Wednesday, April 24, 2024
Home Diblomaasiyadda Kenya: Jahawareer Sii Kordhaya

Kenya: Jahawareer Sii Kordhaya

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, isbahaysiga iyo iska horjeedka jawiga dowladdaha Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya ayaa si aad ah isku bedelayay.

Maqaalku wuxuu si kooban u fiiri doonaa dhacdooyinkaas, si loo fahmo dulucda isbedelka xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

February 2019, dunidda waxay goobjoog ka ahayd dulmigii dowladda Kenya, ee ka baxsaneed maamuuska iyo xurmada deris wanaaga. Ujeeddada khashkhashadda (faragelinta), waxaa weye in Soomaaliya lagu mashquuliyo wada xaajood aan dhammaad lahayn, si loogu khasbo inay dib uga noqoto dacwada Maxkamada ICJ.

Gulufkii waxaa cagta u dhigay, dadaalkii gobolka ee ka digayay colaadinta Soomaaliya iyo carqaladeenta nabadda Geeska Afrika. Hase yeeshee, Kenya waxay meel dhigatay qorsho xeelado kala duwan leh, oo wata jadwal muddaysan (Sebteember 2019), mana seegin inay wargeliso wakiilada Ingiriiska, Fransiiska, Midowga Afrika, Qaramada Midowbay, iwm.

Sida laga fahmi karo warbaahinteeda, Kenya waxay hammineysaa inay cagta ku dhufato qaraarka laga filayo Maxkamadda ICJ, (The Star – February 27, 2019). Walow Maxkamada ICJ qaraaraheedu la addeeco, haddana ma laha awood fulin, iyadoo weliba Kenya ay caadeysatay inay iska indha-tirto xukunka maxkamada caalamiga ee ICC.

Kol hore – December 2014, Kenya waxaa u meel maray inay ku gacan seyrto qaraarkii Maxkamada Dambiyada Caalamika (International Criminal Court – ICC), ee ku eedeynayay Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha (Jamhuriyadda – 06/06/2019).

Sida muuqata, Kenya waxaysan fahmin isbedelka hareeraheeda ka dhacayay. Walow siyaasadda “geopolitics” ay leedahay sifooyin u gaar ah, haddana dunida marwalba waxay la kulmaysaa isbeddel heerar kala duwan leh.

Kenya waxaa u suuro galay 60yadii, inay Soomaaliya duudsiiso NFD, ayadoo garabsaneysa dalalkii ku adkaaday dagaalka 2aad ee dunida. Sidoo kale 90yadii, dunida waxay indha ka damuuqsatay (ka qabsatay), in Kenya ay iibiso baarista shidaalka aaga Soomaaliyeed ee Badweynta Hindiya, weliba in ay ku soo xadgudubto xuduuda dalka.

Haatan, Kenya waxaa filanwaa ku noqday: (1) In Soomaaliya horgeysay Madaxkamada ICJ, (2) In sahminta shidaal kor u dhigtay sumcadda Soomaaliya; (3) In hay’addaha Samafalka iyo diblomaasiyiinta caalamku ee qabilsan Soomaaliya ay geedi ka yihiin Nairobi; iyo (4) In Maraykanku u dhisayo Soomaaliya 5000 ciidan tayo sare leh; iyo (5) In qorshaheedii cadaadinta, uu ilaa hadda u meel mari la’yahay.

Culeysiinta duulimaadkii tooska ahaa (Nairobi – Muqdisho), wuxuu ku soo aaday xilli Muqdisho ay ka baxday go’doonkii xiriirka addunka. Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Turkish Airlines waxay si joogta ah uga soo degaan garoonka AADAN CADDE, iyadoo weliba la filanayo in goor dhow ay ku soo biiri doonaan khadadka diyaaradaha Qadar iyo Ugaanda.

Haddaba, su’aasha waxay tahay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka oo hoos u dhaco yuu u daaran yahay?

Walow, dagaal ganacsi uu labada dhinacba dhawacayo, haddana xanuunka siyaasadeed ee ku dhici doono Kenya ayaa ah mid ganacsi oo ciriiri iyo sabayn lacag adag la socodaan.

Kenya waxaa danqasho la’aanta Muqdisho uga daran, in dunidii (galbeed iyo bariba) ay maanta dabo socoto danaheeda Soomaalida cusub.

Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.  Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, faldan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments