Yaa Ku Qadday Maalgashiga Beijing

747

Toddobaadkii la soo dhaafay, shirkii Beijing waxaa isugu tegay hoggaamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta matalayay in ku dhow 40 dal iyo hay’addo ka kala yimid duunida dacaladeeda (CNN – Abril 26, 2019) .

Inkastoo Washington aysan u dirin wakiillo ka socda, haddana hindisaha “One Belt One Road,” ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay ka qaybgaleen ilaa 5000 marti oo ka kala socday 150 dal . Tani waxay xaqiijineysaa in hindisuhu uu buuxinayo baahi badan oo ay ka gaabisay International Financial Institutions (Brookings – Abril 2019). Shirka waxaa ka dhex muuqday madaxda dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Masar iyo Mozambique.

Ilaa 50 shirkadood oo Shiina ah ayaa dunida ka fulinaya mashaariicda kaabayaasha oo lagu qiyaasayo 900 bilyan doolar. Dalalka saxiixay hindisaha “One Belt One Road” oo gaaraya 65, labaatan ka mid ah ayaa ah Afrikaan (Global Time – Abril 28, 2018).

Dalalkaas waxaa ku nool saddex-meelood laba dadka adduunka, dhaqaalahooda waxaa lagu qiyaasayaa inuu yahay boqolkiiba 30 GDP addunka, waxayna leeyihiin boqolkiiba 75 kaydka tamarta (Africa Center – March 22, 2019).

Madaxweynaha Shiinaha ayaa muujinayay, inuu diyaar u yahay meelmarinta dareenka dalalkii shirka ka qaybgalay, si uu u sii socodo hadafka hindisaha “One Belt One Road,” oo ka kooban labo qeybood:

Kan hore “The Silk Road Economic Belt,” wuxuu leeyahay 6 marin oo isku xiraya Shiinaha, Bartamaha Asiya iyo Yurub. Waddooyinkaas, waxaa ka mid ah qadka tareenka Yurub, dhuumaha shidaalka iyo gaaska ee badda “Caspian Sea,” iyo shabakada qadadka tareenka xowliga u socdo ee isku xiraya Koofurta Asiya iyo dekeddaha Bariga Shiinaha.

Kan labaad, “The Maritime Silk Road,” wuxuu isna leeyahay seddax “blue economic” marin oo isku xiraya dekeddaha Koofurta Shiinaha iyo kuwa Afrika si loo fududeyo ganacsiga.

Sanadkii 2017kii, shirkadaha Shiinaha ayaa muujiyay inay daneynayaan 9 dekeddood. Hore waxay saami gaaraya 40 bilyan doolar, ku lahayeen ilaa 40 dekedood oo ku yaal qaaradaha Afrika, Asiya iyo Yurub (Global Time – July 27, 2018).

Qaar ka mid ah falanqeeyaasha caalamka, ayaa ujeeddooyinka ka dambeya mashaariicda “One Belt One Road,” u arkaya inay kordhinayaan awooda Shiinaha, khatarna ku yihiin Afrika. Hase yeeshee, fikradda taageersan hindisaha ayaa aaminsan, in Afrika ay ka faa’iideystay mashaariicda, bacdamaa kaabayaasha saboolka ay caqabad ku ahayeen horumarka qaaradda.

Sidoo kale, hindisaha wuxuu kordhiyay maalgashiga shiinaha xagga dalxiiska, horumarinta dhulka iyo beeraha. Waxaa kaloo muuqda, in kaabayaasha casriga ah ay kordhiyeen isdhexgalka dhaqaalaha dowladdaha Afrika ee hore u kala qoqobnaa.

Cilmi baaris ay sameeysay hay’adda “UN Economic Commission for Africa,” ayaa tilmaantay in badeeco dhoofinta Bariga Afrika uu kordhi karo ilaa iyo 192 milyan sanadkii, haddii mashaariicda loo isticmaalo si faa’iido leh (Research Gate – Sebtember 2018).

Sida ka muuqata, diyaargarowgii hindisaha “One Belt One Road,” dekeddaha, dhuumaha shidaalka, tareenadda iyo tamarta Bariga Afrika waxay ka mid yihiin guntinta “The Maritime Silk Road.”

Waxaan sir ahayn in Shiinuhu damacsan yahay inuu dekedda Jabuuti [iyo Soomaaliya] ku xiro Sudan, Mauritania, Senegal, Ghana, Nigeria, Gambia, Guinea, São Tomé and Príncipe, Cameroon, Angola, iyo Namibia. Dhinaca badda, waxaa qorsheysan in dekeddaha Afrika lagu xiro kuwa, Pakistan, Bangladesh, Sri Lanka, and Myanmar iyo Hong Kong, (Africa Center – March 22, 2019).

This image has an empty alt attribute; its file name is beijing-somali-flag.jpg

Bariga Dhexe, Imaraadka keliya ayaa u dirsaday madax sare Beijing. Ma qarsoona in Imaraadku rabi lahaa inuu labacanleeyo xulufada hindisaha “One Belt One Road,” isla markaasna uu u adeego Maraykanka, si xeebaha Soomaaliya ugu xirnaadaan. Taas ayaa siineysa dekeddahiisa ahmiyad weyn, si badeecadaha u kala socda Afrika, Yurub iyo Aasiyana u soo maraan (transit) dekedda Jabal Cali.

Walow warar lagu faafiyey Twitterka, ay sheegaan in Bankiga Shiinaha “Exim Bank” uu deyminayo Soomaaliya lacag dhan 200 malyan doolar, oo lagu hormarin doono dekedda Muqdisho, haddana shuruudaha deyn cafiska uma saamaxayaan xilligaan dalka raadinta deyn cusub.

Xeebaha Soomaaliyaa waxay si dabiici ah ugu furan yihiin soo gelidda suuqyada Afrika. Taasaana saldhi u ah, in dowladda Soomaaliya ay ka hor timaad siyaasadda boos-celiska dekadaha iyo dhismaha saldhiga ciidamada Imaraadka, oo loo adeegsan karo cadaadis dhaqaale iyo siyaasadeed (Jamhuriyadda – Nofeember 8, 2018).

Doodaha lidka ku ah “One Belt One Road,” ayaa diiradda saaraya deynta mashaariicda kaabayaasha oo kordhin kara la wareegista hantida istraatiijiga ah ee wadamada bixin waaya deymahaas.

Hase yeeshee, casharka laga bartay Sir Lanka – dekedda Hambantota, ayaa muujinaya in marka daah-furnaata, wada xisaabtanka iyo kormeerka ay maqan yihiin, khatarta heshiisyada shakiga dhalin kara ay badan yihiin.

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir jamhuriyadda.wordpress.com Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.