Damaashaadka Olympiyadda (Olympic) ee aftii sanadoodba mar la qabto, ayaa inta badan waxaa lala xiriiriyaa midnimada, sharfta, cayaaraha fudud, iyo nabada adduunka. Hase yeeshee, taariikhda tartamada la qabanaayey waxaa sidoo kale dhacyay arrimo muhiim ah oo siyaasadeed, dhaqan, dhaqaale-bulsho iyo kuwoo fadeexadood amase taariikh madow.
- Cayaartoy haween ah kuma jirin ciyaarihii ugu horeyay ee tartamadii “Olympiyada Carsiga ah” oo la qabtay 1896kii. Tartankii 1900kii oo lagu qabtay Paris ayaa ahaa midkii ugu horeyay ee haween ka soo qaybgalaan, ayadoo wadarta ciyaartoyda ay ahayd 997, waxaa haween ka ahaa 22 keliya oo weli loo ogolaa cayaaro xadidan. Cayaaraha haweenka ku tartamaan kuma jirin orodada “marathon” ilaa iyo cayaarihii Los Aneles ee 1984kii. Maanta, cayaar kasta oo cusub oo lagu biirinayo barnaamijka Olympiyadda waa inay leedahay tartamayaal haween ah;
- Tartanka Olympigadda ee la qaban lahaa 1916kii, waxuu u baaqday dagaalkii koowaad ee dunida awgii;
- Guddiga Olimpigadda Caalamka ayaa waxa ay go’aamiyeen in tartanka Olimpigadda lagu qabto Dalka Jarmalka sanadku markii uu ahaa 1936kii, waxaana dalkaasi waagaas madax ka ahaa keligii taliyahii ADOLFO HITLER. Waxaa dhacday in ciyaaryahan ka socday qowmiyadda Madaw ee dalka Mareykanka oo magaciisa la yiraahdo JESSE OWNES uu ku guuleystay afar biladood oo dahab ah. Laakiin waxa dhacday arrin aan weli xusuusta caalamka ka go’in oo aheyd in HITLER uu diiday in uu salaamo Ciyaaryahan OWNES taa oo ku reebtay taarikh Olimpigadda bar-madow;
- Sanadakii 1940-1944 tartamadii Olympigadda lama qabanin dagaaladii labaad ee ka dhacay dunidda awgeed;
- Sanadkii 1948kii, tartanka Olimpigadda Addunka waxa lagu qabtay magaalo madaxdiisa dalka Ingriiska ee LONDON. Waxaa tartankaasi laga joojiyey in ay ka qeyb galaan dawladaha Jarmalka iyo Jabaan oo lagu eedeeyey in ay ahaayeen qabqablayaal dagaal ayna si buuxda uga qeyb galeen dagaalkii labaad ee dunida. Daldka Ruushka waa la casumay kamana qeyb galin, iyadoo aan la ogeyn sabata kaliftay arrintaas;
- Tartankii Olimpiga waxa sanadkii 1960kii lagu qabtaya magaaladda ROMA ee dalka Talyaaniga. Tartankaas waxaa lagu xusuustaa Marxuum Maxamed Cali Klay oo 18 jir ahaa kuna guuleystay Biladda Dahabka ah ee feerka. Maxamed Cali wuxuu si xarago leh uga guuleystay Zbigniew Pietrzykowski oo u dhashay Poland, 3 goorna horyaalka Feerka ee yurub ku guuleystay. Laakiin Marxuum Maxamed Cali Klay waxa uu biladii dahabka aheyd uu ku tuuray Wabiga mara Gobolka OHIO, ka dib markii loo diiday isaga iyo saaxiibkii in ay ka cunteyaan maqaayad halka ku taal, sababtana ay aheyd in ay ahaayeen jinsi madow. Maqaayadda waxay gaar u aheyd dadka Cadaanka ah. Biladii uu wabiga ku tuuray waxa dib loo gudoonsiiyey sanadkii 1996kii, tartankii olympiga ee Magaaladda Atlanta lagu qabtay;
- Sanadkii 1964kii waxa Olimpigadda lagu qabatay dalka Jaban magaaladda Tokiyo, waxaana lagu xusuustaa in Dawladda Koonfur Afriga laga mamnuucay ka qeyb galka ciyaaraha Olympigadda, iyadoo lagu eedeeyay dhaqankooda ku saleysan midab takoorka;
- Sanadkii 1968kii waxa tartanka Olympigadda lagu qabtay dala Mexico, waxaana ka dhacay arrin gilgishay cayaaraha Olimpigadda iyo dalka Mareykanka ka dib markii Labada Ciyaartoy oo kala ahaa TOMMY SMITH IYO JOHN CARLOS oo ku tartamaayey 200mt ay kala galeen Kaalinta Koowaad iyo tan Sedexaad. Markii ay imaadeen halkii loogu talo galay in lagu gudoonsiiyo abaalmarintii ayay halkaa ku soo bandhigeen calaamadda ay kaga horjeedaan sida loola dhaqmo qawmiyadda madawo ee Mareykanka, iyago kor u taagay gacmahooda oo ay ku jiraan gacan gashi madaw taa oo ka yaabisay madaxdii Olimpigada, waxayna ku muteysteen in xeraddi Olimpigadda laga saaro;
- Sanadkii 1972kii waxa tartanka Olimpigadda lagu qabtay Dalka Jarmalka, waxaana halkaa ka dhacay gumaad loo geystay 11 Ciyaartoy oo ka socotay dalka Israaiil. Falkaas waxaa ka dambeeyey ururkii Black Setember ee reer Falastiin, waa dhacdo kale oo madow oo aan ka go’eynin taarikhda Olympigadda;
- Sanadkii 1976kii, waxa Olimpigadda lagu qabtay dalka Canada magaaladda MONTREAL, waxaana ciyaarahaas qaadacay ilaa 22 dawladood oo ay ku jirto Soomaaliya ka dib markii ay Guddiga Olimpigadda Caalamka ay diideen in ay ka joojiyaan ka qeyb galka ciyaarha dawladda NEW_ZELAND oo lagu eedeeyey in ay ciyaarta RUGBY la ciyaareen Dalka Konfur Africa oo looga soo horjeeday midab takoorka;
- Sanadkii 1980kii, waxa tartanka Olimpigadda lagu qabtay dalka Ruushka, waxaana tartankaasi si cad u qaadacay dawladihii Hantigoosadka. Qaadacaadaas waxaa ku dhawaaqay Madaxweynihi JIMMY CARTER ka dib markii uu Ruushka ku eedeeyey duulaankii ay ku qaadeen Afganistaan;
- Sanadkii 1984tii waxa ciyaaraha Olimpigadda lagu qabtay dalak Mareykanka magaaladda Los Angles, waxaana ciyaarahaas qaadacay daladihii Hantiwadaaga ah oo uu hogaaminaayey dalka Ruushka, iyago kaaga aar gudanaayay qaadacaadii hore ee dawladaha Hantigoosadka ah ay ku kaceen tartankii kal hore ee lagu qabtay Rushka.
Cali Cusman Cali
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalkaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso waa inay caddeysaa inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.