Guusha xidigaha Afrika ee “Premier League”

1131

Waa markii ugu horeysay taariikh kubada cagta, oo ay seddax weeraryahan ka soo jeeda Afrika noqdeen gool dhaliyeyaasha ugu sareeya xilli ciyaareedka horyaalka “English Premier League.”

Guusha xidigaha Afrika ma ahayn mid la filanwaayey, waayo garoomadda ciyaaraha kubada cagta ee caalamka, gaar ahaan kuwa Yurub waxaa waayahan dambe wacdaaro ka dhigayay ciyaartoy u dhalatay Afrika.

Ciyaaryahanadda Sadio Mane (Liverpool), Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) iyo Mohamed Salah (Liverpool) ayaa wadaagi doonaan abaal-marinta Kabta Dahabka, iyadoo mid kasta uu dhaliyay 22 gool.

Sergio Aguero, ciyaaryahanka Manchester City ee reer Latin America, ayaa asagana dhaliyay 21 gool keliya, kuna muteystay kaalinta 4aad.

Saddexda weeraryahan ee Afrikaanka ah, ayaa ka kala soo jeeda Senegal (Mane), Gabon (Aubameyang) iyo Masar (Salah).

Mane ayaa markuu u dhaliyay labo gool kooxdiisa Liverpool maalintii ugu dambeysay ciyaaraha, ku soo biiray Aubameyang iyo Salah oo la filayay inay wadaagi doonaa abaal-marinta.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay saddex ciyaaryahan wadaagaan abaalmarinta Kabta Dahabka ah ee gool dhalinta horyaalka “English Premier League.”  Xilli ciyaareedkii 1998/99 waxaa abaal-marintaas wadaagay ciyaaryahanadda kala ah: Dwight Yorke, Jimmy Floyd Hasselbaink iyo Michael Owen.

Hase yeeshee, Mohamed Salah oo hore ugu guuleystay abaalmarintaas, kadib markii uu dhaliyay 32 gool xilli ciyaareedkii 2017/2018, ayaa ku sifoobay ciyaaryahanka lix iyo midka kowaad oo Afrikaan ah ee xajista xilli ciyaareedyo isku xiga “Premier League Golden Boot,” inkastoo uu la wadaagayo saxibadiis Mane iyo Aubameyang.

Abaalmarinta Kabta Dahabiga ah ayaa la siiyaa ciyaaryahanka ugu goolasha badan horyaalka “English Premier League,” sida Gacangashiga Dahabka ah “Golden Glove” loo siiyo goolhayaha ugu shaatiga nadiifka badan (ugu gool qabadka badan).

Shaki kuma jira, in abaalmarintaan ay kor u dhigtay sumcadda ciyaaryahanadda ka soo jeedo Afrika, waxaase su’aal ka taagan tahay, maxay ku soo kordhin doontaa horumarinta garoomadda Afrika!

Cali Cusman Cali

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalkaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso waa inay caddeysaa inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.