Tobankii dumarka reer Ghana, lix ayaa isticmaala kiimikada la isku cadeeyo (Skin bleaching), sidaa waxaa sheegay Dr. Edmund Delle, oo ah dhaqtar reer Ghana, bartayna daaweynta cudurada ku dhaca maqaarka. Halka boqolkii 77 dumarka Nayjeeriya ay is cadeyaan, (WHO).
“Si aad u noqotid haween qurux badan, waa inaad leedahay midab khafiif ah [light skin],” ayay tiri Amira Caddawe oo ah baraha caafimaadka ee Rugta Caafimaadka St. Paul-Ramsey (Minnpost – August 21. 2013).
Kiimikada la mariyo jirka si loo cadeeyo maqaarka (Skin whitening), ayaa ah ganacsi aad u kordhaya, kuna kacaya 20 bilyan oo dollar. Waxaa la qiyaasayaa inuu gaari doono ilaa 31 bilyan oo dollar sanada 2024 (trt World – February 1, 2018).
Haddaba, maxaa suurto geliyey ka ganacsiga kiimikada la isku cadeeyo inay sidaas xawliga ah ugu kordho qaarada Afrika iyo Aasiya?
Waxaa lagu sababey dhowr arrimood: (1) Saluugsanaanta midabka madow, waana mid ka mid ah cudurada ku dhaca ruuxda [nafsada] qofka; (2) Guur deg-deg ah, dumarka oo raba inay soo jiitaan indhaha guur-doonka, gaar ahaan kuwa dhaqaalaha leh iyo raga haysta shaqooyin dheef badan; iyo (3) Dano dhaqaale, sida xayaysiinta iyo ii-dhehda loo samaayo warshadleyda ka macaashta waxyaalada dadka daneynaya kiimikada, ayagoo fariimo qaldan marinaya muuq-baahiyaha.
Su’aasha mudan is weydiinta ayaa ah, dhibaato caafimaad intee la’eg ayay leedahay isticmaalka kimikada la isku cadeeyo?

Hydroquinone iyo Mercury, waxay ka mid yihiin maaddooyinka laga sameeyo kariimooyinka la isku cadeeyo. Waana maaddooyin khatar badan, oo sababa waxyeelo caafimaadka saamayn weyn ku yeesha, sida: (B) Nabaro, iyo caabuq maqaarka ku dhaca; (T) Waxay hoos u dhigaan wareega dhiiga, taas oo waxyeelaysa maskaxda, kelyaha iyo beerka sida uu sheegay Dr. Edmund Delle. (Trt World – February 1, 2018).
Daraasad University of Minnesota ay soo bandhigtay July 2013, lagana sameeysay dumarka Soomaalida ee ku nool Maraykanka, ayaa lagu ogaaday in ugu yaraan hal nooc oo ka mid ah kiimikada jidhka (maqaarka) lagu cadeeyo ay isticmaalaan, si quruxdooda aan loo saluugin.
Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota oo tijaabisay 27 kariimka la isku cadeeyo iyo 4 saabuun, ayaa ogaatay in 11 ka mid ah ay ku jirto maaddada Mercury xaddi u dhexeeya 135 ilaa 33 kun (qaybaha halkii milyan). Taas waxay khatar ku tahay xitaa ilmaha yare ee hooyadii ay isticmaasho kariimka (NPR – February 25, 2018).
Sida khaalibka ah, dumarka Soomaaliyeed waxay isku qasaan 4 ama tiro ka badan sida “lemon herbal whitening cream, lulanjina, diana and dermovate,” jirkoodana mariyaan xitaa marka ay uurka lee-yihiin amase ay nuujinayaan carruurta.
Waddamo dhowr ah ayaa laga mamnuucay kiimikada la isku cadeeyo, sida Nayjeeriya (Nigeria), Koonfur Afrika, Ghana, Ivary Coast, Rwanda iyo Kenya.
Dr. Ola Brown oo qortay buuga (fixing healthcare in Nigeria) ayaa rumaysan in mamnuucid keliya ku filneen joojinta iscadeynta, balse loo baahan yahay in toos loo wajaho xal u helida sababaha dhiiro geliya in la iscadeeyo (CNN – January 15, 2019).
Dr. Comfort Arthur, oo ah qoraa dhanka filimada ah, kana wacyi-gelisa dumarka qaarada Afrika joojinta iscadeynta, ayaa tiri, “haddaad daawatid muusig (video) waxaa ku jira gabdho cad.” “Sidoo kale, haddaad fiirsatid dumarka heesa wey cad yihiin. Arrimahaas, waxay ka dhigan yihiin in bambooyin maskaxdeena ku dhacayaan, haddaanu nahay haweenka Afrika, taas oo ka dhigan “cadaantu waa qurux,” (Trt World – February 1, 2018 ).
Haddaba, dumarka Soomaaliyeed ee degan Geeska Afrika ma ka bad-baadeen aafada iscaddeynta?

Dhibaatada iscadeynta waxay la qabaan haweenka qaarada! Balse tiro koob laguma helayo inta isticmaasha, maadaama habka caafimaadka dalka uusan si fiican u dhisnayn.
Ma jirto qof aad bar garan kartid! Midabka maqaarka oo qarirmay, waxaa ka darran sida qoto dheer ee afadaan u wax yeelaysay nafsada hablaha wax barta (dugsiyada sare iyo jaamacadaha dhigta).
Ma fududa in maqaarkaagu ku soo noqdo midibkiisii hore. Saameynta khatarta leh waxaa ka mid ah, “ayadoo qoraxda ay dhibeyso qofka iyo maqaarkii oo soo uraya (shiiraya),” ayay tiri Saciido Sheikh oo hore uga tirsanan jirtay qaybta caafimaad qaxootiga Atlanta.
Shaki kuma jiro, in tirada dadka daa’imayo isticmaalka ay si aad ah u kordhayso. Taas waxaa daliil ugu filan, maah-maahda dhiiro gelineyso in iscadeyntu tahay qurux, “Doqon, iyo Habeen ayaa Madow.” Malaha sida qaarada Afrika looga qaxayo, si la mid ah ayaa midabkii madoobaana looga cararayaa!
Ma sahlana in la ogaado waxa ku jira kiriimka waayo soo saareyaasha ma bixiyaan inta badan maaddooyinka laga wada sameeyey. Dhaqtar Australian ah, ayaa sheegay in loo keenay gabadh Afrikan ah oo xanuunsan. Baaris kadib, waxaa soo baxday in ay isticmaasho waxyaabaha jirka lagu cadeyo, taas oo u keentay cudurka sokorta, ayada oo uu kor u koco heerka “cortisol” ee dhiigga, (The conversation – September 11, 2012).
Dr. Maxamed Sheikh Maxamuud oo Wargeyska Jamhuriyadda ka wareysatay is qurxinta dhibaatada la socoto ayaa yiri, “Wax kasta oo nafta dhibaato u keenaya xukunkeedu – waa xaaraan.”
Waxaa muhiim ah in qof kasta uu kala tashto kalkaaliyeyaasha caafimaadka (health care providers) wixii ay isticmaalayaan ha ahaato wax jirka la marinayo amase afka laga qaadanayo inta aysan mashaakil caafimaad isku soo jiidin.
Haddaba xalka waxaa weeye in olole aan loo kala harin lagu qaado iscadeynta, walow ay qaadan doonto dadaal badan si loo bedelo maskaxda.
Saciid Cabdisalaam
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com
Dhammaan xuquuqda maqaalkaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso waa inay caddeysaa inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday