladda Mareykanka, ayaa ku doodday, in deyn cafinta Maraykanku, aay furo u tahay horumarka Soomaaliya. Dalku wuxuu ku yaal bar muhiim u ah isu-socodka ganacsiga aduunka. Dadku waxuu doonayaan iskaashi-dhaqaale, maalgashi-horumarin ee ma doonayaan deeq.

Aqalka Cad, ayaa aad looga riyaaqay dib u soo kabashada Soomaaliya.

Walow, David Malpass (WB) iyo Christine Lagarde (IMF) ay taageersan yihiin dadaalka Soomaaliya, haddana malaheyga dib-u-eegista horumarka dalka kama fursanayso Guddiga Maamulka IMF, amase in la soo jiito dhegta maamulka Trump, si loo helo mid la mid ah macaamilkii maamulkii Obama uu u fidiyay Monrovia.

Sida qaalibka ah, Maraykanka cafiskiisu waxaa daba yaal ku dayashadda caalamka, sida laga bartay deyn dhaafkii Liberia ee 4.6 bilyan doolar (IMF NEWS – June 29, 2010).

Su’aashu waxay tahay, danaha Maraykanka ee Soomaaliya ma u dhigmaan kuwii Liberia?

Deyn cafis keligiis ma kobcin karo dhaqaale, mana kordhin karo maalgashiga gaarka ah. Hase yeeshee, waxaa kordha mucaawinada horumarinta rasmiga ah (Official Development Assistance), oo lagu maalgeliyo horumarinta dhaqaalaha.

Inkastoo, walaaca siyaasadda uusan u hiilin doonin dadaalka dowladda, haddana war wuxuu ka taagan yahay maqnaashaha cadaaladda. Deyn Cafiska waa tallaabo muhiim u ah dib u soo kabashada dalka, hase yeeshee, waxa ka sii muhiimsan in la helo cadaalad loo siman yahay iyo sharuuc lagu hubsado in dakhliga uusan ku lumin musuq-maasuq.

Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments