Saturday, June 3, 2023
Home Siyaasadda Magan Allah: Qaraarka QM & Ruqaansiga Soomaaliya

Magan Allah: Qaraarka QM & Ruqaansiga Soomaaliya

Shirkii Golaha Amaanka ee May 22, 2019 waxaa si buuxda loogu ansixiyay qaraarka 2472 (2019). Go’aankaas, waxaa ka dhashay dood la xiriirta “tarjumada.” Maqaalku wuxuu isku dayayaa inuu dib u eego dhacdadaas, si loo wada fahmo xaqiiqada.

Inkastoo 2019ka, uu ku bilowday khilaaf ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Wakiilkii Xoghayaha Guud ee QM – Nicholas Haysom, haddana madasha waxaa lagu soo afjaray ismaandhaafkaas, iyadoo weliba lagu soo bandhigay warbixin si dhab ah uga tarjumeyso xaaladda dalka intii u dhaxeysa December 14, 2018 ilaa May 4, 2019.

Halkaas, waxaa ka dhashay asbaabta u soo xulashada Wakiilka Xoghayaha Guud diblomaasi Maraykan ah oo khibrad u leh dalka. Golahu wuxuu bogaadin u soo jeediyay dowladda Soomaaliya dhowr arrimood awgeed:

  1. In dib-u-habeynta hay’adaha dhaqaalaha ay sahashay kasbashada kalsoonida hay’addaha maaliyadda caalamka oo muhiim u ah deyn cafiska; iyo
  2. In dib-u-habaynta hannaanka diiwaan gelinta ciidamada qalabka sida uu suurogeliyay in la helo tirada dhabta ah, iyadoo askari kastana si toos ah mushaarkiisa looga dirayo Bankiga Dhexe.

Sideedaba isbedel ma aha hawl fudud, haddana tilaabooyinkaas waxay muhiim u yihiin dib u xoojinta hay’adaha dalka iyo dib u soo celinta hay’badda dowladnimada. Haddana, isbedelku wuxuu la kulmay iska caabinta mug leh, inkastoo geedi socodka dowladda “The Government Roadmap,” uu mudnaanta siinayo Qorshaha Qaranka.

Si kastaba ha ahaate, dalka waxaa u hirgalay hannaanka diiwaan gelinta shaqaalaha dowladda – rayid iyo ciidanba. “Markastoo dib-u-habayntu ay yeelato xidid, shaki kuma jiri doono inay kuwa ka soo horjeedo [horumarka iyo nabadda Soomaaliya] fal xun la imaan doonaan, balse dowladdu waxaa ka go’aan horumarinta iyo xoojinta hay’addaheeda, iyadoo fulineysa mas’uuliyadeeda,” ayuu yiri Maxamed Rabi Yusuf oo ka tirsan Ergada Soomaaliyeed ee QM (UN – May 31, 2019).

Golaha Amaanka QM waxaa laga hor qiray in Ciidamada Xoogga Dalka (XDS) ay ka soo dhalaaleen howlgalkii xagjirta looga saarayay degmooyinka Sabiib iyo Caanoole, oo muhiim u ah ammaanka Muqdisho.

Qiraalkaas, wuxuu dhaliyay yididdiilo cusub oo ah in XDS lagu aamini karo la wareegista nabad sugidda dalka. Halkaas ayay ka dhalatay in kun askari oo hor leh laga dhimo 2020ka ciidamada AMISOM.

Ciidamadaas, waxay dalka ku soo galeen kuna joogaan maanta, Axdiga QM – chapter 7. Cutubkaas, qodobkiisa 42 ayaa AMISOM u saamaxaya inay la dagaalanto xajirka “Al-Shabaab” oo khatar ku ah nabadda iyo ammaanka adduunka.

Arrinta mudnaanta leh ee looga fadhiyo AMISOM, waxaa ka mid ah ku wareejinta si mas’uuliyad ku jirto howlaha aminiga iyo xasiloonida ciidamada Soomaaliya, mar kasta iyadoo la qiimeynayo khatarta ka dhalan karta kooxda argagixisada ah iyo siyaasadda dalka.

Danjire Anatolio Ndong Mba, ergaga Equatorial Guinea ee QM ayaa ku taliyey in beesha caalamka hubsato in ciidamada XDS si ku filan loo tababaro, loona qalabeeyo maadaama doorashoyinkii guud ee soo socdaan (UN – May 31, 2019).

Sidoo kale, chapter 7, waxaa lagu maareyaa, (b) howlgalka ciidamada la dagaalamayo burcad-badeedka, (t) cunaqabateenta hubka, iyo (j) cunaqabateenta dhoofinta dhuxusha.

Taas ayaa keentay in ergaga KMG ee Maraykanka – Danjire Jonathan Cohen, ku taliyo in Soomaaliya ay si wax ku ool ah ula shaqeyso “Guddiga Khubarada,” inta xaaladihii dhaliyay xayiraadda ay isbedelayaan.

In mudda ah, AMISOM waxaa hareenayay muran seddax geesood ah. Howlgalka oo markii hore loogu talagalay inuu socdo muddo lix bilood ah, laguna soo abaabulay aragtida ah – Afrika ha xaliso dhibaatooyinkeeda, ayaa hadda maraya muddo ka badan 10 sanadood.

Dhinaca kale, Midowga Yurub oo bixiya mushaaradda iyo gunnooyinka ciidamada ayaa doonaya in lala wadaago culays. Sida muuqata QM ma dooneyso in nabad ilaalinta Soomaaliya ay la wareegto, walow markii hore qorshaha sidaas ahaa.

Markii lagu dhawaaqay in la dhimayo mushaarka ciidamada AMISOM, dalalka ay ka soo jeedeen sida Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya and Uganda, ayaa ka soo horjeestay tallaabadaas, iyagoo qaar badan ay ku hanjabeen inay ka baxayaan howlgalka.

Kulanka wuxuu ku soo aaday xilli aad u adag oo Soomaaliya ay isu taagtay inay door ka ciyaarto iskaashiga horumarka Geeska Afrika, haddana dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada ay isla garan la’ siyaasadda fulinta, taas oo wax u dhimaysa horumarka siyaasadeed iyo amni ee dalka.

AMISOM ka sokow, waxaa dalka ka howlgala UNSOM oo talooyin wax ku ool ah iyo taageero farsamo siisa Soomaaliya (dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada), iyo bulshada rayidk ah, dalkana ku joogto Axdiga QM – chapter 6, qodobkiisa 41, lugna ku lahayn isticmaalka xoog (hub).

Walow uusan dhalin miro, haddana shirkii Garowe waxuu ahaa tilaabo dhiri gelin leh. Iskaashiga dowladda dhexe iyo tan maamul-goboleedyada, waxuu muhiim u yahay horumarka dalka.

Ku Xigeynka Wakiilka Xoghayaha Guud – Raisedon Zenenga, ayaa sheegay inay wadi doonaan dhiirigelinta dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada inay cashar ka qaataan Koonfur Galbeed iyo Puntland, si looga hortago iska horimaad ka dhaca doorashooyinka Galmuduq iyo Jubaland.

Howlaha mudnaanta leh ee laga sugayo UNSOM waxaa ka mid ah horumarinta hannaanka siyaasadda dowladda dhexe, dhex-dhexaadinta caqabadaha iyo ka hortagga colaadaha. Danjire Dmitry Polyanskiy, ergaga Ruushka ee QM ayaa ka digay faragelinta shisheeyaha (UN – May 31, 2019).  

Inkastoo golaha uusan carabka ku dhufan dal gaar ah, kana hadlin dacwadii Soomaaliya ee saldhiga Berbera, haddana faragelinta Kenya iyo Imaraadka ayaa loo arkaa fidno dib u dhac ku ridi karto: (1) dib-u-dhiska dowladnimada, (2) dib-u-qaabeynta hay’addaha maamul-goboleedyada, iyo (3) dib-u-heshiisinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Sida muuqata, Soomaaliya waxay si aan caadi ahayn ugu ruqaansatay mansabkeedii caalamka, waxaase muhiim ah in dowladda dhexe iyo madaxda maamul-goboleedyada inay isla fahmaan waajibaadkooda Qaranimo, si ay u dardar geliyaan dib-u-habeynta cadaaladda, kol haddii awooddii sharci dejinta iyo fulinta isla jaan-qaadeen, Qaramada Midoobayna ay kafaalo qaaday kaalinteeda.

Cabdulqadir Cariif Qassim

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda faalladaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso waa inaad xustaa in aad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments