Friday, April 19, 2024
Home Diblomaasiyadda Kenya oo Madaxa Darbi La Dhacday

Kenya oo Madaxa Darbi La Dhacday

Kenya waxay xayiraad ku soo rogtay ergadii Soomaalida, ee ka qayb geli lahaa shir Nairobi looga arrinsanayay iskaashiga xuduudaha Geeska Afrika, May 21, 2019. Haddaba, waxaa u baahan in lays waydiiyo, maxay Kenya ula beegsatay falkaas madasha Nairobi ee reer Yurub?!

Sida ciyaarta shaxda (jar), marnaba diblomaasiyadda kama marna in lays dago (dhagro)! Sida muuqata, maskaxda ka dambeysa talo bixintaas, ayaa u aragtay fursad ay Kenya ku jili karto dhibbane. Madaxweyne Uhuru iyo Monica Juma oo si gaar ah ula kulmayey Marwo Federica Mogherini (EU), ayaa dunida ku beerlaxawsan lahaa in Soomaaliya ay boobayso, Maraykankana uu kala saftay (Standard – May 23, 2019).

Waxaase cajiib ah, in hagardaamada Kenya ay dhalisay natiijo ka duwan tii laga filanayay. Adrian Blomfield oo wariye u ah “The Telegraph” oo ka faalloonayay dhacdadaas ayaa yiri, “Tarxiilka ergada Soomaalida, ma aha oo keliya kalsooni la’aan iyo caruurnimo, ee waa isdhaawacid.”

Anguubyada haysata Kenya ma aha oo keliya in Soomaaliya ay joojin doonto ka qayb galka kulanadda Nairobi, amase ay dedejin doonto soo raridda hay’addaha caalamiga ee ka hawlgala dalkeeda, ee waa in dhaqaalihii ay ku heli jirtay Soomaaliya darteed uu is-dhimmi doono.

Tan iyo burburkii dowladdii Siyaad Barre, beesha caalamka ayaa sanad walba ku bixisa malaayiin doolar, shirar iyo tababaro ku taxalluqa Soomaaliya oo lagu qabto Nairobi.

Waa sirta aan qarsooneyn in dowladda Kenya qorsheysata xeeladda kala duwan oo lagu hagardaamadeynayo (dibidaabyeenayo) Soomaaliya, waxaase la yaab leh ololaha “Muzungus,” ee lagu abuurayo colaad qoomiyadeed (Youtube – May 2019).

Xeeladaas, waxay u eg-tahay tii Rwanda ee 1994kii. Xasuuqaas waxaa xagjirka Hutu ku marmarsiyoodeen dhacdo, sida maanta madaxda Kenya ay ugu marmarsiyoonayaan in Soomaaliya ay boobi doonto dalkooda.

Taas waxaa dheer, in Kenya ay bilawday inay ka “ganacsato hubka,” lagu waxyeeleeyo waddamada jaarka la ah, gaar ahaan Soomaaliya, iyadoo argaggixisanimo ka dhigatay cudurdaar ay ku iibso (Daily Nation – April 22, 2019).

Ciidamadda Amniga Kenya ayaa sheegaya in weerarkii Nairobi ee January 2019kii, uu hogaminayay nin u dhashay Kenya, kana soo jeeda qowmiyad u badan “Christian Meru” (Reuters – May 17, 2019).

Ololaha iyo cadaadinta waxay tilmaan cad u yihiin, walaaca ka taagan dacwada Madaxkamada ICJ. Kenya waxay caadeysatay inay iska-indha-tirto xukunka maxkamadaha Caalamiga ah.

December 2014, Nairobi waxaa u suurogalay inay ku gacan seyrto xukunkii Maxkamada ICC ee ku eedeynayay Uhuru Kenyatta ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha (Jamhuriyadda – 06/06/2019), walow qaraarkaas uu gaar u ahaa dalkeeda, ta’siirna ku yeelan dunida inteeda kale.

Qareen Maxamed Cali Maxamed oo faahfaahinaya ayaa yiri, “Kenya waxay og-tahay in go’aanka Maxkamadda ICJ uu khuseen doono dalal kala duwan, inkastoo qaddiyadda ay kala dhexeyso Soomaaliya.” Intaas wuxuu raaciyay in “garsoorayaasha ay maanka ku hayaan sameeynta ballaaran ee go’aankooda.”

Kenya waxaa sumalhaad ku riday, in go’aanku uu wax la’aan dhigi doono. Waxaa walbahaar ka heestaa dib u bixinta qaanti shirkadaha shidaalka iyo mag-dhowka ka dhalan doona haddii laga guuleysato. Waa halka, Kenya iyo Imaraadka – oo saami ku leh ENI Energy, ay  iska kashanayaan.

Jahawareerka waxaa sii kordhiyay, in Maraykanka si lama filaan ah ugu dhisayo Soomaaliya ciidan hore leh. Kaalmaddaas waxay la xiriirtaa heshiiskii Hindisaha Hab-Dhiska Amniga Qaranka, waana abaalmarinta guusha dib-u-habaynta ciidamada.

Taageerada Maraykanku uu u muujiyay Soomaaliya, waxay bedeshay isla’egta awoodda gobolka. “Meesha, waxaa ka baxaya in Nairobi isku daydo inay awood u adeegsato xallinta khilaafka kala dhexeya Muqdisho,” ayuu yiri Yusuf Gandi.

Nairobi waxaa utun ku noqotay, in baarlamaanka Soomaaliyeed uu ansixiyay sharcigii shidaalka iyo kuwii la xiriiray deyn cafinta. Kenya waxay isu sheegtay, in Soomaalida oo qabyaalad dilootay, aysan xilligan ku heshiin karin maareynta khayraadkooda.

Xeeladdaha ilaa hadda Kenya adeegsatay, waxay kasoo horjeedaan aragtida dunida oo aaminsan in xasilloonida Geeska Afrika ay ku xiran tahay tan Soomaaliya.

Arrinta Muqdisho hortaal ayaa ah, sidee loo dhowraa daris wanaaga, loolana dabaakhaa jara ka ciyaarka Kenya. Mas’aladda Nairobi aysan fahmin ayaa ah, in Soomaaliya aysan taako dhulkeeda ah uga tegeyn.

Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, faldan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments