Friday, April 19, 2024
Home Diblomaasiyadda Xogta Xiisadda Diblomaasiyadda Gini iyo Soomaaliya

Xogta Xiisadda Diblomaasiyadda Gini iyo Soomaaliya

Toddobaadkii dhawaa, Jamhuuriyadda Guinea (Gini) waxay siyaasadda dalka ku soo biirisay madaxwareer hor leh oo gaaray in xiriirkii diblomaasiga loo jaro.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya – Danjire Axmed Ciise Cawad, oo shir jaraa’id kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay “in Dawladda iyo Ummadda Soomaaliyeed aysan u dulqaadaneynin xad-gudub lagu sameeyo Madax-banaanida iyo Midnimmada Soomaaliya,” (Sonna – July 4, 2019).

Wolaw uusan bixin faahfaahin intaas dheer, haddana wargeysyada waxay qoreen in Madaxweyne Alpha Conde ku soo dhaweyay Madaxweynaha Maamulka Somaliland – Muddane Muuse Biixi Abdi, hab maamuus dhaliyay su’aal ah, maxaa “Alpha Conde iyo Muuse Biixi” xiriiriya?

Burburkii dowladdii Siyaad Barre ee 1991kii, cawaaqibkii ka dhashay waxaa ka mid ahaa in gobollada waqooyi ay gooni isu taag ku dhawaaqeen – May 18, 1991 walow shacabka degaanka aysan u dhammeen. Tan iyo maalintaas, maamulka Somaliland wuxuu dadaal ugu jiray inuu helo aqoonsi caalami ah, haddana hadafkaas uma suurogelin (Jamhuriyadda – March 20, 2019).

Tillaabada Gini waxey wax u dhimeysaa “dib-u-heshiisiinta Soomaaliya iyo isku soo dhoweynta dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cawad. March 20, 2019 Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya ayaa isku maray dalalka Qatar iyo Imaaraadka, si uu uga dhaadhiciyo hab uu doonayay inuu ku xaliyo arrimaha Soomaaliya.

February 21, 2019 Muddane Muuse Bixi Abdi oo kula kulmay Addis Ababa Dr. Aby Axmed, ayaa aqbalay inuu xoojiyo xiriirka shaqo ee u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo Dowladda Federalka Soomaaliya (Africanews – February 21, 2019).

March 10, 2019 Muddane Muuse Bixi, oo aan wadahadal la furin Muqdisho, ayaa looga yeeray Imaaraadka, ayadoo loo fidiyay roog cas (Horn Diplomat – March 10, 2019). Sida muuqata, “Abu Dhabi raali ka ma noqon hindisaha Addis Abeba, xilli ay dibrin la’dahay Muqdisho,” ayuu yiri Cabballa Jaylaani.

Shaki kuma jiro, in mowqifkaas uu wax u dhimay isku soo dhawaashihii Hargeysa iyo Muqdisho, maran-habaabiyayna madaxda maamul-goboleedyada dalka qaarkood. Cabdiraxmaan Bashiir, oo ah aqoonyahan falanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa yiri “Imaaraadka waa dowlad shar ah,” (youtube – July 06, 2019).

Waayahaan dambe, waxaa soo kordhayay “dalal aan raali ka ahayn madaxbanaanidda siyaasadda Soomaaliya amase ka la’ danahooda Muqdisho, oo Somaliland u isticmaalaya gorgorton,” ayuu yiri Yusuf Gaandi.

Toddobaad ka hore, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya oo la kulmay wafdi ka socday Hargeysa, ayaa fartiin xad-gudbay ku ah Qarannimada Soomaaliyeed soo dhigay Twitterka. Kenya waxay diidan tahay in is-maandhaafka labada dal lagu dhammeyo xal nabadeed oo sharci ah.

June 27, 2019 Wasiiradda Arrimaha Dibedda Kenya, Marwo Monica Juma oo ka hadleysay shir lagu qabtay – London ayaa la weydiiyay inay raaligelin ka bixineyso xad-gudubyadda ay Soomaaliya u geysteen, oo ay ka mid tahay burburintii kabayaasha isgaarsiinta shirkadda Hormuud. Inkastoo fartiintii Macharia Kamau laga saaray barta bulshada, haddana Monica Juma waxay ka carotay in raaligelin lagu hor weydiyo shirka (fiiri video laga soo duubay).

Sidoo kale, jilaalkii dhawaa, Xoghayaha Difaaca Ingiriiska – Gavin Williamson, oo ka caroday erintii “Nicholas Haysom” ayaa Twitterka soo dhigay inuu la kulmay Madaxweynaha Somaliland oo ay ka wadahadleen “xoojinta xidhiidhka labada dal,” (@GavinWilliamson – January 7, 2019).

Walow, qoraalkii laga saaray barta bulshada, haddana “waxuu si bareer ah u dhiiri gelinayay kala taga dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri diblomaasi doorbiday inaan la magacaabin. Wuxuu intaa raaciyay in “Somaliland ay noqon rabto waddadii xalaq-mareynka.” 

Nasiib darro, Somaliland kama faa’iideysan karto kaydka khayraadka dabiiciga ah ilaa ay ka hesho aqoonsi. Sidaas darteed, waxaa suurogal ah in lagu indha-sarcaadinayay horumarka Gini ay ka gaartay iskaashiga soo saarista macdanta. Imaaraadku waxay u isticmaalayaan Somaliland, si ay uga helaan danahooda gaarka ah Soomaaliya.

November 2012, Gini [Compagnie des Bauxites de Guinee – CBG] waxay heshiis dhoofinta macdanta “bauxite” oo laba bilyan doolar ah la gashay dalka Imaaraadka [Emirates’ Investment Fund – Mubadala Development Co] (Financial Times – November 25, 2013).

Dhinaca kale, waxaa in mudda ah laysla dhexmaray in Ruushku uu daneynayo inuu saldhig ku yeesho Eritrea, Sudan ama Soamaaliya [Somaliland] (Jamhuriyadda – November 22, 2018). Arrintaas, waxaa suurogal ka dhigi kara dalka Gini oo ka haray “Jaalleyaashii Geega Mariiday” – Midowga Soviet, ahna lamaane muhiim u ah Kremilin.

Ma aha wax la yaab leh, in Abu Dhabi ay hor boodo labada ciyaaroodba. Ruushka iyo Imaaraadka Carbeed waxay isku arkaan inay ku lug leeyihiin ciyaaraha caalamiga ah ee saamaynta qaaradda Afrika.

Madaxweyne Alpha Conde wuxuu markii 3aad u tartamayaa madaxtooyadda Gini. Walow dastuurka dalka uusan ogoleyn, haddana taageerada Amir Maxamed bin Zayid iyo Madaxweyne Vladimir Putin waxay u suurogelin kartaa riyadiisa. Sida muuqata, “Abu Dhabi dhaqaalaheeda buuran ayaa u suurtogelinaya danaheeda guracan,” ayuu yiri Saciid Cabdisalaam – (Jamhuriyadda June 12, 2019).

Si kastaba ha ahaate, Soomaaliya iyo Gini waxay u nugul yihiin hanjabaadaha xagjirka marka ay iska soo horjeedaan. Haddaba, Gini waxay u baahan tahay inay garto, in isla jirka dadka Soomaaliyeed, uu dan u yahay horumarka dhaqaalaha iyo amniga Geeska Afrika ka sokow, kan qaaradda Afrika iyo midka caalamka oo dhan.

Cabdulqadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments