Buggani waa buggii labaad ee Nadiifa Maxamed (The Orchard Of Lost Souls ee Nadiifa Maxamed, Simon & Shuster, UK, 2013), sida aan filayo magaca buugga wuxuu tilmaamaya beerta geed miroodka ay Kawsar dhicisyadeeda faraha badan ku aastay. Buugga waxaa la daabacay 2013, balse dhacdooyinka sheekada waa 1987 iyo 1988 oo ah waqtigii xasuuqii iyo burburkii ulakaca ahaa ee Hargaysa iyo Woqoyi Galbeed. Waana waqtigii Jan. Maxamed Saciid – Morgan uu ahaa taliyaha Qaybta 26aad. Waa haddana waqtigii ay jabhadda SNM dagaal xoog leh ku qaadday Taliskii askarta dalka gudihiisa.
Sheekada buuggani waxay ku socotaa saddex dumar ah oo kala da’ ah iyo kala degaan ah, balse waqtigaas ku sugan Harageysa. Deeqo waa inan 9 jir ah, ku sugan xerada qaxootiga. Kawsar waa afa ninkeedi ka geeriyooday. Filsan waa gabar reer Koonfur ah, dhallinyara ah laba aliflena ka ah Xoogga Dalka.
Akhristaha buugga wuxuu galaayaa socdaal dheer oo xanuun iyo xiisaba leh oo ay saddexda dumar ah kugu hagaayaan dhacdooyinka xanuunka leh, balse midkoodaba si goonni ah ugu jeedo.
Dhacdooyinka ay Nadiifa kusoo tebinayso ma aha kuwa mala awaal qudh ah balse waa xaqiiq aad ku gaari kartid baaris iyo dib u eegid taariikhda gayigaas waqtigaas kooban oo dad ka badan 60 kun ruux ay ku nafwaayeen, hanti badan ay ku baaba’day, magaalooyin ku dumeen, gaar ahaan burburka Hargeisa ka dhacay waxaa lagu qayaasay 70% ilaa 90%. Waxaa la yaab leh in NM ay kuugu soo gudbinayso si mawduuci[i] ah oo deggan iyadoo adeegsanaysa tiraab heer sare ah oo aan gefayn bartilmaameedkeeda. Sida Nuuruddiin Faarax iyo jiilkiisa Nadiifa toos uma aysan dhedhemin taliskii Kacaanka , haseyeeshee aragtideeda waa mid muujinaysa dadaal baaris iyo halabuur hibo ku salaysan leh.
Buuggu wuxuu ku furmaayaa iyadoo reer Hargaysa qasab loogu taxaabinaayo garroonka si ay uga qayb qaataan dabbaaldegga 17aad ee Kacaanka. Saddex dumar, saddex aragti ayuu qaddarka isugu keenayaa garoonka, ugu dambaystiina qax iyo isbahaysi ayuu isugu keenaayaa saddexdoodi.
Deeqo waxay ku taamaysaa nolol ka fiican tan xerada qaxootiga inay ka hesho Harageisa. Akhristaha wuxuu la yaabi doonaa sida Deeqa oo foodley ah qoys iyo waalid la’aan ku kortay ay ugu jeeddo dhacdooyinka iyo wax kastoy la kulantaba.
Kawsar waa qof waxbartay[ii] lixdaan jir foodda gelinaysa waxaa ka dhintay saygeedi oo ahaa sarkaal boolis oo talisku u dulmiyay. Kowsar oy ilma badan ka dhicisoobeen misna madideedi Hodan ku gablantay saldhigga booliska ka dib markii lalasoo xiray arday bannaambaxaysay. Kawsar ka dib markay damacday inay badbaadisay Deeqa oo lagu takrifalayo garoonka dhexdiisa waa la xiray ka dibna waxay noqotay naafo aan sariirta ka kici karin.
Filsan waxay ku kortay Xamar, waxayna ku taamaysaa inay meel ka soo baxdo oo ay ismuujiso. Filsan waxaa dhalay sarkaal ciidamada Dalka oo gacan bir ah ku koriyay ka dib markuu hooyadeed furay. Balse rajadaas waxaa mugdi geliyay dhacdooyin fara badan oo ay la kulantay: Janan rabo gaabsi, qoys la xasuuqay ka dib markay u durtay in la baaro keliya, cusbitaal arday dhammaan dhiiggodi laga miiranayo ka dibna maydkooda la tuuraayo, iwm.
Mar ay Deeqo ay weydisay sababta ay uga cararayso askarta, Filsan waxay ugu jwaabtay: “hortii iyaka ay ka mid ahaa…haddana idinka ahay.” Akhrista buugga wuxuu la yaabi doonaa sida xiisaha leh ooy Nadiifa uga hadlaysa magaalada Xamar iyo nolosheeda xiisaha leh iyadoo adeegsanaysa afka Filsan.
Buggani waa mid ay Nadiifa Maxamed ku soo bandhigtay suugaan macaan, haseyeeshee wuxuu xambaarsan yahay arrima kale oo ay mid yihiin karaanka dumarka iyo dembiyada xasuuqa iyo burburka uu taliskii M. S. Barre sababay iyo eesha uu ku dhaafay dadka Dalka Soomaalida.
Axmed Qaasim Cali
[i] Objective
[ii] Educated