Nadiifa Maxamed waxay hordhaca sheekada u digaysaa akhristayaasha inuu buuggani (Black Mamba Boy, Harper, 2010) yahay taariikh nololeedkii aabbeheed oo ay ugu jeeddo inuu ahaa kuraygii gaajo iyo dhib u gegsaday, dalmarkii ku guulaystay inuusan go’in oo maanta ka sheekaynaya intii socdaalka dheer oo ay wadaggaleen ebyi waayay.
Erayada ay adeegsatay waa sidatan: “Waxan ahay abwaankiisa guuraaga ah, kanna waa xadradiisi. Waxaan idiin soo tebinaayaa sheekadiisa oo aan doonaya inaan u rogo taariikh dhiiggiisa iyo lafihiisa iyo waxallaale wixii hoyadii ay xirsi iyo xijaab uga dhigtay kuna toshay diirkiisa hoostiisa …” Magaca halyayga waa Jaamac Guure Naaleeye (Oo hooyadii ay u bixisay Good), socdaalkiisana wuxuu ka billaabmay Cadan 1936 isagoo markaas 12 jir ah, ka dib marakay si lama filaan ah u geeriyootay hooyadii Cambaro.
Jaamac muddada uu ku sugnaa Cadan wuxuu ahaa ciyaal suuq dibjir ah lana seegseegayay saaxibbadii Cabdi iyo Shidane. Ujeeddada socdaalkiisa wuxay ahayd inuu baadiggoobo aabbihii oo mar hore dhoofay laguna sheegay dalka Suudaan. Jaamac aabbihii ma xusuusto waxa uu ka yaqaanna waa waxyaabo uu dad ka maqlay oo uu ku kabay malawaal, balse wuxuu go’aan adag ku gaaray inuu aabbihii dib u soo celiyo.
Cadan waxaa xigtay Harageysa ka dibna wuxuu u tallaabay Jabuuti, Eritrea, iyo Masar. Falastiin ka dibna wuxuu ka dhacay dalalka Fransiiska, Jarmalka iyo Wales (Biritin). Ugu dambaystii waxaa ka dhicisoobay safarkii ugu fogaa oo uu Kanada ku tagi laha. Ujeeddada Jaamac aabbe baadiiggoob kuma ekayn waxaa kaloo weheliyay inuu meel iska soo saaro oo u noloshiisa iyo tan qoyskiisaba wanaajiyo. Gaar ahaan marka isagoo maraaya Eritrea uu ogaaday inuusan aabbe arki karin waxaa isasoo tartay inuu wax tacbado. Jaamac wuxuu jeclaaday inan reer Gerset ah (Eritrea): Bethlehem. Waqtigaa uu guursaday Betlehem wixii ka dambeeyay hammigiisa wuxuu noqday inuu reerkiisi dhaqdo. Sidaasuu askar talyaani u qortay. Ka dibna wuxuu go’aansanayaa inuu tacabbiro.
Sheekda buugga waa mid ku salaysan taariikhda waqtiga dhacdooyinka sheekada oo ah dagaalweynihii addunka ee 2aad gaar ahaan dagaalkii talyaaniga uu ku qaaday dalka Xabashida.
Nadiifa Maxamed waa suugaanley taariikhyahan (Eeg taariikh nololeedkeeda) ah labadeeda buugba waa sheekooyin ku salaysan taariikh. Gaar ahaan buuggan taariikhda iyo sheekada way isbarbar socdaan marna way legdemaayaan. Socdaalka Jaamac waxaa ka amartaagleeya xawliga iyo dhacdooyinka dagaalka. Mararka qaarkood Nadiifa waxa la soo bexaysa miciyeheeda taariikhyahan gaar ahaan marka ay ka hadlayso taliskii Mussolini ee fashiistaha iyo asluubtuu ku dhaqmi jiray. Ruuxii ka warqaba gumaysigii talyaaniga ee Koonfurta Soomaaliya iyo teenkii aagga webiyada wuu dareemayaa inay sharraxaadda Nadiifa xaqiiqdii tahay warkeedana uu sugan yahay. Buuggeeda 2aad oo horey aan uga faalloonnay qudhiisa waa sheeko taariikh ku salaysan: taariikhda burburintii Waqooyi.
Nadiifa waa qoraa aysan ka dhumaynin halka diiradda sheekada qabanayso oo ay kusoo tebinayso tiraabteeda xarragada leh; haddana inkastoy Af-ingiriis adeegsanayso misna waxay xambaarsan tahay dhadhan suugaan iyo dhaqan Soomaaliyed. Safarka Jaamac waa masiiba masiiba ku gaar, waa murug iyo macaluul misna si kastoo Jaamac u kufo haddana wuu soo kacayaa, taasoo sheekada siinaysa nolol iyo rajo. Sheekadu kama maqna xubno aad moodayso inay cashar yihiin sida gumaysiga faransiiska eelka u reebay Jabuuti, tayada gumeysiga Talyaaniga ama beesha Yibir iwm.
Waxaad mooddaa in sheekada Jaamac ay ifafaalaynayso masiibada Soomaalida manta ku habsatay. Jaamac ugu dambayntii wuxuu gabayaa inuu dalkiisi ku noqdo, aabbihii soo celiyo, qoyskiisana isu keeni iskaba daa xoolo uu tacbado. Waa midda manta haysata qaxootyiga Soomaalida addunwaynaha daadsan. Haseyeeshe, ka dib markuu ogaado in Bethlehem ay wiil dhashay wuxuu ka bayraayaa waddaddii aabbihii maray, wuxuuna ballan ku qaadayaa in ubadkiisa uusan korin aabbe la’aan.
Inkastoo buuggani yahay keedi ugu horreeyay Nadiifa Maxamed qoraa ahaan waxay durbadiiba garab istaagtay qorayaayaasha gaamuray ee Afrika oo magacooda dheeraaday sida Chimamaanda Ngozi Adichie, Nuruddiin Faarax iwm.
Axmed Qaasim Cali