Monday, June 5, 2023
Home Dib U Eegis Buug Taariikh Nololeedka Qoraa Nadiifa Maxamed

Taariikh Nololeedka Qoraa Nadiifa Maxamed

Nadiifa Maxamed waxay ku dhalatay magaalda Hargeysa, Dalka Soomalida[i] 1981-kii. Nadiifa oo da’ yar ayaa loo la soo qaxay iyada iyo reerkeeda magaalada London, UK sannadka markuu ahaa 1986. Welina halkaas ayay deggan tahay. Waxay waxbarashadeeda ku dhammaysay dalka UK, waxayna  ka qalan jabisay Jaamacadda duugga ah ee Oxford. Waxay ku qalin jabisay Taariikh iyo Siyaasadda. Nadiifa waxay haysataa dhalashada UK.

Nadiifa waa qoraa heer sare ah, waxayna cusrisaa sheekooyin gaaban iyo kuwa dheerba, waxay  kaloo qortaa maqaallo la xiriira Soomaaliya iyo kuwa kaleba. Qaraxii Xamar ee Oktober 2017 kuma aysan ekaan inay maqaal keliya ka qorto balse waxay ku dartay deeq ay uruurisay. Waxaana qoraalladeeda laga helaa wargaysyada Guardian, Granta iyo iwm.

 Sheekooyinka dhaadheer ooy Nadifa qortay waa labo, sida wararka ay sheegaayaan buuggeedi saddexaad ayay ku hawlan tahay. Labada buug waxay kala yihiin: Black Mamba Boy (2010) iyo The Orchard of Lost Souls (2013).

Nadiifa M. waa qoraa kaga yaabisay akhristayaasheeda curinteeda oo   heerka sare ah iyo suugaanteeda af-ingiriiska oo aadka u macaan   aadna u qurux badan misna sarreeysa. Waa marag maddoonto hibada ay u leedahay Nadiifa Maxamed curinta suugaanta. Taasoo ay ku   hantiday magac dheer dalka UK iyo adduunwaynahaba kuna heshay abaalmarinna dhawr ah.

N. M.  waa gabar ka muuqata labada dal ay ku lammaanan tahay, kay u dhalatay iyo kan ay dhalashada ka hantidayba. Nadiifa waxay ku faanta isirkeeda Soomaaliyeed isla markaasna kaalin weyn ka qaadataa dalka UK iyo suugaanta af-ingiriiskaba.

Axmed Qaasim Cali


[i] Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Soomaaliya – Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland oo Xiisad Siyaasadeed Abuurtay!

Jamhuriyadda Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen...

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Recent Comments