Dhalashada bisha Ramadaan oo ku aadaneyd Isniin – May 6, 2019kii ayaa Muslimiinta adduunka oo dhan soo dhaweyeen. Soonka, waa bisha 9aad ee sanadka hijrada (Muslimka), wuxuuna ka mid yahay 5ta tiir ee Islaamka.
Muslimiinta intooda awoodda ayaa sooma bisha barakaysan oo idil, inta u dhexeysa waagu markuu baryo ilaa marka qoraxdu dhacdo.
Cibaadada Eebe ka sokow, soonku waa dib-u-dajin maskaxda, jirka iyo nafta. Sidoo kale, soonku waa caado caafimaad u leh bini’aadamka, oo ay dhakhaatiirta badanaa ku taliyaan.
Khubarada qaarkood, ayaa sheegaya in cunada oo la iska yareeyo maalintii ay leedahay faa’iido caafimaad, oo waxtar u leh maskaxda.
Cilmi baaris ay sameeysay Jaamacadda “GSU – Atlanta,” ayaa soo shaac bixisay in waqtiga la sooman yahay amase la quuto cunada diirinta yar (low-carb diet), in jirku abuurayo maado loo yaqaan “molecule,” taas oo ka soo horjeedda gabowga saameynta ku yeesha halbowlayaasha (Georgia State University – September 10, 2018).
Dr. Michael Mosley, oo wariye caafimaad u ahaa BBC, ayaa ogaaday inuu halis u yahay cudurka wadnaha iyo macaanka. Takhtaradiisii ayaa kula talisay, inuu qaato daawada macaanka iyo tan kolestaroolka (USA Today – March 19, 2013 ).
Takhtaradiisii waxay saadaalisay in 10 sano gudahood, isku bedeli doono ilaa siddeed daawo oo kala duwan. Mosley wuxuu tijaabiyay habka quudsiga shan maalmood si caadi ah wax loo cunayo, halka laba jeer toddobaadkii la soomayo.
Inta badan diimaha waa weyn ee addunka ayaa u dooda soomida ujeedooyin cibaado amase caafimaad. Waxa cajiib ah in Mosley oo qoray buugga “The fast Diet,” uu u kala qaybiyay diirinka (calories) cunada maalmaha soomka laba jeer. Daraasaddiisii tijaabada ahayd ayay ka dhalatay quudsiga loo yaqaan 5:2 – shan maalmood oo cuna ah iyo laba maalmood oo soon ah, (USA Today – March 19, 2013).
Waxaa muuqata, in xaddidaada cuntada maalintii ay gacan ka geysan karto ka hortagga dhibaatooyinka caafimaad sida kolestaroolka, cudurada wadnaha, cayilka, kordhineysana maskax fayoobida iyo ladnaanshaha guud.

Sideedaba, soonka wuxuu nidaamka dheef-shiidka siiyaa nasasho, halka xubnaha kale sida maskaxda, muruqyada iyo habka difaaca jirka ay helaan fursad ay ku isticmaalaan tamarta jirka.
Sidoo kale, waxaa muhiim ah in si dhakhso leh loo af-furo, laguna bilowbo timir oo aan si dhaqsa leh u kordhineyn macaanka jirka, amase caano iyo biyo madow.
Dhaqanka cunada oo kala duwan awgiis, waxaa lagama maarmaan ah in cuno qafiifka ah lagu bilaabo oo aan dhibatayneyn dheef-shiidka.
Soomaalida waxay aad u jecel yihiin inay ku af-furaan Sambuusiga oo badannaa la shiilo. Sheef Fatma Cabdi-Cadde oo Wargeyska Jamhuriyadda ka wareystay arrinkaas ayaa tiri, “Sambuusiga waa dufan qaad badan yahay, marka xaraaradda kuleelka saliida lagu dubayo ay hooseyso, amase cajiinka uu geesaha ka furan yahay.
Waxay ku talisay Fatma in “Sambuuska si fiican looga xiro hareeraha, si looga ilaaliyo saliida. Haddiise taas la waayo, ha lagu dubo tinaarka (Foornada), oo ka caafimaad badan ka saliida lagu dubo.”
Waxaa muhiim ah, in lagu quuto cunto isku dheeli-tiran, si loo ilaaliyo badqabka jirka iyo maskaxdaba. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay in qofku qaato caano iyo wixii la xiriira. Sidoo kale, hilib, ukun, digir, qudaar iyo furuut (faakihaad), kadibna baasto, rooti, muufo, soor iwm.
Suxuurtu, waxay muhiim u tahay caafimaadka qofka, maadaama macaanka jirka uu hoos u dhacayo gelinka hore ee maalinta.
Soonka waa caafimaad cibaado lagu daray, hase ahaatee bukaanka qaba cudurrada daba dheeraada (chronic illnesses), waxaa muhiim ah inay la tashdaan dhakhaatiirta ka hor inta aysan bilaabin soom.
Cabdulqaadir Cariif Qaasim
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.