Dowladda iyo Hay’adaha Samafalka Wa Ku Fashilmeen Wax Ka Qabadka Biyo La’aanta

Wargeyska Jamhuriyadda wuxuu fursad u helay inuu wareysi gaar ah la yeesho Guleed Ahmed (Wiliq) oo ah Injineer ku taqususay Mamulidda Biyaha, deganna dalka Maraykanka.

Wareysiga wuxuu ku bilowda sida tan:

Jamhuuriyadda – Soomaaliya sanadkaan gu’gii wuu ka soo raagay, balse buuraleyda Itoobiya ayaa la sheegayaa inay heleen roob, haddana webiyadii wey biyo la’yihiin, waa maxay masiibada?

Injineer Guled – Masiibada waxaa sabababay laba arrin:

  • Itoobiya oo biya xireyn iyo faro (kanalo) cusub sameysataya iyo heshiis ka dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya xaga biyaha oo aan jirin. Shabelle iyo Juba waxay ka yimadaan Itoobiya saas darteed markii uu roobaba ka yaraado dalka Itoobiya, way xirataa ama yareysaa inta biya ay soo daynayso. Marna abaarta ay kusoo dedijinee marna daadad aadan filaneynin ayey keentaa. Haddii heshiis ka dhaxayn lahaa sida “Water Trans-boundary Treaty” waxaa dhaci lahayd in ay Wasaaraddaha Biyaha labada wadan ay isla shaqeeyaan, tasoo u sahleyso Wasaaradda Biyaha Soomaaliya ama “Shabelle iyo Juba River Authority” in loo sii sheego gorta biyaha ay yareynayaan iyo markay ku bataan oo ay soo deyn rabaan, iyo mugga ay soo deynayaan inta uu le’eg yahay, si “Water Engineers”ka ay habkodaa (model) u cabiraan una ogadaan daadaka dhibka ay keenayn, iyo melhaha dhibatda u garsinaayo, si looga hortago masiibada – abaar iyo fatahadaba.
  • Biyahaa webiga oo aan la keydin marku ay badan yihiin, ama laga faa’iideysan marka ay roobabka yaradaan; taas waxa sabab u ah horta Soomaaliya biya xirenada ama “canal system” waxaa horey ugu sameyay Talyaniga, kuwi kadanbeeyay ee dowladda ay sameysay wey kooban yihiin, wana wax mucaawino lagu siiyay oo an ku saleysneen hab cilmi ah oo laga fikiraayo mustaqbalka hormarka xaga beerha, xoolaha iyo isticmaalka dadka biyaha, saas darteed waxaa ugu sii darsoomay dagaalo iyo burbur, kadibana dowladihii Sharifka ila Farmaajo wax qorsha ah uma diyaarin  sidii wax looga qaban lahaa dhibatada biyo yaraanta, oo aan aheyn Alla bari.

Nasiib darro waxaa dadka laga dhaadhiciyey iney tahay dhibtada wax la yiraay “Climate Change” ama cimilada oo isbedesho. Run ahaanti cimilada isbedesho weligeeed waa ka jirtey labada wabi. Haddaan tusaalo kaga soo qaado waagi u gumeysiga Talyaaniga yimid, gaar ahaan Jowhar oo aheed 1920s waxay ogaadeen in webiga shabelle u qallaalo 3 bilood (Dececmber ila Febauary) sanadkasatba. Marka ayuu Prince Luigi Amedeo oo ahaa ninka keenay Shirkada SIAS oo dhistay kanaalo, bundoyin, warshado iyo beera badan, waxuu sameyay inuu soo baaro webiga shabelle meshu ka yimado, markasoo safar lug ah iyo fardo ku tagay ila buraha Itoobiya. Waxuu soo arkay isha webiga shabelle mesha ay kasoo baxdo, siduu webiga u leexdo, xawligiisa iyo xoogiisa. Waxuu ku soo labtay Jowhar markaas uu biya xireeno sameeyay sida sabuun oo kanala lagu xiray sii ey u keydiyaan biyaha la isticmaalo 3 bilood ee biyo la’aanta jirta, iyo inay daadadka xamilaan. Haba ahaade gumeyte laakinse waa nin ka fikiraayey 100 sano kadib webigan maxaa dhib ka imaan karo. Waxaa cajiib ah, in dowlad kasta ee gumeysiga ka damebaysay inay garan weyso maxaa keenayay in gumeyte aan dhulkada hooyo u dhalan ku dadaalo inu masiibada ama abaraha ama daadadka isku dayo inu ka hortago.

Jamhuuriyadda Miyaysan Itoobiya xaq u lahayn inay dalkeeda hormariso oo ay isticmaasho khayraadkeeda?

Injineer Guled – Waa runta wadan kasta xag ayuu u leyahay inu hormariyo dalkiisa asagoo istcmalaya kheyradkiisa,  taas waxa si raacda kheyradka hadduu yahay mid socda oo u dhaxeyay laba dal waxaa heshiis lagu garey 1960s “Helisnki Environmental Declaration Act” in wadamada kor jira o biyaha ka yimadan in ay tixgeliyaan hormarka dalalka ka hoseeya. Sidoo ka “Rio Delcalarytion Act 1992 – Article 18” waxuu dhigayaa sharciga addunka ee QM ansixisay in wadamada biyaha ka yimadaan ay ogeysiyaan wadamada ka hooseyo waxi horumar ah iyo isbadelka isiticmaalka biyaha. Itoobiya labadaba heshiis ma saxiixin, laakin Sharciga Biyaha 1969 ee Midowga Afrika oo ay saxiixday ayaa la mid ah kan QM “Rio 1992.” Saas darteed sharci ahaan way jabisay heshiskaas.

Waxaase sii dheer in 1983 Soomaliya rabtay inay dhisato biya xireyn casiri ah oo keydiya biyaha, koranta dhalinya, waraabi siinyana in la’eg 170,000 hectres, ayadoo deyn ka codsatay World Bank si ay u dhisto ayaa waxa dhacday inta ay bilaabeen arrintaas World Bank oo racayo “1966 Helsink Envromental Declaration Act,” uu waydistay Itoobiya waxay ka qabto codsiga Soomaaliya. Itoobiya way ka hortimaday ayadoo ku doodeyso in Soomaaliya ay sibaaro u dhiganeyso mustaqbalkeeda horumarka Genale River. World bank waxuu isku dayey inuu xaliyo arrinta markii u arkay in Soomaaliya ay ka cagajiideyso in ay wadahdal la yeelato Itoobiya. Ugu dambeyn World Bank cilmi baari ayuu u diray Itoobiya ayagoo soo ogaday in Baaredhere Dam uusan dhib u keeneyn Itoobiya. Saas darteed, Soomaaliya waxaa loo ogaladay iney deyntii qadato – nasiib darro arrintan 8 sano ayay isi soo jideysay, markii 1990kii lagaray Soomaaliya xaladeyda xumatay, saas darteed mashruuci ma hergelin.

Taas waxay ku tuseysa in Itoobiya ay sharciga adduunka raacayso marki Soomaliya hormarka biyaha sameysan rabto. Laakinse Itoobiya ayaa haddana ku xadgudbato sharciga markay biya xireyno ay dhisaneyso kuna marmarsiyoto markasta in Soomaaliya ey tahay wadan qalalaaso ka socdo oo an degneen. Taas waxaa tusaale u ah in ay dhistay Genale Daw-3, ayna dhisi doonto 2020 iyo 2020 GED-5 iyo GD-6 ka dhisayso Genale river oo ku xiran Juba River. Sidoo kale, webi shabelle 2022 ka dhisanayaan biya xireen weyn. Waxaas oo mashruucyo ah Soomaaliya loo ma shegin laganama tashan waxaana maalgeliya African Development Bank iyo shirkad laga leeyahay Britian iyo Norway kuwaasoo ka socdo wadamadi saxiixay “Paris Agreement.”

JamhuuriyaddaWakiilka Xoghayaha Guud ee QM – George Conway wuxuu ka digayaa in abaar ba’an ay ka dhici doonto Soomaaliya, maxaa sababaya in abaartu dib ugu soo noqnoqoto Soomaaliya? Maxaadse ku tallineysaa?

Injineer Guled – Hey’adaha Soomaaliya jooga wey ogyihin dhibtada heysata Soomaaliya iyo abaraha waqtigeey imanayan, laakinse dantooda ayey firsanayaan. Waxaa ka wada waxay sheegayaan dhibatada in weyn tahay markay meel xun ay gaarto si eey lacago iyo gargaar fara badan u helaan, taasna waa wax la xaqiijiyey oo buugaag laga qoray. Waxaa xigto oo nasiib daro ah, in dowladdi Shariif Axmed ila tan Farmaajo eysan marnaba qoran Wasaaradda Qorsheynta iyo Biyaha qof xirfad am cilmigeeda yaqaan. Waxaad ogataa biyaha waa sida “accounting,” waa inaad ogtahay waxii kusoo galo lacag iyo waxii ka baxo sii aad nolashada u maamushid oo aadan sabool u noqon; sasoo kale biyaha nasoo galo iyo biyaha naga baxo iyo mashruucyada loo bahanayhay lama oga saasey tahayna Sharciga Biyaha Soomaaliya oo Baarlimaka ansixiyay ayeey ku qoran tahay “Article 30 ila 32” in sanad kasta la soo bandhigo macluumaadkaas. Waxa fool xuma ah in wasaaradaha biyaha iyo qorsheynta eysan “data” heysan, oo ay kasoo tugsadaan hey’adaha eysan hubsan karin ayakoo xirafadeda laheen. Saas darteed ma la ogaan karo gorta abaraha kusoo adan yihiin iyo dhib ilaa intee la’eg ayay ku saameyn dontaa. Haddii aad si u fiirsid “National Developent Plan NDP” waa wax laga soo koobi gareeyay qorsha ay hadda ka hor qortay African Development Bank, waxaan laguu sii darsaday oo cajiib ah in dowlad gobaldekasta in wax kasto loo sameeyo eysan ku jirin habka ey isku hormarin lahayeen ayakoo ku tashaneynin mucaawino, waxaase ugu sii liito gobolka hirshablle oo laheyn NDP asoo ku yaalo webiga ugu dheer Soomaaliya iyo dhul beraadka ugu badan.

Injineer Guled Waaxa iga talo ah sida soo socoto:

  1. In “National Developent Plan – NDP” loo kala qeybiyo master plan oo ah kan hadda ey wadaan oo laakin la sameeyo mid yar oo la yiraah “Crical Infrastructure Investment Prioritization – CIIP,” kasoo ah in gobal kasta lagu qasbayo laba ama hal mashruuc oo degdeg uu bahan in wax laga qabto. Saas darteed deeq bixiyeyaasha way ku farxayaan wana malgelinayaan sababatoo ah waa qorshe la taban karo o fudud;
  2. In Wasaaraddaha biyaha iyo qorsheynta loo dhiibo wasiiro cilmi yaqaano ah laga badalo kuwa hadda joogo, wa haddii hormuran la rabo oo gobal kasta dhibkiisa la xaliyo oo laga gudbo tuugsiga iyo saboolka;
  3. Waa in gobalada Hirshhablle, Koofur Galbeed iyo Juballand si deg deg loo sameeyaa “Shabelle River Authority iyo Juba River Authority,” si ay ula shaqeyaan wasaaraddaha biyaha iyo qorsheynta waxaana sharuud ah in ayagana dad xirafadayaqaano ah qortaan tababarna codsadaan;
  4. In Hay’adda FAOSWALIM ey xafiis ka furataa Baladwayne ama Jowhar, iyo Luuq sii ey ugu shaqeyso survey cusub oo webiga shabellee loo ogaado inta biya soo galo oo sax ah iyo inta ka baxda maxayeelay waxa ugu dambeesay macluumaad sax waagi 1990;
  5. In lagu qasbo hey’adaha inay joojiyaan warta biyaha sida kan ay ka dhiseen Puntland iyo Gaalmudug, kuwaasoo wax xal ah an keeneynin, laguna qasbo in ay ceelal solar leh laga dhiso si ay dadka isku filnadaan;
  6. In la bilaabo Gobalada Gaalmudug ilaa togdheer xolaleyda sidii loo badali lahaa oo la baro beraha kalumeysiga iyo digaag dhaqashada oo laga dhigo dad xoolohooda leh ayakoo beer kalumesyi iyo digaagna leh, sii markay abaraha dhacaan ay wax kusii sugaan ay u hestaan. Sidoo kale la baro malabka sida loo sameeyo. Iyo in leysku dayo in ay xoolaha meel  lagu haayo inti la raaci lahaa “Range style camal” sii ay ugu badbaadan degaal dhuleed.

JamhuuriyaddaMay 30, 2017kii Bankiga Adduunka wuxuu u fidiyay Soomaaliya deeq dhan 50 malyan doolar si wax looga qabto oonka ba’aan, miyeysan kula ahayn in dowladda iyo hay’adaha samafalka ah ay ku fashileen wax ka qabadka abaaraha iyo biyo la’aanta?

Injineer Guled – Horta Hay’adaha iyo dowladda waa ku fashilmeen inay wax ka qabtaab biyo la’aanta. Laakin World bank waxuu dowladda Soomaaliya usoo jeediyay xitaa sidi ay Itoobiya heshiis ula geli laheed oo ku sabasan wada qaybsiga labada webi, nasiib darro dwoladda Farmaajo iyo Kheyre ma raaban arrinkaan in la xaliyo, waxaan ka hubsanay arrinkaan dad xog’ogaal ah oo ku xeel dheer hormarinta biyaha.

Advertisements

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s