Habka Federalism-ka, waxaa dunida ku dhaqma dawladdo kala duwan oo ay ka mid yihiin USA, Germany, Switzerland, Russian Federation, United Arab Emirate, Nijeriya, Sud-Afrika, Ethiopia, Sudan, Somalia iyo kuwo kale.
Dawladaha Afrika ee qaatay habka Federaalka dasturka ay ku maamulaan dalalkooda si buuxda weli dhinac walba ugama dhameystirna.
Arrintaas, waxa sabab u ah siyaasiyinta iyo hogganiyeyaasha dalalkaas, oo aaminsan habka Federalosimku inuu yareynayo si buuxda gacan ugu hayaanta awoodda maamulka dalka. Fikradaas waa mid ay isku kalsooni darro ku jirto ama salka ku hayso kalitalisnimo.
Soomaliya waxey qaadatay nidaamka Federaalka iyadoo weli Ku-Meel Gaar ah, 1dii Agoosto 2012kii. Sidaas darteed, dastuurka dalka waa mid ku meel gaar ah, isla markina aan si buuxda oo sax loo diyaarinin.
Maqaalku wuxuu soo bandhigayaa qodobada dastuurka ee sida gaarka ah ugu saabsan awoodda dawlad-goboleedyada.
Qodobka 48aad, wuxu ka hadlaa qaab dhismeedka Dawladda Jamhuuriyada Somaliya inuu ka kooban yahay laba qaybood oo kala ah: Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyo.
Qodobka 49aad, 1aadwuxuu sheegaya tirada xuduudaha u dhaxeeya dawladaha xubnaha ka ah federalka, in uu go’aaminayo Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka. Qodobka intiisa kale wuxuu si aad u faahsan uga hadalayaa xuduudaha iyo wixii la xiriira.
Qodobka 50aad: wuxuu ka hadlayaa mabda’a Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna leeyahay:
- qayb kasta ee dawladda ka mid ah waa in ay haysto kalsoonida iyo tageerada shacabka;
- Awood wuxu Distuurka siinaya xubnaha dawladda ee si buuxda u hirgelin kara;
- Jiritaanka iyo xafididda xiriirka ka dhaxeeya Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Dawladda Federaalka waa in uu yahay mid ku dhisan firfircooni iyo midnimada Qaranka;
- Qayb kasta oo ka mid Jamhuuriyadda Federalka Somaaliya waa in ay ka heshaa adeeg iyo taageero isla mid ah Dawlaadda Federaalka;
- Hantida dalka waa in si cadaalad ah loo qaybiyo;
- Mas’uuliyada uruurinta dakhliga waa in loo dhiibaa heerka maamulka dawladeed ee si aad u wanagasan u hirgrlin karta xilkaas;
- wixii is-afgarawaa ah waa in lagu dhammeeyo is-afgarad iyo heshiis.
Qodobka 51aad: Xiriirka wada shaqeynta qaybaha kala duwan ee Dawladda Federaalka Jamhuuriyada Somaaliya:
- Dawlad kasta waa inay ku dadaasha xiriir fiican in ay la yeelato dawladaha kale, ha ahaato mid ay isku heer yihiin ama heer kale oo dawladda ka mid ah;
- Dawlad
kasta waa in ay ixtiramtaa ilaalisaana heerka awoodaheed ama mid heer kale ee
dawladaha kale waana:
- Waa in uu ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo dhab ah, qaybaha kale ee dawladda, si loo hormariyo midnimada wadaniyiinta; Xarafaha: b), c), wada shaqeynta.
- Waxuu ka hadlayaa wada shaqeyn: ka shaqeyn horumar, adkeynta midnimada qaranka, iyo wixii la mid ah.
- Wuxuu leeyahay heer kasta ee dawladeed waa in ay u hoggansama Dastuurka Qaranka, iyadoo dawlad walba ay isa siineynin awood ka badan tan uu Dastuurka u oggolyahay.
- Sharcigii Barlamaanka Federaalka uu soo saaro waa in uu nidaamiya: a) Dhismaha Hayado iyo nidaam shaqo oo fudeynaya wada shaqeynta qaybaha kala duwan ee dawladda iyo b)-Diyaarinta awaamir fududeynaya xallinta wixii is-afgarawaa ah ee dhaxmara qaybaha dawladda inta aan la gaarin Maxkamad.
Qodobka 52aad: Waxey ka hadleysa xiriirka qaybaha kala duwan ee xubnaha ka ah dawladda Federaalka:
- Dawladda Federaalka iyo dawladaha xubinta ka ah, waa in ay yeeshaan shirar joogto ah oo ay ka qayb galaan Madaxweyne-yasha, xubnaha ka dawladda Federaalka iyo saraakiisha sar-sare si looga wada hadlo wixii arrimo ah ee saameeya degaanadooda sida: Biyaha, Beeraha Xoolaha, Caafimaadka,Waxbarasha, Dhalinyarada iyo soo raaco.
- Xubnaha Dawladaha Federaalka ka midka ah dhaxdooda waxay yeelan karaan heshiisyo ama waa la yeelan karaan dawladda Federaalka haddii u ka horimaneyn Dastuurka Qaranka ama dastuurada dawladaha xubnaha ka ah Federaalka haddi uusan aheyn sharciyan awood laheyn.
Qodobka 53aad: Wada xajooyada lala yeelanayo dawlado caalamiga ah.
- Wixii wada hadallo ah ee dhaxmara Dawladda Federaalka iyo Dawladdo shisheeye ah; dawladda Federaalka waa in ay kala tashata dawladaha xubinta ka ah Federaalka wixii ku saabsan waxa sameynaaya kaalmo dibadeed, ganacsi, heshiisyo ama wixii kale oo heshiisyo waaweyn oo caalami ah ku saabsan.
- Haddii wada xaajodka si gaar ah ugu saabsan yahay danaha xubin ka mid ah Federaalka, wafdiga dawladda Federaalka waa in ay la socdaan wakiillo ka socda dawlado Goboleedyada
- Haddii wadahadalada ay yihiin kuwo si gaar ah u saameyna, dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka, dawladda Dhaxe ee Federaalka waa in ay wafdiga ku darta wakiilo ka socdo dawlad Goboleedyada, xubinaha ka ah dawladda Federaalka..
- Inta
ay ku jirto hogaaminta wada xaajoodka Dawladda Federaalka
- waa inay isu aragtaa inay ilalineyso danaha xubinta ka tirsan Federaalka waana in ay sidaas u dhaqanto.
Qodobka 54aad, Qaybinta awoodaha.
Qaybinta awoodaha iyo hantida waa inay ka heshiiyaan Dawladda Federaalka iyo dawladaha xubinta ka ah Federaalka; marka laga reebo:
- Arrimaha Siyaasadda Dibedda;
- Difaaca Qaranka;
- Jinsiyadda (Citizenship) iyo maamula socdaalka (Immigration);
- Siyaasadda maamulka Lacagta oo ay tahay awoodda iyo mas’uuliyadda Dawladda Federaalka.
Federalism and Decentralization in Sub-Saharan Africa
Khuburo reer galbeed ah ayaa sameeyey daraasad cilmiyeed ku saabsan habka Federalisim-ka oo ah mid awoodda maamulka dalka u qaybinaayo Dawladda Dhexe iyo Maamul-Goboleedyada. Daraasadahu waxa isu uruuriyay Jan Erk,oo ka tirsan Jaamacadda Leiden ee dalka Netherland. Aqooyahankaas wuxuu qoraalka diyaariyay isago “Visiting Professor” ka ah Jaamacadda South African Research Chair in Multilevel Government.
Khabiirada reer galbeedka ah ee daraasad ka sameyeen “Federaalism iyo Decentralizaton “dalalka Afrika, sida ay qoreen Shbbir Cheema iyo Denis Rondinelli (2007), hay’adaha ah: IMF, World Bank iyo kuwo kale oo caalami ah ee horumarineed ayaa lahaa talada in dalalka Afrika ay qataan habka ah “Decentalization”–ka si ay qayb ugu noqoto dib-u- habeynta dhaqaalaha “Structural adjusments.” Tasoo ay ku sheegeen in loo baahan yahay si dib loogu soo celiyo dhaqdhaqaaqa suuqa, abuuridda ama xoojinta demoqaradiyada iyo horumarinta maamul wanaagsan iyo wixii la mid ah.
Bankiga Addunka iyo IMF, waxey siyeen Afrika lacag amaah ah waxa kale oo ay gacan ka geysteen, sida ku qoran daraasadda dhinaca aqoonta ku saabsan dib-u-furfuridda (decentralization) oo ay garsiyeen Afrika oo dhan. Hay’adaha gacanta ka geysiga, sida ku qoraan (buugga Lewis),intii u dhaxeysay 1990ki iyo 2007di Bankiga Addunka wuxuu ku bixiyay lacag dhan 7.4 billion dollar barnaamijka “decentralization” ee dalalka soo koraayo oo dhan.
Dawladda Federalka Soomaaliya.
Dhulka Soomaaliyeed gees ka gees Bari iyo Galbeed, Koofur iyo Woqooyi dadka dega waa dad Soomaali ah, oo isku diin ah, isku luqad ah, isku dhaqan ah, oo ku abtirsada odoyaal soomaliyeed oo magacyo kala duwan leh waxeyna boqolkiiba boqol aaminsan inay yihiin dad u dhashay iskana leh cariiga soomaliyeed.
Dalka Soomaliya laga soo bilaabo 1dii Jenaayo 1960 ilaa biloowi 1991 waxuu ku dhaqmeysay nidaamka ay awoodda dalka oo dhan ay gacanta ugu jirto Dawladda Dhexe. Dalku wuxuu lahaa hal Madaxweyne, hal xukumad (Central Government) iyo hal Barlamaan. Degaanka dalkuna wuxu u qaybsanaa 18 Gobol, inta ay Jabhado xukunka ka ridin dawladii cidamada ee kali Taliyahii M.S.Bare.
Dagaalo qabiili ah iyo Jahawareer siyasadeed oo socday muddo 10 sano ka badan kadib, waxa suuragal noqotay in bishii May 2000 in Carte (Jibuti) lagu dhisay Dawlad Federaal ah, oo ku meel-gaar ah, Gole Shacab oo ka kooban 275 xildhibaan, oo qabaa’ilka Somaaliyeed loogu qaybiyay sida soo socota: 4 qabiil oo min 61 xildhibaan helay iyo mid 31 xildhibaan. Dawladda Federaalka Soomaliya waxay ugu dambeyntii caalamka u aqoonsaday dawlad rasmi ah, 20kii Agoosto 2012ki
Hab-dhaqanka Dawlad-Goboleedyada dalka
Sida la wada ogsoon yahay addunka waxa ka jira dawlado waweyn oo qaatay habka Federalism-ka sida: India, oo shacabkeed dhan yahay 1.25 bilyan iyo USA oo shacabkeed uu gaarayo 320 milyan. Tusaale ahaan haddii loo soo qaato dalka USA dhulka degaankiisa wuxuu u qaybsan yahay 50 Dawlad Goboleed oo leh ismaamul buuxa oo degaanadooda ah. Wixii intaas dhaafsiisann waxeya hoos tagaan dowladda Dhexe ee dalka.
Dadka Soomaliyeed oo dadkiisa, qiyaas ahaan, lagu sheego inta u dhaxeysa 12 ilaa 13 miliyan, oo ismaamulka Gobolladiisa Federaalka ka tirsan ay yihiin 5 dawlad-gobol oo keli ah, waxa nasiib darro ah dawlad goboleedyada in ay, si joogto ah u muujiyaan, ama ugu gacan seyraan awaamiirta Dawladda Dhexe ee Dalka.
Waxa dhacda Dawlad Goboleedyada inay si joogto ah Idaacadaha dalka iyo kuwa dibedaba u sheegaan inay u hoggan sameyn go’annada Dawladda Dhexe ee dalka ama ay xiriirka ka gosteen. Ereyadaas oo u dhigma ma aqonsanin Dawladda Dhexe ee dalka.
Tilaabooyinka ay qadaan Dawlad-goboleedyada waxa ka mid ah inay si toos ah xiriir ula yeeshaan dawladdo shisheeye, iyagoo doonaaya inay la galaan heshiis siyasadeed iyo kuwo dhaqaale oo toos ah, tilaabadaas oo Dastuurka dalka u baneynin.
Sababta ha ahaato aqoon darro ku saabsan habka xiriirrada caalamiga ah ee dawladaha, ama dhibaatada ka taagan Gobollada ay maamulaan. Xaaladda haddi ay sidaas ku sii socoto, waxa meesha ka soo baxaya sawir ah dawlad-Goboleedyadu in ay jirin wax kala dambeyn ama ixtiraam ah oo ay u hayso Dawladda Dhaxe ee dalka.
Tilaabooyinka noocaas ah oo mid ama labo aheyn, waa loo fasiran kara inay Dawlad-Goboleedyadu donayaan inay dawladda Dhexe dalka ka go’aan oo ay noqdaan dawlado yar-yar oo madax banaan.
Ugu dambeyn waxa mudan in laga hadlo jiri taanka dad siyaasiyiin sheganaaya oo ay, xisaabta ugu jirin dhibaatada Amni iyo dhaqaale ee dalka ka jirto. Dhibatooyinkaas oo dalka ka jiray ka hor waqtigii Jibuuti lagu soo dhisay dawladahii ku-Meel Gaarka ahaa ee dalka. Sababta aan xaladdaas wax looga qaban la’yahay waxey tahay dadka oo aan si daacad ah arrintaas uga mideysneyn.
Mucaaradka waa la socdaan dawladahii dalka soo maray 18dii sano ee la soo dhaafay, in ay hawlaha dalka ku wadeen kaalmo dhaqaale oo dhinaca Qaramada Midoobay iyo dawlado saaxib la ah Soomaaliya. Qof kasta oo muwaadim ah waa ogsoon yahay inay jirin wax daqli canshuur ah, haba yaratee oo dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada dadka laga qaadi jiray Xukumadda hadda dalka ka jirta ka hor.
Siyaasiyiinta waxa wanaagsan in yihiin dad ay daacad ka tahay in ay dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan, isla markiina ogsoon haddii ay u suuragasho doorashoyinka soo socda inay ku guuleystaan xaaladda, uu hadda dalka ku sugan yahay ay muddo gaaban wax iskaga beddeli karin. Sidaas darteedna loo baahan yahay qorshe iyo maalgelin waqti dheer oo tobanaan sano iyo wax ka badan garaya, si isku filaansho dhaqaale in la dejiyo natiijana laga gaaro.
Waxa kale ee loo baahan dadka Somaaliyeed in la baro inay shaqaystaan, si ay uga baxaan gacan horsiga. Sidoo kale dadka in la baro faa’idooyinka nabad ku wada noolasha bulshada magaalooyinka ee deris wanaaga, ka qayb qadashada xasiloonida guud ee amniga dalka, caafimaadka, dhaqaalaha, waxbarashada, dhismaha wadooyinka; isla markiina laga hortago kuwa horumarka dalka wax u dhimaayo oo ka shaqeynaaya dantooda gaar ah, sida dalka ugu sameeysan lahayeen hanti aan loo dhididin.
Maxamed Xuseen Amin
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka: jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso fadlan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.