Shirkii Garoowe oo socday muddo 6 casho [beri] waxuu ku soo idlaaday natiijo la’aan! Haddaba, maxaa shirka ka dhigay mid madhalays ah? Waa doodda maqaalka.
Shirka Garoowe qabsoomidiisa waxuu ku soo beegmay waqti siyaasad cakiran ay dalka ka jirto, taasoo u dhaxaysay: (B) Dowladda dhexe, iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada [Jubaland iyo Gal-Mudug]; (T) Dowladda dhexe, iyo qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka baarlamaanka oo diiwaangashaday xisbiyo; iyo (J) Dowladda shisheeye (Kenya, iyo Imaaraadka Carbeed) oo danahooda iyo tan Soomaaliya isdiidan yihiin.
Dhanka kale, shirka Garoowe waxuu qabsoomay kadib markii labo kulan oo isbarbar socda ay ka dhaceen Nairobi oo isku ujeeddo ahaa:
(1) Shir u dhaxeeyay madaxda Jubaland, Puntland, Gal-Mudug, iyo beesha caalamka [safiirada Maraykanka, Ingiriiska iwm].
Ujeeddada kulankaas, waxuu ahaa mid ay madaxda seddax maamul-goboleed kaga cabanayaan deeqaha caalamka siiyo ee loo soo mariyo dowladda dhexe. Kulankaas, waxaa ka dhashay shir turxaan bixin ah oo lagu qabto Garoowe.
(2) Shir dhexmaray qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka, siyaasiyiin matalaye qaar ka mid ah xisbiyada isdiiwaangeliyay iyo kuwo qurba joog ah.
Ujeeddada kulankaas, waxuu ahaa in dunida la tuso in Soomaaliya ay ka jirto xasilooni darro siyaasadeed. Kulankaas, waxaa ka soo baxay dhaliil loo soo jeediyey xukuumada, iyo talo jeedin ku aadan in Ra’iisul-wasaaraha iscasilo!
Haddaba su’aasha taagan waxay tahay, kulumada Nairobi ka dhacay ma ka marnaayen gacmo shisheeye? Maxaase ka dhexeyay kulumada Nairobi iyo natiijada kan Garoowe?
Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa booqasho qaadatay dhowr maalin ku tegay Imaraadka Carbeed bishii April. Socdaalkaas, waxaa ku wehelinayey qaar ka mid ah wasiiradiisa, Duulista Hawada, Ganacsiga iyo Dekedaha. Sidoo kale, waxaa la socday la-taliyaashiisa amniga iyo ganacsiga, (Garowe online April 10, 2019).
Sida la sheegay waxuu la kulmay, waxna isla meel dhigeen Rugta Ganacsiga Abu Dhabi, DP World iyo shirkada diyaaradaha ee “Emirate Airline.” Waxaanse sir ahayn, in kulamadaas ay barbar socdeen kuwa kale oo aan la soo bandhigin wax laysla meel dhigay.
Guud ahaan kulamadaas, waxay ahaayeen kuwo xad-gudub iyo meel ka dhac ku ah Qaranimad iyo Dastuurka Dalka, labo sababood awgeed: Waa tan hore, dastuurka dalka waxuu awooda xiriirka arrimaha dibadda iyo gelista heshiisyo caalamiyaha siinayaa dowladda dhexe. Deni wuxuu ka gaabiyay inuu soo wargeliyo dowladda dhexe inta uusan jabinin shuruucda iyo dastuurka dalka.
Waa tan labaade, booqashada Saciid Deni waxay ku soo aaday xilli uu shaki ku jiro xiriirka u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Imaaraadka Carbeed, weliba DP World laga macnuucay dalka.
Saciid Deni markii ay booqashadiisa Imaraadka Carbeed u dhammaatay waxuu yimid Nairobi. Halkaas, oo uu shirka seddaxda maamul-goboleed iyo danjireyaasha ka dhacay. Iyo weliba shirka ay iskugu imaadeen xubnaha siyaasiyeenta mucaaradka qaarkood iyo kuwo madaxbanaan.
Xeel-dheerayaasha siyaasada Soomaaliya, waxay rumeysan yihiin in uu jiro xiriiro ka dhexeeya kulamada Soomaalida ee Nairobi iyo dulmiga dowladdaha Kenya iyo Imaraadka Carbeed ku hayaan dalka.

Shirka Garoowe, waxuu furmay ayadoo aysan jirin qorshe [agenda] lagu midaysan yahay! Axmed Madoobe waxaa ku soo wajahan doorasho bisha Agoosto, taasoo uu ka cabsanayo inuu kursigiisa ku waayo.
Sidaas daraadeed, waxuu rabay inay dowladda dhexe, raad ku yeelan hanaanka xulista xubnaha baarlamaanka Jubaland. Waxuu doorbidi lahaa, in hanaanka xulista xildhibaanadda Jubaland uu noqodo mid aan wax u dhimeyn kursigiisa.
Axmed Ducaale Geele – Xaaf, maamulka Gal-Mudug ee uu madaxda ka yahay waxaa ragaadiyey khilaaf gudeed, oo kala dhaxeeyo ku-xigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamaanka gobolka. Waxaa intaas dheer, in muddo xileedka madaxtooyadda iyo dhammaan xubnaha barlamaanka Gal-Mudug, uu ku eg yahay Jun 2019.
Khilaafka Gal-Mudug, waxuu salka ku hayaa sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiska lala gaaray Ahlu-Suna. Madaxweynaha maamul-goboleedka Xaaf, waxaa uu rabaa in xilka hayo muddo 4 sano ah, taas oo ka bilaabanaysa markii heshiiska Ahlu-Suna lala gaaray. Halka ku-xigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamaanka Gal-Mudug, ku dooddayaan in uu Xaaf rabo muddo kororsi aan sharci ahayn. Aragtidaas waxay waafaqsan tahay sharciga iyo mowqifka dowladda dhexe.
Balse Deni, Madoobe iyo Xaaf waxay ka midaysan yihiin, in la dhiso madal wadatashi ama gole leh awood ka sareysa tan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka ah. Taas oo jaangoysa ama hagta doorashada soo socota, dhammaystirka dastuurka, qaybsiga kheyraadka dalka, dhismaha ciidamada iyo jiheynta siyaasada arrimaha dibadda. Dalabkooda ma waafaqsano dastuurka iyo xeerarka dalka toona. Waana mowqifka ay ka taagan tahay dowladda dhexe.
Sir ma ahayn dalabka Deni, Xaaf iyo Madoobe. Mar uu ka hadlayey Kismayo, Axmed Madoobe waxaa uu yiri “Qodobka koowaad wuxuu ahaa in la helo gole ama madal siyaasadeed oo dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ay isku wareystaan oo xaaladda dalka uu maryo looga tashado, marwalbana looga tashado masiirka iyo siyaasadda.”
Dhanka kale, dowladda dhexe waxay welwel ka qabtaa haddii la dhiso Golaha ay dalbanayaan seddaxda maamul-goboleed inay keeni karto in dalku galo xaalad jahawareer ah amase quus ah, sida:
(B) Muddada u hartay xukuumada inay ku mashquusho xulista xildhibaanada iman doona, taas oo hakad gelinaysa howlihii u qorshaysnaa inay fuliso; (T) Inay dowladda dhexe, bartanka kaga dhacdo dood sharci ah oo ay kala hor imanayaan Labada Aqal ee baarlamaanka; iyo (J) Inay dib u dhacaan, howlihii socoday ee khayraadka dalka, sida shiidaalka laga helay xeebaha koonfureed ee dalka. Taas waa tan Kenya iyo Imaraadka Carbeed ay ka midaysan yihiin.
Abraham Lincoln, mar uu ka hadlaye kala qaybsanaanta dadkiisa ee Waqooyi iyo Koonfur (Maraykanka), waxaa uu yiri “guri kala qaybsan ma sii jiri karo” June 16, 1858 ( www.abrahamlincolnonline.org).
Lama helo doono dal Soomaaliyeed oo midaysan, inta danta gaarka ah laga hormarinayo tan guud.
Saciid Cabdisalaam
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.