Thursday, June 1, 2023
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka Olympics: Ramla Ma Rayn Doontaa!

Olympics: Ramla Ma Rayn Doontaa!

Sanadka 2020, tartanka Olimpiyadda (Olympic) waxaa lagu qaban doonaa magaalada Tokyo ee dalka Jaban, bisha July 24da ilaa August 9da. Kulunkaas, waxaana la filayaa inay ka qaybgeli doonto Ramla Cali oo ah gabadhii ugu horeeyay oo Muslim ah, haddana Soomaali ah oo ku tanto Olombiyadda feerka.

Olympiyadda waa dabaaldagga (festival) ugu wayn ee addunka ka dhaca, waxana lagu tartamaa ciyaaraha noocyadooda kala duwan. Dhallinyaradda addunka oo idil ayaa ku soo bandhigaa awooda jireed iyo maskaxeed ee Eebe ku hibeyay, waxaana la qabtaa 4tii sanaba mar.

Waxaa la isku raacsan yahay in taariikhda Olympiyadda ay ka soo bilaabatay dalka Griiga (Greece) oo u isticmaali jiray qaab diineed iyo mid nabadgelyo. Waxaa qiyaas ahaan la unkay 7 qarni ka hor, waxaana laga lahaa himilo ah in la abuuro isdhexgal iyo jawi nabadeed.

Waqtigaas Griiga waxaa ka jiray colaado, haddana 4ta maamlood oo ay ciyaaraha Olympiyadda socdaan waxa is-dhex-mari jiray dadyoogii dagaalamayey, iyadoo mar marka qaarkood ay wada taageeri jireen kooxaha ka soo qeyb galaayey tartamadaas.

Dhanka kale, Olympiyadda casriga ah (Modern Olympics) waxa udubadda loo taagay 1896kii. Waxaa loo tiriyaa in uu ikhtiraaca (hindisay) Olympiyadda uu lahaa BARON PIERE DE COUPERTIN oo u dhashay dalka Fransiiska, macalinna ka ahaa iskuul ku yaaley Magaaladda SORBONNE (France).

Tilaabadii ugu horeysay uu qaaday waxay ahayd inuu abaabulay shirkii ugu horeeyey oo ay ka soo qeyb galaan dawladihii waa weynaa ee Yurub iyo Maraykanka (Ameerika). Waxaa la isku raacay in tartankii ugu horeeyey ee Olimpiyadda lagu qabto dalka Griiga madaama ay aheyd hooyadii fikradda ciyaarahaas.

Hadafka ugu weyn ee guddiga Olimpiyadda wuxuu ahaa in la abaabulo tartamo kala duwan ee nocyadda Isboortiga. Madaama tartankii ugu horeeyey ee Olimpiyadda la qabtay 1896kii, laguna soo bandhigay ciyaaro fara ku tirsi ah, waxaa la isla gartay in ciyaaraha ay noqdaan kuwa saameyn ku leh kobcinta isdhexgalka shucuubta ku kala nool addunweynaha.

Olimpiyadda waxay kaloo abuureysaa bulshooyin saldhigooda uu yahay wada noolaasho ku qotonta is-xurmeyn, iyadoo laga fogaado in la isku faquuqo (takooro) midab, diin, jinsi iyo waxii la hal maala. Taas ayaa loo sameeyay Calanka Olimpigadda oo ka kooban midaba kala duwan oo koobaayo addunyadda oo idil.

Xiriirka Feertanka Soomaaliya waxaa la aasaasay 1959kii, waxaase la banaday 1976kii xilligaas oo uu dalka ka talinayay xisbiga hantiwadaag oo qaadacay Olympiyadda.

Ramla waxay ku guuleysatay feertanka gadhaha Ingiriiska laba jeer (2016), kadibna ciyaaraha dumarka Yurub, waxayna noqotay xidigta Nike Athlete.

Inkastoo, gabdho ku baratamaya feer uusan ahayn dhaqan Soomaalida taqaan, haddana ka qayb galka Ramla Olympiyadda 2020, waxay bili doontaa isirka Soomaaliga oo waayahaan dambe dunida isboortiga wacdaro ka dhigayay.

Xiriirka Olympiyadda Soomaaliyeed, ayaa 2018kii u doortay Richard Moore, tababarihii Ramla, inuu noqdo madaxa tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Feerka. Mar la wareystay Richard wuxuu yiri, “Soomaaliya waxay leedahay ciyaartoy hibo leh, laakin waxay u baahan tahay hagitaan.” Intaas wuxuu raaciyay “inuu ku rajo weyn yahay in uu guul ka soo hooyo ciyaaraha caalamiga ah ee soo socda,” (Somali Boxing Federation – March 1, 2018).  

Inta badan ciyaartoyda Soomaaliyeed, ee ka qaybgala tartamada caalamka waxay doorbideen inay matalaan waddamada ay ka heystaan jinsiyada, sida Mo Farax iyo Bashir Cabdi oo u kala tartama dalalka Ingiriiska iyo Belgian, hase yeeshe Ramla Cali waxay go’aansatay inay ku tartanto magaca dalkeeda hooyo “SOOMAALIYA.”

Casharka wacyigelinta laga baran doono Ramla Cali, ayaa ah in ciyaartoyda Soomaaliyeed, meel kasta ay joogaan, ay ku tartamaan magaca dalkooda hooyo “Soomaaliya.”

Dr. Cali Cusman Cali

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalkaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso waa inay caddeysaa inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments