Shirka Garowe: Gogol Hagaagsan, Dood Khaldan

976

Dad badan ayaa u arka shirka Garoowe, fursad muhiim u ah dhismaha dowladnimada, ayagoo u sababaynaya qodobo dhowr ah, sida (B) in shirka ay qayb ka yihiin dowladda dhexe, iyo dhammaan maamul-goboleedyada, marka laga reebo Somaliland, madaxweynahana uu guddoominayo, (T) in lagu qabtay dalka gudihiisa, markuu shacabka diiday gogol shisheeye, (J) in agaasinka shirka ay leedahay Soomaalida, iyo (X) in shisheeye qayb ka aheen fadhiga wadahadalada, inkastoo cadaadiska beesha caalamka uu qayb ka yahay waxa suurto geliyay shirka.

Balse, xeel-dheerayaasha siyaasada Soomaaliya, waxay shirka Garoowe u arkaan caqabad ku soo korortay lug jiidkii lagu hayey dhismaha hay’adaha dastuuriga ah. 

Shirkii Carta ee Jabuuti, waxay Soomaalida ku heshiisay in kuraasta baarlamaanka lagu qaybsado beelo (4.5), ilaa iyo inta dalka laga hirgelinayo hanaanka xisbiyada. 

Sidaas ayaa dalku ku yeeshay labo gole oo matala dhammaan shacabka, iyo maamul-goboleedyada. Taladii dalkana gacanta loogu geshay.

Labada gole, xilkooda waxaa ka mid ah (B) doorashada madaxweynaha, (T) ansaxinta Ra’iisul-wasaaraha, xukuumada, iyo qorshahiisa, (J) korjoogteynta, iyo la xisaabtanka xukuumada, (X) ansixinta miisaaniyada (KH) dhammaystirka Dastuurka (D) dejinta iyo ansixinta sharciyada (R) u diyaarinta dalka hanaanka doorashada qof iyo cod, iwm. 

Doodda ka socota Garowe waa awoodda labada gole ee baarlamaanka ha lagu wareejiyo shanta nin ee madaxda ka ah goboladda, walow aysan ku qorneyn dastuurka. Haddaba, su’aasha taagan waxay tahay, xagee ku taal maamul-goboleedyada waxay leeyihiin awood ka sareysa (absolute power) labada Aqal ee Sharci Dejinta, mise hadda ayay u hanqaltaagayaan? 

Soomaaliya waxay soo martay xilli ay lahayd gole leh awoodda ugu saraysa dalka. Golahaas waxaa loo yaqiin “Shanta Golaha Sare ee Kacaanka.” Shantaas ruux waxay awooddooda ka saraysay dhammaan goloyaashii maamulka dalka ka jiray sida, Baarlamaanka, Golaha Dhexe ee Xisbiga Hantiwadaagga (XHKS), iyo Golaha Wasiirada. 

Xildhibaan Sakariye Maxamuud, ayaa yiri “Baarlamaankii 9aad, isagoo 6 bilood u dhimman tahay ayaa shaarkii, ……. laga baxshay (You Tube – October 28, 2017). Shan nin [madaxda maamul-goboleedyada] ayaa intay isku tageen yiri anagaa xukunna dalka boqolkiiba 95. Ma sax baa warkaas?!”

Hadalkiisa isagoo sii wata ayuu yiri “[baarlamaanka] madaxweynaha ayagaa dhalay, Ra’iisul-wasaaraha ayagaa dhalay, goloha wasiirada ayagaa dhalay” isagoo u jeedinaya baarlamaanka hadal kulul, ayuu yiri “ma weydaan garanayn awooda aad leedihiin. [awood boobka] Biyaha jilbaha ayay noo joogaan, balse mar dhow wey na hafinayaan!” (Youtube – October 28, 2017).

Haddaba xildhibaanada labada gole ma waysan aqoon awoodda Sharci ay leeyihiin? Mise waxaa indho tiray siyaasadda qabyaaladaysan? Waa su’aalo mudan inay jawaab ka bixiyaan xubnaha Baarlamaanka labada Aqal.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalkaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso waa inay caddeysaa inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.