Buuggani waa midkii 12aad bug sheeko oo uu Nuruddiin qoro (HIDING IN PLAIN SIGHT – N.F. Riverhead Books, NY,2014), waxaana ka dambeeyay: NORTH OF DAWN oo la daabacay 2018. Inkastoo ay sheekadu taabanayso arrima dhawr ah – kuwa ugbaad ah iyo kuwa aan horey aan uga barannay qoraaga – dulucda sheekadan waa geeri sokeeye iyo eesha ay ku dhaafto ehelka.
Ruuxii ay xiiso u hayso magaca buugga wuxuu ka dhedhemin kara afka Valerie bogga 123aad. Tolow ma: Gabxo ku Gabbaa? haddi af-soomaali la adeegsado?
Si kastaba, buuggaani waxaa laga yaabaa inuu noqdo midka ugu adag akhristaha Soomaaliyeed gaar ahaan kan dalka ku sugan, sababtoo ah sheekadu waxay xambaarsan tahay arrima dadka Soomaaliyeed foodda kusoo haya balse aan weli noqon kuwa lala kulmo maalin waliba ama lagu arko meel kastoo dalka ka mid ah.
Dhallinta qurbajoogga ku dhalatay dalal dhaqankooda iyo caadooyinkooda ay Soomaalida la yihiin kuwa qalaad waxay sitaan dhaqan iyo aragti ku hor leh Soomaalida. Aar waa nin Soomaaliyeed oo dhan waliba laga majeeran karo dantuna ku kalliftay inuu kelidii koriyo ubadkiisa ka dib markii hooyadood ay ka carartay gogosheedi. Wuxuu ku barbaariyay ubadkiisa dhaqan kii hooyo intii karaankiisa ah, haddana carruurtiisa waxay ku afbilawdaan beekon[i]. Aar inkastoo Soomaalinimo uu ku beeray ubadkiisa haddana uma oggola inay booqdaan dalkii hooyo xasillooni la’aan aawgeed. Arrintani waa mid la taagan waalid kasta oo qurbaha ubad ku koriya, ubadkana saamayn weyn ku yeelata, jahawareerna ku beerta ubadka. Waa leefoo ha liqin!
Aar oo u shaqeeya saadka Qaramada Midoobay, ayaa ku nafwaayay qarax argaggixiso (A-Shabaab) oo ka dhacay xerada QM ee Muqdisho. Bella Ama Barni [ii] waa walaashii ka yar oo ay habarwadaag yihiin waxay go’aansanaysaa inay shaqadeedi gabto si ay carrurta Aar- Salif iyo Dahabo- ugu gacan bannaanaato. Aar toban iyo dhawr sano ayuu ka waynaa Bella sidaas daraaddeed koriskeed iyo barbaarinteed qeyb libaax ayuu ka qaatay. Jeceylka iyo kalgaceylka uu Aar tusay Bella waxay sababtay Bella inay labadooda aad isu xirnaadaan.
Xiisad kulul oo sheekada qeyb weyn ka qaadanaysa ayaa dhexmaraysa Bella iyo Valerie, carruurta hooyadooda. Loollanka u dhexeeya Valerie, iyo Bella ayaa sheekada udub dhexaadkeeda ah. Dadka sheekada ay ku socoto dhammaan dalka dibaddiisa ayay ku nool yihiin, gaar ahaan Kenya. Si kastoo Kenya ay ugu dhawdahay dalkii hooyo haddana Soomaalida deggan waxay kula kulmaan dhaqan gurracan iyo feker xun oo dadka Kenya Soomaalida ay ka qabaan.
Nuruddiin (NF) wuxuu nagu furaayaa mushkilado qodox miiran ah oo la xiriiro ubadka Soomaaliyeed oo dalka dibaddiisa ku dhashay kuna koray wax badanna ka xambaarsan dhaqanka shisheeye, balse waalidkooda intii tamartooda ah ku barbaariyeen dhaqan soomaaliyeed. Waa ubad wada labamidigle ah. NF wuxuu nugu khasbaayaa inaan ka fekerno farqiga u dhexeeya Soomaalida u qaxday dalaka fog fog iyo kuwa Bariga Afrika. Salif iyo Dahabo weligood Soomaaliya ma arag amaan darro aawadeed. Mar kale NF wuxuu halkaan ku khasbayaa akhristaha Soomaaliyeed inuu ka fekero: haddii ubadkan oo tiradoodu aysan yareen ku laabtaan dalkii hoyo, talow isbeddel ama kaalin noocee ah ayaa la filan karaa?
Dood kaloo qeyb wayn sheekada ka qaadatay waa arrinta geey-ga (Gay issue) oo ay jilaayaasha skeekada mid waliba fikraddiisa ka dhiibanaaya.
Nuruddiin (NF) waa qoraa aad ula socda mar waliba xaaladda Soomaaliya aanna ka gabbanaynin inuu uga hadlo si dhiirri leh. Arag hadalkan uu Aar afka u geliyay: “Kuma kalsooni Muqdisho oo manta noqotay meel ay ka taliyaan isbahaysi xirmooyin qabileed la halmaala kuwa murtad xagjir diineed adeegsada.” [p 142] Misna: “Wadnaha ayaa I xanuuna markaan gaari ku agmaro kaniisaddii wayneed iyo jaamicii ugu duugsanaa magaalada oo labuda burbursan yihiin.”
Wxaa nasiib darro ah in buugaagta NF weli loo tarjumin Af-Soomaali, kuwaasoo wax weyn ka tari lahaa garashada dhallinyarada dalka ama sababi lahaa doodo waxtar leh.
Axmed Qaasim Cali
[i] Beekoon oo jaad ka mid ah hilbaha doofaarka
[ii] Magaca Barni waxay ila tahay inuu qoraaga ku gefsan yahay siduu u dhigay oo ah inuu tilmaamaayo barta lagu dhasho. Ruuxa barta leh waa Barre ama Barrey, oo dhif ah. Barni-se waa mid ka mid ah jaadadka timirta, midibkeeduna yahay kan bunka ama bunni oo dhalaal leh. [Eeg Yaasiin C. Keenadiid. Qaamuuska Af-Soomaaliga, E . Ariani & Arte della Stampa, Firenze. 1976. Iyo Qaamuuska Af-Soomaaliga ee Akademiyada Cilmiga,Fanka, iyo Suugaanta & Jaamacadda Roma 3, 2012. iyoDizionario Somali-Italiano. Jammacadda Ummadda , Akademiiyada C.F.S 7 jaamacadda Roma La Sapienz, 1985.]