Kadib marki Gas laga helay Tanzania iyo Mozambique, shidaal yarna laga sheegay badda Kenya, ayaa khubarada jiyoolojida (geologist) waxay isku raaceen “meeshi Gaas laga helo inuu Shidaalna ku Jiro.”
Haddaba, badweyna Hindiya halka soo hartay ee aan la baarin waa badda Soomaaliya, oo ay Kenya isku dayday inay la wareegto, ayadoo dooneysa inay ka faa’iidaysato qarannimada Soomaaliyeed ee dayacnayd rubuc qarnigii la soo dhaafay.
Nasiib wanaag, Golaha Shacabka Soomaaliya (baarlamaanka) ayaa gartay sheekada (dhagarta) Kenya, una diiday inay marsiisato Golaha Sharci Dejinta heshiis is-afgarad ah oo ay la gashay dowladii Ku-Meel-Gaarla ahayd.
Wixii markaas ka danbeeyay, dowladda Kenya waxay isku dayday qorshooyin kala duwan inay arrimaheeda ku dhammeysato, sida:
- Inay ciidan soo geliso gudaha Soomaaliya;
- Abuurto madax maamul goboleed danaheeda ka shaqeeya; iyo
- Inay fasax u siiso badda Soomaaliya sharkado uga baara shidaal.
Markii dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud garwaaqsatay awoodaa kali ah ee Soomaaliya heysato inay tahay in dowladda Kenya lagu dacweeyo Maxkamad Adduunka, Kenyana aragtay in labadii qorshe ee hore aysan u soconeyn, ayey la timid wadahadal ayan diyaar u nahay ee Soomaali maxkamada haka soo noqoto. Isla markaasna waxay bilowday inay:
- Ka dacwooto Igad, Midowga Afrika, iyo Qaramada Midoobay;
- Qaxootiga Soomaalida ku hanjabto inay ka eryayso Kenya; iyo
- Ganacsata Soomaalida lagu adkeeyo nidaamka dhaqdhaqaaqa ganacsiga.
Dowladda Federaalka ah ee ay hoggaaminayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal-wasaare Xasan Cali Kheyre dhag jalaq uma siin, oo waxay garteen sheekadooda iyo ujeeddada ka danbeysa.
Qorshahii Kenya ee ugu danbeeyey ayaa maalmahan soo baxay:
- Aqoonsiga Somaliland;
- Adeegsiga madax maamul goboleedyada qaarkood; iyo
- Ka faa’iidaysiga caadifada Soomaalida.
Sidaas darteed, maalmahaan wargeysyada Kenya waxay caado ka dhigteen inay soo qoraan “qoraalo been abuur ah,” oo ay leeyihiin dowladdo shisheeye (Norway iyo Ingiriiska) ayaa Soomaaliya nagu diraaya ama dowladdo shisheeye (Itoobiya, Maraykanka, Ingiriiska iwm) ayaa heshiisinaayo Madaxweyne Uhuru Kenyata iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo.
Hase yeeshee, waxaa ayaan darro ah, in dadka faafiya hadaladooda aan macnaha lahayn ay u badan yihiin website-yada Soomaalida. Haddaba, su’aashu waxay tahay, wargeysyada Kenyaba waa garteen inay dalkooda “run iyo been” miday doontaba ha ahaatee ku daafacaan amase danaha dalkooda ku ilaaliyaan, maxay warbaahinta “wargesyada, radiyada, Tvyada, iwm” Soomaalidu intaas la garan la’ yihiin?
Yuusuf Gaandi
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com
Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.
Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday