Advertisements
Wednesday, July 8, 2020
Home Siyaasada Yaa Faafiyay Beenta Kenya!

Yaa Faafiyay Beenta Kenya!

Kadib marki Gas laga helay Tanzania iyo Mozambique, shidaal yarna laga sheegay badda Kenya, ayaa khubarada jiyoolojida (geologist) waxay isku raaceen “meeshi Gaas laga helo inuu Shidaalna ku Jiro.”

Haddaba, badweyna Hindiya halka soo hartay ee aan la baarin waa badda Soomaaliya, oo ay Kenya isku dayday inay la wareegto, ayadoo dooneysa inay ka faa’iidaysato qarannimada Soomaaliyeed ee dayacnayd rubuc qarnigii la soo dhaafay.

Nasiib wanaag, Golaha Shacabka Soomaaliya (baarlamaanka) ayaa gartay sheekada (dhagarta) Kenya, una diiday inay marsiisato Golaha Sharci Dejinta heshiis is-afgarad ah oo ay la gashay dowladii Ku-Meel-Gaarla ahayd.

Wixii markaas ka danbeeyay, dowladda Kenya waxay isku dayday qorshooyin kala duwan inay arrimaheeda ku dhammeysato, sida:

  1. Inay ciidan soo geliso gudaha Soomaaliya;
  2. Abuurto madax maamul goboleed danaheeda ka shaqeeya; iyo
  3. Inay fasax u siiso badda Soomaaliya sharkado uga baara shidaal.

Markii dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud garwaaqsatay awoodaa kali ah ee Soomaaliya heysato inay tahay in dowladda Kenya lagu dacweeyo Maxkamad Adduunka, Kenyana aragtay in labadii qorshe ee hore aysan u soconeyn, ayey la timid wadahadal ayan diyaar u nahay ee Soomaali maxkamada haka soo noqoto. Isla markaasna waxay bilowday inay:

  1. Ka dacwooto Igad, Midowga Afrika, iyo Qaramada Midoobay;
  2. Qaxootiga Soomaalida ku hanjabto inay ka eryayso Kenya; iyo
  3. Ganacsata Soomaalida lagu adkeeyo nidaamka dhaqdhaqaaqa ganacsiga.

Dowladda Federaalka ah ee ay hoggaaminayaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal-wasaare Xasan Cali Kheyre dhag jalaq uma siin, oo waxay garteen sheekadooda iyo ujeeddada ka danbeysa.

Qorshahii Kenya ee ugu danbeeyey ayaa maalmahan soo baxay:

  1. Aqoonsiga Somaliland;
  2. Adeegsiga madax maamul goboleedyada qaarkood; iyo
  3. Ka faa’iidaysiga caadifada Soomaalida.

Sidaas darteed, maalmahaan wargeysyada Kenya waxay caado ka dhigteen inay soo qoraan “qoraalo been abuur ah,” oo ay leeyihiin dowladdo shisheeye (Norway iyo Ingiriiska) ayaa Soomaaliya nagu diraaya ama dowladdo shisheeye (Itoobiya, Maraykanka, Ingiriiska iwm) ayaa heshiisinaayo Madaxweyne Uhuru Kenyata iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo.

Hase yeeshee, waxaa ayaan darro ah, in dadka faafiya hadaladooda aan macnaha lahayn ay u badan yihiin website-yada Soomaalida. Haddaba, su’aashu waxay tahay, wargeysyada Kenyaba waa garteen inay dalkooda “run iyo been” miday doontaba ha ahaatee ku daafacaan amase danaha dalkooda ku ilaaliyaan, maxay warbaahinta “wargesyada, radiyada, Tvyada, iwm” Soomaalidu intaas la garan la’ yihiin?

Yuusuf Gaandi

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.  Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com

Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.

Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday

Advertisements

2 COMMENTS

Leave a Reply

Most Popular

Muuse Biixi Yaa Ku Riday Shirqoolka Calaamiga?

Xilli ay Soomaalidu uga dabaaldegeysay dunida maalmihii xurnimadda iyo midnimadda gobollada Koonfur iyo Waqooyi ayaa Muuse Biixi tweetterkiisa ku shaaciyay in maamulkiisa...

Siyaasiyiin Aan Aragti Wadaagin Ma Waaro Wadajirkooda!

Dimuqraaddiyada waa nidaam nabdoon oo lagu xalliyo khilaafka iyo kala aragti duwanaanta. Balse, jiritaanka dimuqraaddiyada waxaa shardi u ah, shan arrimood: (b)...

Inteebu Mareykanka Ku Leeyahay Dadaalka Dib u Soo Kabashada Soomaaliya?

Dalka Soomaaliya oo ku yaal bar juquraafiyadeed oo muhiim u ah isu-socodka ganacsiga adduunka, marnaba ka ma maqneyn maanka Washington tan iyo...

Yaa Ka Masuul ah Dibudhaca Hawlaha Doorashooyinka: Xiilama Yarey mise Siyaasiyiinta?

Maalintii Sabtiga 27kii June 2020 ayaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) Marwa Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ka warbixisay kulan...

Recent Comments

%d bloggers like this: