Wednesday, December 6, 2023
Home Faallada Tafaftirka Faallo: Marin Habaabinta Bulshada

Faallo: Marin Habaabinta Bulshada

Tifaftiraha Jamhuriyadda

Burburka dowlada dhexe sanadii 1991 kadib, dalka waxaa uu galay jahawareer siyaasadeed iyo mid amni. Waxaa arrinkaas barbar socday dadaalo ay dad Soomaali iyo shisheeye ah ay wadeen si wax looga qabto dhibka jira. Balse dhammaan dadaaladdaas ma wada aheen kuwo ka madhan fulinta dano gaar ah, sida kuwo shisheeye, shaqsi, ama koox!

Dadaalada dalka uu mahadiyey, waxaa ka mid ah hirgelinta adeega xawaaladaha, isgaarsiinta, waxbarashada iyo caafimaadka iwm. Dhammaan maskaxda ka danbeysay fulinta adeegyadaas waxay aheed mid Soomaaliyeed. Waana sababta ay u noqdeen qorsheyaal ujeeddadii laga lahaa la xaqiijiye. Inkastoo marnaanta dowladnimada ay wax u dhintay inay noqdaan kuwo gaara tayo heer caalami ah (universal standard).

Dad badan ayaa qaba in qaar ka mid ah saxaafadda iyo machadyada cilmi-baarista, gaar ahaan kuwa siyaasadda iyo amaanka, uusan dalka mahadin! Waxay shacabka Soomaaliyeed u horseedeen in la dabro, si loogu hayo hubaal la’aanta mustaqbalka.

Khabiirada siyaasadda gobolka qaar ka mid ah ayaa qabaan, in sababta ay tahay machadyadaas oo ay maalgelintoodu ka timidaado dibedda, iyadoo laga leeyahay ujeeddooyin qarsoon. Waxaa la tuhunsan yahay in qaar ka mid ah shaqsiyaadka Soomaalida ee hor booda hay’adahaas yihiin kuwo dhaafsaday danahii dalka iyo dadkoodba, dhuuni iyo mansab aan muunad lahayn.

Afka diblomaasiyada, waxaa loogu yeeraa hay’adahaas shaqsiyaadka horbooda, hogaamiyaasha aan la dooran. Waxay saamayn ku leeyihiin go’aan ka gaarida dalka dhanka taban (negative thinking). 

Waxaa intaas dheer, in badan oo ka mid ah machadyadaas waxaa loo abuuray, ilaalinta masaalix hayb, koox, iyo shaqsiyaad. Waxaa sidoo kale, taas barbaryaala in qaar ka mid ah loo adeegsado salaan lagu fuulo masraxa siyaasada dalka. 

Waxaa talooyinkooda qoraalka ah iyo wareysiyadaba ay bixiyaan horseedaan qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Waana sida ay u arkeen inay ku gaari karaan danahooda guracan!

Hadabba, marin habaabinta ra’yiga shacabka maxay ka qabtaa sharuucda dalka dowliga ah?

Naqdiyadda ugu weyn ololahii BREXIT, ayaa ah marin habaahinta bulshada. Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ingriiska – Boris Johnson, waxaa uu wajahayaa eedo la xiriira inuu warbixin been abuur ah (fake news), uu ku ololeeye aftidii ka bixida Midowga Yurub. Taas oo horseeday in shacabka dalkaas u codeeyaan inay ka baxaan Midowga Yurub (The guardian May 29, 2019).

Haddaba, miyaanan la soo gaarin, waqtigii runta loo sheegi lahaa ururadaas ama kooxahaas ku howlan faafinta beenta, iyo borobagaandada loogu adeegayo shisheeyaha duulaanka ku ah dib-u-dhiska dowladnimadda.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda faalladaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso waa inaad xustaa in aad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments