Tan iyo markii uu Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug ee Soomaaliya Axmed Ducaale Geelle – Xaaf iyo kooxda Ahlu-Suna ay ogolaadeen in la wada aado doorashada gobolka, waxaa soo baxayey su’aalo la xiriira sidee xaalku noqon doonaa.
Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre iyo dowladdiisa waxaa luqunta ugu jira, hal xiraale aan sahlaneen. Taas ayaa keentay inuu guluf xog raadin ah ku maro gobolka barkiis, si uu uga feeg-jinaado qaadashada talooyinka madaxda iskhalaafsan iyo xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, kuwaas oo aragti midaysan ka lahayn dhismaha iyo aayaha Galmudug.
Dhanka kale, weli waxaa jawaabo waafi ah loo la’yahay hubka xad-dhaaf ah ee gacanta shacabka ku jira, caruurta la jabhadeynayo, jahliga bahsan, iyo dhaqan gelinta heshiiskii Jabuuti, iyadoo aan la didin Ahlu-Suna, inta kalena aysan saluugin isku dheeli tirka wax qaybsiga.
Taas micnaheedu wuxuu yahay, in Ahlu-Suna ka tanaasusho qabkeedii, kuna tartanto habka wax qaybsiga 4.5 ee dalka ka hirgalay.
Waxaa muuqda in gobolka aan laga diidaneyn dowladnimada, iyo hoggaanka Farmaajo-Khayre toona, kol haddii Xeraale iyo Ahlu-suna ay wareejiyeen ciidamadoodii, dalkana u horseedeen “hub dhigis” nabad ah.
Intaas waxaa dheer, in Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo reer Dhuusamareeb kala qayb galayay dabaaldeggii 26ka Juun uu carabka ku dhuftay in, asaga iyo saaxibkii Xaaf, aysan dib dambe u tartami doonin.
Caddaado oo kula baratamaysay Dhuusamareeb awooda maamul-goboleedka iyo rugta doorashada, ayay u muuqata inaysan candhuufteedii dib u laqin (aysan tanasulin).
Haddaba, su’aashu waxay tahay, dowladda ma dayici doontaa fursada dib u heshiisinta, mise way ka faa’iideysan doontaa boog-dhayidda?
Khabiiradda siyaasad gobolka waxay aaminsan yihiin, in dowladda si taxadar leh u dhagaysato dhawaaqa shacabka, si loo helo Galmudug la wada lee yahay.

Inkastoo, isku waafaqsanaanta go’aanka doorashada ee xooggagii iska soo horjeeday (Xaaf, Ahlu Suna iyo Kooxda Cadaado), si lixaad leh looga soo dhaweeyay degaanka, haddana waxaa muuqata in jawiga doorashadda gobolku uusan hore ugu sii diyaar gorobin tartan kadis ah.
Tan iyo markii la unkamay Maamul-Goboleedka Galmudug, hoggaanka waxa iskaga daba maray madax ka soo jeedda gobolka Mudug. Maanta, ifafaaluhu wuxuu u eg-yahay in hogganka uu u wareegi doono degaanka intiisa kale.
Ma qarsoona, in dowladda dhexe ay Hobyo la damacsan tahay inay noqoto caasimadda dhaqaalaha gobolka. Magaaladu waxay ka mid tahay dekeddaha ugu taariikhda dheer dalka, waxayna ku taal bar shirkadaha shidaalka iyo ganacsatada caalamka ay si gaar ah u daneynayaan.
Sida muuqata, Ra’iisul-wasaare Khayre wuxuu gobolka tegay isagoo faraqa ku sita ballanqaadyadii maalgelinta dekedda, wadooyinka isku xiraya gobolka, iwm. Balse, ka hawl galkaas wuxuu ku xiran yahay had sida reer Mudug ula gartaan aayaha Galmudug.
Jawiga siyaasadda gobolka kama marna olole doorasho, inkastoo Maamul-Goboleedka Galmudug uusan soo bandhigin sharuudihii musharaxnimada hoggaanka ugu sareya gobolka.
Ilaa hadda waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay u taagan yihiin musharaxnimada madaxtooyada Galmudug: Dr. Cabdiraxmaan Aadan Sabriye (Toronto – Canada) iyo Avv. Cabdullahi Farax Qaaray (Birmingham – UK).
Waxaa laysla dhex marayaa, inay ku soo biiri doonaa kuwo kale oo ay ka mid yihiin: Axmed Cabdi Kaariye – Qor-qor, Cabdullahi Farax Wehliye, Maxamed Aadan Tiicey iyo Maxamed Cumar Jamac – Dhigac-dhigac.
Inkastoo musharaxiintaan, ay u badan yihiin siyaasiyiin aan ku cusbeen masrax siyaasadda, haddana waxaa ka dhex muuqda kuwo malaha isbedel doon ah.
Shaki ku jirin, in dowladda dhexe ay cashir ka qaadatay fadeexadii Baydhabo, iskuna dayayso in ay dhirindhiriso iswaafaqsanaantii Garowe, walow, cid kasta aysan maqsuud ka noqo doonin tabta xal-doonka ah.
Jawiga siyaasadda Galmudug wuxuu kaga duwan yahay kan Koofur-Galbeed amase Puntland, maqnaasha hoggaamiye dadweynaha ku mideysan yihiin, iyo ku kala dambeyn la’aanta qabaa’ilka awoodaha siyaasadda.
Tifaftira Jamhuriyadda
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.
[…] ergadu si habboon ay u soo gunaanadday shirkii oo aan isdiidma lahayn, haddana dib u dhisidda maamul sal adag leh ee Maamul-Goboleedka Galmudug ma shiddo yara (Jamhuriyadda […]