Thursday, September 28, 2023
Home Opinion - Ra'yi Maxay Doorashada Jubaland Xiisad Gooni Ah U Leedahay?

Maxay Doorashada Jubaland Xiisad Gooni Ah U Leedahay?

Waxaa qoray maqaalka – Mahad Wayax

Jubbaland waxa kusoo food leh doorasho adag, doorashadan waxay leedahay muhiimad gooni ah maadama dowlada Federalka, Taliska mamulka Jubbaland, dowlada Kenya, badda la’isku haysto ee maxkamada taala, reer galbeedka, carabta, AMISOM, EU, UNSOM, mucaarad fara badan iyo kooxo kale oo fara badan ee qarsoon dhaman ay muhiimad gooni ah u leedahay, ishana kuwada hayaan doorashada jubbaland.

Waxa jira weerar afka ah ee ay isku adeegsanayaan taageerayaasha maamulka hadda talada haya iyo mucaaradka oo raba inay lawareegaan maamulka. Taageerayaasha waxay ku andacoonayaan in Jubbaland nabad tahay, wax qarax ah, dhimasha micna dara ama dil bareer ah uusan hadda ka jirin, ayada oo kuwa kasoo horjeeda ay ku andacoonayaan su’aalna ay galiyeen fahamka ah Jubbaland waa nabad, ayaga oo ku doodaaya in dadka dagan dhamman Jubada Dhexe aysan haysanin nabad oo Al-shabab ku hoos noolyahiin, ayada oo Jilib, Jamaame, meelo badan oo Jubada Hoose iyo Gedo ay dadka dagan xur ka aheyn Al-shabaab.

Doorashada Jubbaland waxay dhici doonta August, 15 2019, waxay kusoo aadeysaa qabanqaabadeeda ayada oo dowlada Federalka iyo mamulka Jubbaland uusan ka dhaxeynin wax wada shaqeen ah, ayada oo Somaliya iyo Kenya xasarada siyaasadeed ka dhaxeeya, ayada oo Jubbaland ay tahay meesha muuranka badda ka jira taasi oo maxkamada ICJ qaadi doonta dacwadaas bisha September, 2019.

Dhamman kuwa muhiimada u leedahay waxay xoogga saarayaan in uu soo baxo shaqsi maslaxadooda ka shaqeen kara, waana wax iska caadi ah xiriirka caalamiga marka lafiiriyo, dowlad walba waxay rabtaa inuu soo baxo qofka danta ay leeyihiin fulin kara.

Axmed Madoobe wuxu talada hayaa ilaa 15 May, 2013. Jubbaland waxay ku jirtay isjiijiid iyo qayli ilaa maalinta la yagleelay ilaa hadda, badi waxay uga imaaneysay tabashada ay qabaan beelaha kala duwan ee dagan, dowlad dhexe iyo wajiya kale oo kala duwan.

Dowladii Xassan Sheikh iyo tan Farmaajaba mamulka Jubbaland muran aya kala dhaxeeyay. Dowladii Xassan Sheikh bartamihii bishii 06/2015, baarlamanka Federalka Soomaaliya waxay cod u qaadeen, kalana direen xildhibaanadii Jubbaland ayaga oo ku dooday in si siman dadka deeganka ah looga qeybinin wallow aysan shaqeynin kala diridaas.  

Dowlada Farmaajo iyo mamulka Jubbaland ayaa sidoo kale madaxa iskula jira tan iyo markii la doortay, ayada oo loo aaneynaayo danooyin kala duwan oo ku xeeran deegaanka iyo dadka Jubbalandba.

Maadama Axmed Madoobe magaalada Kismayo uu ka dhigay magaala amni ah oo marnaba Al-shabaabka ku weegaarsan magaalada usuurtagaliweysay in wax qarax ah ka fuliyaan haddana waxa shaki ku jiraa in musharixiinta hadda Kismayo ku sugan ay awoodi karaan in dadka dhiigiisa uu nabad galo.

Maxa horyaala madaxweynaha soo socda ee Jubbaland?

Haddii u soo laabta Axmed Madoobe iyo haddii mid cusub uu yimaadaba, mar walba waxa horyaala howla adag oo loo bahan yahay in wax laga qabto si looga gudbo dhibaatooyinka dib u dhigay markii hore, sida xureenta degaanada gacanta mamulka ka maqan, xalinta tabashada beelaha saluugsan saami qeybsiga mamulka, wada shaqeynta dowlada dhexe, iyo arrimo kale oo fara badan.

Doorashada Jubbaland waxay noqon doonta mid xiisad gooni leh, maadama shirkadaha shidaal, doorashada 2020, hardanka Kenya iyo Somaliya iyo quwada kale oo waaweyn saameyn ay ku yeelan doonaan doorashadan, waxay noqon doonta mid jiheysa mustaqbalka iyo meesha loo socda.

Waxaan sugnaaba waa August 15, 2019 iyo doorasho dhacda, xalaal iyo xaaraam waxay ahaataba. 

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso maqaalka, faldan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments