Friday, December 1, 2023
Home Caafimaad & Nolol Xaliima Aaden: Quruxda Xijaabka

Xaliima Aaden: Quruxda Xijaabka

Si cajiib ah waxaa waayahaan u soo koraya warshaddaha dharka astaanta u ah ummadda muslimka, gaar ahaan haweenka. Xaliima Aaden oo ah gabadh Soomaali-Americaan ah, ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay ee “xijaaban” oo ku tartamta quruxda gabdhaha Maraykanka 2016kii.

Xaliima Aaden waxay cagta ku dhufatay dhowr soohimood oo lagu hakinayay gabdhaha muslimka ah. Waxaa loo doortay boqoradda dugsigeedii, ayadoo xiran xijaab, taas oo ka dhigtay gabadhii ugu horeysa ee muslim ah oo jagadaas qabata. Kadibna, waxay ka qeyb gashay tartanka quruxda gabdhaha gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, ayadoo 19 jir ah.

Maareyaha – Miss Minnesota USA – Denise Wallace, ayaa sheegay inay Xaliima ay taleefoon kula soo xiriirtay iyadoo leh, “waxaan rabaa inaan ku tartamo anigoo xiran-xijaab.” Intaas wuxuu raaciyay, inuu xusuusto inuu yiri “Wow qurux badanaa, markii uu sawirkeedii soo baxay,” (VOA – Abril 29, 2019).

Asturnaanta Xaliima, ayaa si dhab ah u soo jiidatay dareenka dadka Maraykanka iyo kuwa dunidda kaleba. Taas, waxay u saamaxday inay noqoto gabadhii ugu horeysa ee xijaaban oo heshiis la gasho shirkad caalami ah “IMG models.” Maanta munaasabaadka caalamka oo dhan ayaa lagu soo bandhigaa naqshado dhar, oo aan hore dhaqan uga ahayn quruxda gabdhaha reer galbeedka iyo kuwa bariga shishe.

Majaladdaha astaanta u ah xayeysiiya quruxda haweenka, sida Allure, British Vogue iyo Glamour, ayaa dhammaantood ku soo wada bandhigay bogaggooda Xaliima iyo gabdho kale oo xijaaban.

Intaas waxaa dheer in wargeyska “Sports Illustrated Swimsuit Issue” oo muujiya quruxda hawenka xiran dharka dabbaasha “bikini” ayaa markii ugu horeysay taariikhda soo bandhigay gabadh aan xirneen bikini, balse wadata “burkiini iyo xijaab,” oo ah habka diinta muslimku ay doorbidayso.

Xijaabka oo ah mid ka mid ah calaamaadaha ugu caansan dhaqanka Muslimka, ayaa u socdo inuu ka mid noqodo libiska warbaahinta iyo shirkaddaha xayeysiinta ay suuqyada caalamka u soo bandhigaan.

Wareysi Xaliima Aaden ay siisay idaacadda CBS ayay ku sheegtay inay si gaar ah ula gorgortanto shirkaddaha ay heshiiska la geleyso. Intaas waxay raacisay in kuwa masawiraya ay sidoo kale la socdaan “shuruudaheeda asturaada,” (CBS – Abril 29, 2019).

Xaliima ayaa tiri “waxaa muhiim ah in la xasuusto in xirashada xijaabka ay tahay dooq shakhsi ah ee dumarka. Mana ka dhigi karto muslimka mid ka fiican amase ka xun dumarka kale.”

Intaas waxay raacisay, “anigu waxaa u arkaa inay calaamad u tahay xishoodka, waxayna i siineysaa dareen awood.” Sida muuqata, arrinta ay Xaliima iyo kooxdeeda diiradda saarayaan ayaa ah in la burburiyo afkaarta ku qotonta “cunsuriyadda” oo cuqdada ka qabto hab dhaqameedka haweenka muslimiinta, (Vogue Arabia – March 29, 2019).

Xaliima Aaden ma aha gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horeysay ee ku tartanta quruxda caalamka, waxeyse kaga duwan tahay kuwii ka horeyay [Imaan, Weris, iwm], isku kalsooni. “Gabdhihii hore waxay maciin ka dooni jireen inay ka hadlaan gudniinka firciiniga ah, si ay u qanciyaan bulshada reer galbeedka ah oo u heysato inuu yahay dhaqan muslim, amase mid u gaar ah Soomaalida,” ayay tiri Abliib oo ku takhasustay cilmiga bulshada.

Hugsanaanta xijaabka qurux ka sokow, Xaliima waxay ku kasbtay in loo aqoonsado Danjiraha UNICEF, oo ah hay’ad u adeegta caruurta iyo hoyooyinka addunka.

Cabdulqadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments