Qof iyo ummad, waxay maalmaha sanadka ku suntaan, maalmo u leh farxad amase murugo, sida dhalasho, geeri, xurnimo, quus iyo qab iwm.
Doodda maqaalka ayaa ah maxay uga dhigan tahay 18 May, shacabka ku dhaqan gobollada waqooyi iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya!
Shir ay gadh-wadeen ka ahaayeen jabhadii SNM, ayaa lagu qabtay magaalada Burco March 27, 1991. Shirkaas waxaa gudoominayey, Xasan Ciise Jaamac oo ahaa Gudoome Ku-Xigeenka SNM. Qorshaha [agenda] shirka waxuu ahaa sidii nabadgelyo loogu wada-noolaan lahaa, isla markaasna beelaha waqooyi colaada dhex taala loo damin lahaa.
Balse, go’aamadii shirka ka soo baxay waxay ahaayeen kuwo siyaasi ah, isla markaasna hareer marsan hadafkii loo kulmay. Haddaba, maxaa suurto geliyey in wajigii shirka is bedelo?
Wajigii nabadeynta inuu isu bedelo mid siyaasi waxaa loo sababeeyaa dhowr arrimood oo kala ah: (B) Gogosha waxaa fidiye hogaankii SNM, taasoo keentay in gudoonka iyo go’aamada noqdaan mid u xaglinayay hadafkii SNM loo aasaasay; (T) In beelaha wada dega waqooyi ay si buuxda uga qayb gelin shirka.
Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku markii uu akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, oo ka koobnaa 6 qodob, ayaa lagu daray qodob 7, kaasoo ahaa in shaqaalaha iyo ciidamada marka la qorayo, tixgelin gaar ah la siiyo dagaalamayaasha SNM.
Golihii dhexe ee SNM, waxay ku dhawaaqeen in Somaliland tahay mid ka madax-banaan Soomaaliya May 18, 1991. Waxaa fursad siiyay SNM go’aankii Ra’iisul-wasaarahii xukuumadii lagu soo dhisay Jabuuti 1991, Cumar Carte Qaalib, oo amray in Ciidamada Xooga Dalka hubkooda ku wareejiyaan jabhadihii riday dowladdii dhexe.
Muddo 28 sano kadib aqoonsi lama hayo, dhallintii dhalatay ama garaadsatay ayaa maanta muujisanaya doonistooda Midnamada Soomaaliya. Kuwaas oo ku mutaystay arrinkaas xarig, jir-dil, caburin, bahdil iyo musaafurin. Waxayna 18 May u arkaan maalin dulsaar ku ah mustaqbalkood.
Haddaba, haddii shalay ay dowladdii Maxamed Siyaad ku eedeysneed gabood fal, iyo xad-gudub. Maxay tahay jawaabta hogaanka Somaliland uu u hayaan falalka ay maanta kula kacayaan muwaadiniinta u dhashay Gobolada Waqooyi?
Dowladdii madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad, dooddeeda waxay ahayd SNM, waxay doonaysaa inay wadanka kala jarto, ayagoo kaashanaya dowladdo shisheeye sida Itoobiya. Maantana maamulka Somaliland waxuu shacabka ku leenayaa waxay diidan yihiin jiritaanka Somaliland!
Hogaamiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa asagoo u duurxulaya Cali Khaliif Galayr, iyo Axmed Ismaciil Samantar, yiri “ha moodin intaad dhallinyaro meel ku xarayso sacabka laguu garaacay run.” Hadal jeedintiisa waxay u muuqata in Somaliland la wada la’hayn (YouTube May 17, 2019).
Dhanka kale, Faysal waxaa uu fal saxan ku tilmaamay xariga Xildhibaan Dhakool, ayadoo lagu eedaynayo in 18 May tahay maalin aan la wada lahayn!
Saciid Cabdisalaam
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.