Faallo: Saxaafad Ma Dhalays ah

763

Tifaftiraha Jamhuriyadda

Saxaafadda waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan dimoqraadiyadda ee lagu ilaaliyo jiritaanka talo wadaaga, helitaanka maamul hufan iyo qaranimadda.

Waxaa intaas dheer, in wadamada ay ka taliyaan xukuumado keli-telis ah amase boqortooyo, saxaafadda ay ku ilaaliyaan sii jiritaanka xukunkooda.

Intuusan soo shaac bixin adeegsiga internatka, warbaahinta waxay aheed mid ay maamulaan, dowladdo iyo hay’addo leh dhaqaale xoog badan. Taasi waxay suurto gelin jirtay, in warku noqdo mid leh faaf-reeb, loona adeegsado in lagu fuliyo ujeeddooyin cayiman.

Adeegsiga internetka iyo xuriyada hadalka, waxay dunida ku soo kordhiyeen warbaahin aysan maamulin dowlad. Taas oo loo yaqaano Baraha Bulshada (social media).

Haddaba, waa sidee warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga? Saamayn intee le’eg ayay ku leeyihiin jiheenta maanka ummada, dhanka colaada, nabada, dib u dhiska dowladnimada, iyo u hadlida kuwa aan codka laheen? 

Waxii ka dambeeyay burburkii dowladda dhexe, warbaahinta Soomaaliya waxay soo martay marxalado dhowr ah. Hogaagmiye kooxeedyadii waxaa la abuurmay warbaahin iyo weriyaal u faafiyey afkaartooda ay ku wiiqayeen dhinacyada ka soo horjeeda.

Horaantii 90yadii, waxaa bilowday wargeyso ka soo baxa dalka gudihiisa oo ka madax-banaan hoggaamiye kooxeedyadii. Balse, intooda badan, waxay qori jireen warar xaqiiqada dhaafsan (ka fog) amase colaad huriya. Haddana, waxay qayb ka qaateen naafeentii iyo awood tirkii hoggaamiye kooxeedyadii. Nasiib darro, ma noqon kuwo dadka iyo dalka u haga dhanka dowladnimada.

khuburo dhanka warbaahinta ayaa rumeysan, in wadamada danaha ka leh Soomaaliya ay ahayd sida keliya ee xididada loogu siibi karo hoggaamiye kooxeedyada in la abuuro warbaahin ay Soomaalida leedahay, si kal soonida shacabka loo hanto.

Haddaba, qorshaha shisheeyaha ma waxuu ahaa in meesha laga saaro oo keliya hoggaamiye kooxeedyadii awooda is bidayey, mise waxaa jiray qorshe labaad oo ujeeddo badan ah?

Shaki kuma jiro, inay kordheen warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga sida, telefishinada, radiyeyaasha, iyo website-yada. Balse, badankoodu ma aysan noqon kuwo dadka ka haqabtira baahida warka xaqiiqada ah loo qabo.

Wax la yaab leh ma noqonayso haddii warbaahinta shisheeyaha, loo adeegsado inay fuliyaan danta laga leeyahay Soomaaliya. Waxaase la yaab leh, in warbaahinta dalka ay fahmin inay faafinayaan ujeeddooyinka dahson ee shisheeye.

Taas waxaa u sabab ah dhowr arrimood: (B) Dhaqaalo xumi, mararka qaarkood ku riday meel xil leh (sharuur); (T) Khibrad yari mararka qaarkood awood u siin kala soocida sameynta wararka; (J) Aragti gaaban (wacyi la’aan) oo ay wehliso adeegsi heyb si shisheeye uu u gaaro danahiisa.

Wariyaha xirfadda leh (professional), waa kan wareysiga uu qaadayo noqdo mid lagu soo gudbiyo xog qarsoon iyo run-baaris, si ay wax uga taraan horumarka ummadda. Warbaahinta waa tan u hagta arigtida dadweynaha jihada saxda ah. Weriye waxaa kaa reeba buun-buunin (exaggeration) iyo in xaqiiqda lagu ku barxo aragti gaar ah.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda faalladaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso waa inaad xustaa in aad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.