Tan iyo intii la dhisay maamulka Gal-Mudug, gobolku wuxuu ku sugnaa khilaaf iyo muran ka dhaxeeya gudaheeda, iyo mid kala dhexeeya dowlada dhexe. Taas waxay curyaamisay dhismihii hay’adahaha dowliga ah iyo adeegii loo qaban lahaa bulshada ku nool gobolkaas.
Galmudug waa maamul-goboleedkii ugu horeeye oo xil ka qaadis ku sameeyay madaxweyne goboleed [Cabdikariim Guuled] aan waqtigiisii dhammaysan. Weliba, waa maamul-goboleedkii 4tii sano oo uu jiray ku dhammaystay khilaaf dhexdiisa ah.
Dhanka kale, gobolku wuxuu tusaale u yahay dhismaha Soomaalida cusub. Bulshada degta gobolka waxaa dhaqan u ahayd, in khilaafaadka dhexdooda ah ay sababaan dagaalo iyo aanooyin qabiil.
Maanta taas ma muuqto, waayo mid walba wuxuu dacalka haystaa qodob dastuur amase xeer hoosaad ka mid ah! Inkastoo, ay mararka qaarkood damaca shaqsiga uu indho tirayay madaxda.
Haddaba, aan isweydiino khilaafka Gal-Mudug maxuu salka ku hayaa?
Khilaafka Gal-Mudug waxuu salka ku hayaa dhowr arrimood, walow ay ugu weyn yihiin labo arrimood: (B) Fasiraada heshiiskii Jabuuti iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa; iyo (T) Doorka Dowladda Federalka (Wasaarada Arrimah Gudaha) ku yeelanayso maamul-goboleedyada.
Mudane Axmed Ducaale Geelle – Xaaf ayaa yiri ” Gal-Mudug ma ahan maxmiyad hoos tagta federalka, waa dowlad-goboleed xur ah oo madaxbanaan!”
Hanaanka federalka oo ku cusub dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaasna aqoon badan aan loo lahayn habka hoos u daadajinta awoodaha maamulka, ayaa waxuu sababay in khilaafka uu gaaro, in madaxda maamul-goboleedyada u dhaqmaan sidii dowladdo ka madaxbanaan Dowladda Federalka Soomaaliya.
Haddaba, waa maxay doorka dowladda dhexe si dadka Gal-Mudug dega u helaan maamul bixiya adeega ay u baahan yihiin?
Dad badan ayaa rumaysan in dowladda dhexe, markii ay ku adkaatay inay ku qanciyaan muddane Axmed Ducaale Geelle – Xaaf in doorasho la aado July 4, 2019 ay u leexatay inay la furto wadahadal kooxda Ahlu-Suna oo gaashaanbuur la ahaa Xaaf.
Balse dadka siyaasada Soomaaliya u dhuunduleela waxay ku talinayaan labo arrimood inaysan dowladda ka ilduufin: (1) Sidii ciidamada Ahlu Suna loo qaramayn lahaa, iyo (2) Inaan hanaanka qaybsiga kuraasta xildhibaanada gobolka lagu salayn firqo diimeed, si aan sadbursi loo siinin koox gaar ah!
Ogolaanshaha uu Xaaf ogolaaday in waqtigii ka dhammaaday, isla markaasna doorasho la’aado July 4teeda, waxay wiiqaysaa awoodii gorgortanka Ahlu Suna. Taas oo fursad u ah dowladda dhexe.
Haatan dhinacyada oo dhan waxay isku waafaqsan yihiin in doorasho la qabto July 4teeda, waxaase ku kala aragti duwan yihiin goobta lagu qabanayo. Balse dastuurka Gal-Mudug waxuu qabaa in doorashada ka dhacdo caasimada maamulka, haddii aysan jirin daruufo hor istaagi kara!
Muddane Axmed Ducaale Geelle – Xaaf xaalkiisa waxuu u eg yahay “markii tabar aan haye talo ma’heyn, haatan oo talo hayana tabar ma hayo.” Arrimaha ka dhacaya Gal-Mudug waxay cashar u yihiin, madaxda maamul-goboleedyada u dhaqma sidii ayagoo ka sareeya dastuurka iyo xeerarka dalka.
Saciid Cabdisalaam
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.
[…] tan iyo intii la dhisay gobolka, maamulka Galmudug uu ku sugnaa muran iyo khilaaf curyaamiyay adeeggii loo qaban lahaa bulshada, haddana doorashada guddoonka baarlamaanka iyo […]