Thursday, April 25, 2024
Home Siyaasadda Soomaaliya: Siyaasad Miisaan Leh!

Soomaaliya: Siyaasad Miisaan Leh!

Tan iyo bilowgii Dowladnimada Soomaaliya, Siyaasadda arrimaha dibedda ma dhaliil la’een, inkastoo marar badan, meelaha qaarkood ay guulo ka soo hooysay.

Kadib markii meesha ay ka baxday dowladdii dhexe sanadii 1991, xaalka Soomaaliya waxay noqtay “nin jiranoow kun kuu talisay”

Haddaba qormadan waxaan ku eegaynaa siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya xilligan waa sidee? Si taas aynu u fahano waxaan dul istaagaynaa qaar ka mid ah xirfadaha diblomaasiyada!

Xeelada iyo diblomaasiyada waa xirfado ku salaysan ogaanshaha ama fahamka dadka iyo dowladdaha kale waxa ay u nugul yihiin, waxay aaminsan yihiin, fikradaha iyo dareenkooda ra’yi.

Taas waxay suurtaggelinaysaa gaarista hadafkaaga si nabdoon! Khabiirkii Isaac Newton ayaa yiri ” xeeladaysiga diblomaasiyada waa hab farshaxan ah, oo aad dooddaada ku jeedinaysid, adigoo aadan samaysan cadow” (www.skillsyouneed.com)

Siyaasadda arrimaha dibedda, waxay turjuntaa xaalada gudaha ka jirta, waxayna muunadaysaa (image) ama muuqaalaysaa, sawir ka bixisaa xaqaa’iqa [ runta] dadka ay matasho, ama lagu matalo masraxa siyaasadda.

Haddaba si aynu taas u fahano, bal aan isweydiino dalkeena muuqaal noocee ah ayuu ku dhex lahaa dunida, mudaddii burburka lagu jiray, iyo xaalad caynkee ah ayay dhaxashay xukuumada hadda talada haysa? 

Hoyga burcad badeedka, argagixisada, dagaalo sokeeye, iyo meel uu aadamaha ku nabadgelin ayaa inta far waa weyn lagu qoro ku soo bixi jiray boggaga hore ee wargeysada caalamka. Waxaa muuqaalo laga argagaxo, sida dad macaluul iyo cuduro la ill-daran laga daawan jiray muuq-baahiya TV. 

Dhammaan xaaladahani waxay dalka u nugleyeen faragelin shisheeye iyo in dalka Soomaaliya lagu dhex beero wakiilo fuliye [jawaasiis] danaha shisheeyaha.

Madaxweyne Farmaajo waxuu dhaxlay caqabado faro badan oo ay ugu weyn yihiin (B) Faragelinta shisheeyaha oo maraysay halkii ugu ba’need; (T) Dastuur loo qaabeeye kala taga Soomaaliya iyo daciifinta qaranimada; (J) Hay’adaha dastuuriga oo nugul; (X) Kalsooni la’aanta hay’adaha dhaqaalaha aduunka, taas oo ay ugu wacan tahay musuq-maasuq baahsan; iyo (Kh) Shaqaalaha dowladda ciidan iyo rayidba oo aan mushahar helin muddo 9 bilood ah, isla markaasna la heyn tiradooda oo sugan. 

Dhammaan caqabadahan waxay horsedeen inay lunto kalsoonidii shacabka iyo beesha caalamka ku qabay hogaanka. 

Maamulka Farmaajo, muddo labo sano kadib, waxaa u suurto galay inay xaliyaan, caqabadaha intooda badan, sida (1) dib-u-habeenta hay’adaha dhaqaalaha, taas oo suurto gelisay bixinta mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada, (2) tiro koobka iyo dib-u-habeenta ciidamada (3) tiro koobka, tayaynta shaqaalaha rayidka iyo hay’adaha dastuuriga ee heer federal (4) wada shaqeenta laamaha dowladda dhexe (5) xakameenta faragelinta shisheeyaha (6) soo celinta iyo maamulka hawada.

Guulahaan ma shido iyo dhibaato yareyn gaaristooda, waxayna shisheeyaha iyo adeegayaashooda guddaha kala kulmaysay iska caabin, iyo khal-khal gelin ay ku hor joogsanayaan, talaabooyinka ay xukuumada qaadayso.

Abraham Lincoln, ayaa yiri ” halganka maanta, ma’ahan oo keliya wadajirkeena maanta, ee waa wanaaga baaxada weyn ee mustaqbkeena” December 3, 1861 (www.abrahamlincolnonline.org).

Horumarkaas, waxay albaabada u fureen hor u dhigida danaha dalka iyo la macamilka amase wax la qabsiga bahweynta dunida.

Hay’ada Lacagta Aduunka IMF, Bankiga Aduunka (World Bank) iyo Bankiga Horumarinta Afrika, waxay dowladda ku amaaneen hufnaanta maaliyada iyo dagaalka ay kula jirto musuq-maasuq. Waxayna deeq maaliyadeed si toos ah siiyeen dowladda dhexe.

Talaabooyinkan, waxay horseedeyn oo kale, in isbedel ku yimaado wajigii siyaasadda arrimaha dibedda, tixgelin iyo wadashaqeen la yeeshaan xukuumadaha iyo ururrada caalamiga ah. Taas oo horseeday in indhaha Washington daneeyaan Soomaaliya, una soo dirsadaan safiir ka howlgala Muqdisho.

Siyaasadda arrimaha dibedda, hubka ay ku howlgasho waxaa ugu weyn warbaahinta (media), waa barta gudbisa muuqaalka dowlad wanaaga gudaha, iyo hagida aragtida bulshada. Tusaale saxaafada Maraykanka iyo tan Turkiga isku si ugama waranto dalka Venezuela, tan Ruushka iyo Maraykanka, ama EU way ku kala tabin duwan yihiin marka ay timaado Suuriya. BBC Somali, iyo VOA Somali, wey ku kala tabin duwan yihiin xaalada Soomaaliya. Kala duwanaanshaha siyaasadda dibedda dalalkaas, ayay warbaxin kasta ka turjumeysaa.

Dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxay dhibane u noqdeen warbaahinta shisheeyaha ee ku baxa afka Soomaaliga, qaar ka mid ah iyo warbaahinta gudaha oo soo xambaarsada, faafiyana borobagaandada shisheeyaha. Tusaale, warbaahinta Kenya oo kula safatay dalkeeda boobka bada Soomaaliya, ayaa wararka ay tabiyaan waxaa bogga hore soo dhiga warbaahinta Soomaalida, iyagoo aan garan tashwiishka iyo jahawareerka lagu geliynayo mowqifka ay xukuumada Soomaaliyeed ka qaadanayso.

Dhanka kale, masuuliyiin hore, aqoonyahano iyo siyaasiyiin ayaa baraha bulshada, soo dhiga qoraalo iyo eedaymo lagu dhaawacayo dhismaha hanaanka dowladnimadda, qasadkooduna u muuqdo inuu yahay “hadaanan aniga qorshaynayn, talaabaddii quman ee qof kale qaado waa qasaaro.”

Dr. Hibaaq Buubaal ayaa tiri “dadka qaarkood waxaan siinaa qiimayn iyo miisaan culus ayagoo aan u qalmim, waxaa dhacda mararka qaarkood inaad dood la gashid qof aad u malaynasid caalim, maskax balaaran oo caqli badan oo marka uu hadlo, afkiisa ay ka soo baxaan ereyo aad u jilicsan, taas oo ku tusaysa inuusan aheen qof xujad ama caqli leh.” (YouTube November 1, 2017).

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com  –  Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, faldan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday. Masawirka: waxaa laga soo amaahsaday Internetka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments