Caqabadaha Siyaasadda Dibedda

Sidaan qormadii “Siyaasad Miisaan Leh,” ku soo falaqaynay siyaasadda arrimaha dibedda awoodaha iyo xeeladaha ay ku howlgasho waxaa ka mid ah: (B) Xog iyo xuuraansiga dibedda, (T) Hagaajinta xaalada gudaha – dowlad wanaaga, iyo (J) Warbaahin kasbata maanka ummada – dibedda iyo gudaha. 

Cududa gaashaandhiga, waxay door ka qaadataa xoojinta siyaasadda arrimaha dibada. Taas oo hadba ku xiran sida wadan kasta ciidankiisa ugu gaysan karo burbur iyo dhimasho wadan kale.

Dhaqaalaha waa mid ka mid ah tiirka ugu muhiimsan ee dhowra danaha qaran dalka guduhiisa iyo dibedda. Ku tiirsanaanta kaalmada dibedda waxay dhaawacdaa ilaalinta danaha qaran uu leeyahay.

Deynta marka wadan uu maareen waayo bixinteeda, waxay la timaadaa sicir barar, taas oo u horseeda qalalaase siyaasadda gudaha. Sidaas daraadeed, kaalmada dibedda iyo amaahda la bixin waayo waqtigeeda, waxay wax u dhimaan siyaasadda arrimaha dibedda iyo ilaalinta masaalixda qaran.

Waxaa kaloo xeeladaha wadamada danahooda gudaha iyo dibedda ku ilaashadaan ka mid ah, qayb ka noqoshada urur goboleed qaarad iyo mid caalami. Waxaa kaloo intaas dheer, isbahaysiyo ku abuurma xaalado gaar ah. 

Ka mid noqoshada ururada iyo isbahaysiyada, waa habka ugu waxtarka badan wadamada awooda ciidankooda iyo dhaqaalahoodu gaarsiisneyn heer ay goonidooda wax u meel marsan karaan.

Soomaaliya waxay qayb ka tahay dhammaan ururada ugu muhiimsan ay ku ilaashan karto danaheeda qaran. Sida, Igad, Midowga Afrika, Jamacada Carabta, kan Islaamka, Qaramada Midoobay, waana tan u suurtaggelisay in ay Maxkamada ICJ u gudbiso dacwada bada ee dhan ka ah Kenya.

Isbahaysiga Geeska Africa ee u dhaxeeya Soomaaliya, Itoobiya, iyo Eretria waa iskaashi ku abuurmay xaalad gaar ah, taas oo ka dambaysay isbedelka ku yimid hogaanka Itoobiya. Ra’iisul-wasaare Aby Ahmed, oo ka soo jeeda qowmiyada ugu badan Itoobiya, isla markaasna ay tahay markii ugu horeysay taariikhda Itoobiya, hogaanka inuu qabto qof ka soo jeeda qowmiyadaas.

Xeel-dheerayaasha gobolka ayaa rumaysan in Dr. Aby Ahmed oo mudo dheer ka mid ahaa nidaamka Itoobiya, kana soo shaqeyey qaybta sirdoonka, uu aqoon durugan u leeyahay inaysan Itoobiya dan ugu jirin, khilaafka Eritrea, iyo colaad ay la galaan Soomaaliya.

Waxaa intaas dheer, in dowladda Maraykanka iyo kuwa reer Yurub ay garwaaqsadeen in Soomaaliya oo nabad ah ay dan u tahay dariskeeda iyo caalamkaba. Ra’iisul-wasaaraha Malaysia – Dr. Mahatir Mohamed ayaa yiri, “dagaal xal ma ahan! Wadahadal ayaa muhiim ah iyo inaad dowladdaha ula dhaqantid si xushmad iyo cadaalad ah.”

Isagoo ka hadlaye kulan ka dhacay Tokyo, Japan ayuu soo hadal qaaday Dr. Mahatir sida dalkiisa uu u xaliyey khilaafaadkii kala dhaxeeye wadamada deriska la ah, sida Indonesia, Thailand, Singapore iyo Philippines. 

“Waxaan xalinay dhammaan muranaddii wadamadeena dagaal la’aan, waxaan murankii inagala dhaxeyey Indonesia, Singapore, iyo Philippines u gudbinay maxkamada ICJ, kadib markii aynu wadahadal wax ku xalin weynay. Isla markaasna waynu aqbalnay go’aankii maxkamada ICJ.

Halka Thailand ku heshiinay in waxii kheyraad laga helo aaga muranka ee u dhaxeeya labadeena dal, aynu u qaybsano si siman 50/50” ayuu yiri Dr. Mahatir Mohamed ( youtube Nikkei Asian Review. May 30, 2019). 

Ugu dambeen Dr. Mahatir Mohamed waxaa uu yiri, “maanta koonfurta Aasiya waa nabad, taas waxay wax ka tartay dhaqaalaheena.”

Haddaba xeeladaha diblomaasiyada waa shax leh maraaxil, sida jaraanjarada u kala sareeya. Kuna kala haboon talaabooyinka la qaadayo iyo goorta la qaadayo. Tusaale, (B) markii aad go’aan siyaasi ah aad qaadanaysid waa inaad ogtahay waxa aad doonayso inaad xaqiijisid iyo maxsuulka (natiijada) aad heli kartid, (T) waa inaad ka fakartaa sababaha aad go’aanka u qaadanaysid, waa inaad meel iska dhigtaa aragtidaada shaqsiga ah, balse waa inaad qiimaysaa xaqiiqada dhabta ah ee ku wareegaysan mushkilada aad xalka u doonaysid, (J) go’aan ha qaadan wadahadalna ha gelin adigoo caraysan ama xanaaqsan, (www.skillsyouneed.com).

Waxaan muran ka taagnayn in dowladda Soomaaliya, ay tixgelisay dhammaan shuruudaha iyo xeeladaha looga baahan yahay u talaabo qaadista go’aanada siyaasiga ah, ee lagu ilaaliyo masaalixda qaran. Waa taas, waxa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ay dhaqan gelineyso.

Waxaa dalka ku soo qulqulaya wafuuda heerkoodu sareeyo, kuwaas oo doonaya inay xiriir dhow la yeeshaan Soomaaliya. Waxay wafuudaas dhammaantood ka siman yihiin inay xukuumada ku bogaadiyaan hanaanka ay dalka dib ugu dhisayso, sida dib-u-habeenta dhaqaalaha, ciidamada iyo la dagaalanka musuq-maasuqa.

Diblomaasi hore ayaa yiri, “siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya waxay la mid tahay shimbir duulaysa baalal la’aan, waa wax mucjiso ah,” isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “dal ku jira marxalad dib-u-soo-kabasho ah, inuu soo jiito indhaha Caalamka waa mucjiso hore leh.”

Balse, waxaa jira dhaliilo dowladda kaga imaanaya diblomaasiyiin iyo aqoonyahano , kuwaas oo saluugsan siyaasadda arrimaha dibedda, iyo jawaabta ay xukuumada ka bixinayso cadaadiska iyo culayska kaga imaanaya Kenya. 

Tallooyinkaas, waxay ku dhaleeceynayaa xukuumada inaysan joojin jaadka (khaadka) ka yimaada Kenya. Tabtaas waxay u arkaan inay dhaawaci karto dhaqaalaha Kenya, isla markaasna wax tar u ah dhaqaalaha Soomaaliya. 

Haddaba, aan isweydiino suurtaggal ma tahay arrinkaas? Haddii ay xukuumada ay joojiso jaadka ma ka dhaqan gelin kartaa dhammaan dalka? Qiimo intee la’eg ayuu dalka ugu fadhin doonaa go’aan caynkan ah?

Sida ay in badan xasuusan yihiin, dowladdii Siyaad ayaa joojisay jaadka sanadii 1987kii. Xukumaddii xilligaas jirtay waxay gacanta ku haysay dhammaan xuduudaha dalka laga soo galo – cir, dhul, iyo bad. Haddana kuma aysan guulaysan go’aankeedii, si buuxda uga dhaqan galo dalka.

Waxaa uu la yimid go’aankaas khal-khal amni. Sababtuna waxay aheed in jaadku yahay maandooriye dadka qabatima, khatar kasta ugu bareerayaan helitaankiisa. Waana sababta dalal badan ay sharci uga dhigeen isticmaalka maan-dooriyaha, kadib markii ay u caal waayeen!

Siyaasada arrimaha dibedda Soomaaliya xilligan waa mid miisaan leh, lana jaanqaadaysa awoodeeda.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.  

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka: jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.  

Advertisements

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s