Wednesday, December 6, 2023
Home Gudaha Warysi: Cadde Gabow oo Saluugsan Dowladda Dhexe iyo Tan Gobolkaba

Warysi: Cadde Gabow oo Saluugsan Dowladda Dhexe iyo Tan Gobolkaba

Wargeyska Jamhuriyadda wuxuu fursad u helay inuu wareysi gaar ah la yeesho Muddane Cadde Gabow, oo intii u dhexeysay 2005 ilaa 2007 ahaa guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqa magaaladda Muqdishu.

Muddane Cadde wuxuu ku soo dhaawacmay musiibadii qaraxa Hoteel Makka ee bilowgii 2019ka, wuxuuna haatan caafimaad u joogaa dalka Maraykanka.

Wareysiga wuxuu ku bilowda sida tan:

Jamhuriyadda – Waxaanu maqalnay inaad joogtay Hotel Makka markii masiiba ku dhacday, bal war naga sii sidee xaaladaadu tahay guud ahaan?

Muddane Cadde – Qaraxu ma ahayn wax yar, Eebese waa iga badbaadiyay. Waxaan u soo baxay si aan kaga hortago saaxibkey oo isoo wacan. Intaan jidka ku jiray ayuu dhaca. Al-hamdulilaah, muruqa garabka midigta ayaa wax iga gaareen, waxaase helay gargaar wanaagsan iyo dhaqaatir aqoon leh.

Jamhuriyadda – Tan iyo ismaandhaafkii diblomaasiyadda Kenya (bartamihii February 2019), waxaa magaaladda lala beegsaday wax ka badan 100 qarax, miyaysan taas niyad jib ku rideen dadweynaha deggan caasimadda?

Muddane Cadde – Dadweynaha gobolka banaadir waa dad Eebe ku maneystay sabar iyo adkeysi. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, intase nool waxay ku jiraan dadaal, ileen cidna reerkooda uma masruufeysee. Dadka waa ka gudbeen absiin.

Jamhuriyadda – Idaacadaha waxaa laga maqlaa in Guddiga Amniga Qaranka ay adkeynta sugidda amniga caasimadda u xilsaareen gobolka Banaadir iyo ciidanka Boliiska, miyaysan taas wax ka bedelin xaaladda?

Muddane CaddeSugidda amniga ma aha hawl yar, ciidan la kordhiyo keliyana waxba ka ma teri karo, meesha waxaa ka maqan doorkii dadweynaha. Ilaa cadaalad darro ay tirsanayaana nabad ma dhawa.

Jamhuriyadda – Bacdamaa aad hore gobolka u soo maamusha, maxaa ku tilmaami kartaa horumarka caasimadda ay sameeysay tan iyo markii dowladda la aqoonsaday?

Muddane Cadde – Magaaladda aad iyo aad ayay u dhisantay oo aad ayay u ballaaratay, dadkeeduna maanta waa ilaa 3 malyan. Hase yeeshee dadaalkaas, waa mid dadweynahu leeyahay, gaar ahaan hanti leeyda maalgashatay. Wax adeeg bulsha ah oo u dhigma canshuurta ay bixiyaan ka ma helaan dowladda dhexe iyo tan gobolkaba.

Jamhuriyadda – Sideebaad u arkeysaa xisbiyadda siyaasigga ah, miyeeysan keeni karaa isbedel wax ku ool ah, haddii tallada la wareegaan?

Muddane Cadde – Mucaaradku ma aha mid mabda’ siyaasadeed amase aragtii dheer leh ee waa magac u yaal, aan waxba ku mideysneen. Ma filayo inay isbedel dhalin karaan.

Jamhuriyadda – Tartanka Ciyaaraha Afrika ee Conferation of African Football – CAF, waxaa la sheegay in xulka kooxda Muqdisho City ay uga qayb geli doonto Soomaaliya. Maxaad ka fileysaa in kooxdaas ay soo hooyaan?

Muddane Cadde – Ciyaartoyda Soomaaliyeed waa dhallinyaro aad u firfircoon oo niyad haya, hase yeeshee u baahan khibrad iyo aqoon farsamo. Kooxda Muqdisho kuwaas ayay la mid tahay, taageerada Mustaf Dhuxulow oo keliya guul laguma soo hooyn karo. Iima muuqato cid u soo jeedo inay maalgeliso mustaqbalka dhow, waxayna u baahan yihiin garoomo casri ah iyo tababareyaal xirfad sare leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments