Waqooyiga Gaalkacyo: Awoodda Shacabka oo Bedeshay Ciyaartii

Safarka Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre ku tagay Gaalkacyo qaybta Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, waxay bedeshay ciyaartii (xurguftii) ka dhaxaysa maamul-goboleedka iyo dowladda dhexe, taas oo salka ku haysa hirgelinta hanaanka federaalaynta dalka. 

Sir ma ahayn in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo uu doonayo inuu dalka ka hirgeliyo hanaan federal ah, oo dowladda dhexe ay gacanta ku hayso, siyaasadda arrimaha dibedda, lacagta, ciidamada, iyo socdaalka. Halka madaxda maamul-goboleedyada ay doonayeen inay door ku yeeshaan awood aan dastuurka siin (Jamhuriyadda – May 8, 2019).

Shirkii Garoowe ee guuldarada ku soo dhamaaday kadib, waxaa tamar [awood] gashay labada dhinac, si midba kan kale meesha uga saari lahaa. 

Madaxda Maamul-Goboleedyada Jubaland, Puntland iyo Gal-Mudug, waxay qaateen labo tillaabo oo ay ku xadidi karaan awoodda dowladda. Marka hore, waxay kulamo la yeesheen, diblomaasiyiinta dalal shisheeyaha (safiiro) iyo wakiilka QM ee Soomaaliya, ayagoo quud dareenayey in cabashadooda garawsiyo uga helaan beesha caalamka.

Marka xiga, Mudane Axmed Ducaale Geelle – Xaaf, Mudane Saciid Cabdullahi Deni, iyo Mudane Axmed Maxamed Islam – Madoobe waxay kulamo la yeesheen xubnaha labada aqal ku matala degaanadooda oo ay isku fikrad yihiin. Intaas waxaa dheer, in si gooni gooni ah ay u qabteen shirar jaraa’id oo ay ku dhaliilayaan dowladda dhexe. 

Dhanka kale, dowladda dhexe waxay iyana qaaday labo tallaabo oo ay u aragtay inay guul kaga keeni karto loolanka awooda ay kula jirto mucaaradka. Marka hore, waxay xoojisay awooda baarlamaanka. Xukuumada waxay Golaha Shacabka horgeysay, sharciyada doorashada, wadaaga kheyraadka dabiiciga (Shiidaalka) iyo hawlgabka ciidamada. Seddaxda sharci waxay ahaayeen xudunta khilaafka, haddana Golaha Shacabka si aqlabiyad ah ayuu ku ansaxiyey. 

Marka xiga, waxay awood siisay bulshada. Xukuumada waxay kordhisay kulamada tooska ah oo ay kula hadlayaan shacabka, gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka. Ayagoo si aan leex leexaad laheyn diirada u saaraya hanaanka federalka ah ee ay doonayaan inay dalka ku maamulaan. 

Suzanne Bates, oo qortay buuga “All the leader you can be” ayaa rumaysan si aad u gaarto hadafkaaga waa in aad dhiirigelisaa, lana wadaagtaa aragtidaada dadka kale si ay kaaga caawiyaan mustaqbalka.

Madaxweyne Farmaajo mar uu ka hadlayey xafladda qalin jabinta Jaamacadda Ummadda waxaa uu yiri “waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh, dowlad dhexe oo ciidan leh oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowladd dhexe oo siyaasad dibeddeed oo adag leh, dowladd dhexe oo xuduudaheeda illaalisa.” 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in cid kasta oo kasoo horjeedda aragtida dowladda ay iyadu tahay tan kasoo horjeedda federaalka, waxuuna dhallinyarada ku dhiirigaliyay in aysan aqbalin wax ka yar dowlad adag. Madaxweynaha ayaa doorka maamul-goboleedyada ku soo koobay oo keliya daadajinta adeegyada bulshada.

Maamul-goboleedyada waxay daba socdaan dhaqankii hoggaamiye kooxyadii, kaas oo kala qoqobeyay shacabka. Waxay soo masaafiriyaan shaqaalaha dowladda dhexe, u diidaan inay soo booqdaan amase shaqo u tagaan siyaasiyiinta aan degaankooda u dhalan amase aan ku fikradda ahayn.

Isbedelka siyaasadda guddaha ee Dowladda Federalka waxay dhaxalsiisay dalka in rajada mustaqbalka soo kororto, xukuumadana hesho kalsoonida dhallinyarada iyo haweenka, oo ah bulshada inteeda badan. Waana taas tan Ra’iisul-wasaare Kheyre u suurtogelisay in uu booqdo waqooyiga magaalada Gaalkacyo, si uu u la kulano shacabka codsaday.

Waxaa shir jaraa’id qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Waxuuna Ra’iisul-wasaaraha ku eedayay inuu si fowdo ah u dhaqmay. Isla markaasna uusan wax xushmad ah u hayn Isimada iyo maamulka gobolka Punland. 

Ra’iisul-wasaare Kheyre ayaa goobta ka yiri “Shacabka iyo dowladda waa wadnihii iyo beerkii qofka bini’aadamka ah, lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda.”

Sidoo kale, waxaa shir jaraa’id oo lid ku ah kan Mudane Dhabancad qabtay Marwo Caasho Geele, oo kana tirsan bulshada rayidka ah, kuna hadashay magaca shacbiga Gaalkacyo, si weyn looga yaqaano gudaha gobolka Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale, ayadoo ku eedaysay hoggaanka Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya inaysan raali ka ahayn booqashada Ra’iisul-wasaaraha.

Marwo Caasho Geele waxay tiri “Puntland waa inay federaalka banaanka ka marto, waxba ku darsan, oo wasiir ka aadin, oo agaasime ka aadin, oo qof shaqaale ah ka aadin, oo aan isku filnaano iyo inaan la macaamilno, waxba kama dhaxeeyaan.”

Geesta kale, Marwo Caasho Geele waxay xustay, in iyada, qaar ka mid ah Isimada iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Taliyaha Booliiska Soomaaliya, ku qanciyeen Wasiiraddii ka yimid Garoowe, in booqashada Ra’iisul-wasaaraha u dhacdo si nabdoon. Balse daqiiqadihii ugu danbeeyay, Wasiiradda Maamul-Goboleedka Puntland amreen in la baajiyo booqashada, sababo amni awgeed, kadib markii ay sheegeen in labo baabuur oo qarax ah, magaalada la soo geliyey.

Marwo Caasho Geele, waxay sheegtay, in wararka baabuurta qaraxa ahaayeen kuwo siyaaddaysan, laguna baajinayey safarka Ra’iisul-wasaaraha. Kadib waxaan go’aansanay inaan daanta koonfurta ugu tagno Ra’iisul-wasaare Kheyre una soo kaxayno Garoonka Cayaaraha Cawaale Liibaan ee daanta waqooyi, halkaas oo shacab faro badan isku abaabuleen, si ay Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya ula kulmaan. 

“Maamulka Gobolka Puntland, waxay dareemayaan agoonimo, kadib markii garabkooda ay ka baxeen kuwii ay isku garabsanayeen curyaamiinta dowladda dhexe,” ayuu yiri Cigaal oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya. Su’aasha dad badan isweydiinayaan ayaa ah goormay dhamaanaysaa qir iyo qirtaanka u dhaxaya dowladda dhexe iyo madaxda maamul-goboleedyada? 

Khabiirada ku xeeldheer dhismaha dowladnimada, gaar ahaan kuwa ka soo baxaya dagaalada, ayaa ku talinaya: (1) In shacabka la baro, sareenta sharciga iyo ku dhaqanka xeerarka dalka, ayadoo la adeegasanayo, waxbarashada tooska ah (formal education), iyo tan dad-ban (informal education); (2) In shacabka laga qayb geliyo cadaalada bulshada; iyo (3) In shacabka ay noqdaan kuwa doorta madaxda heer qaran, heer gobol iyo heer degmo, taasoo ka dhigan in madaxdu texgeliyaan rabitaanka shacabka.

Weligeedba taariikhda soo yaalka ah ee Soomaaliya, waxaa meel mari jiray rabitaanka shacbka. Ayagaa riday dowladdii raydka ahayd, garabna istaagay Kacaankii Oktoobar. Kacdoonka shacbiga ayaa ku riday dowladdii Siyaad Barre, dagaal ogeyaashiina garabkoodii ka baxay.

Sida muuqata maanta, shacabka ayaa ku raad jooga madaxda maamul-goboleedyada aan fahmin isbedelka ummadda rabto. Haddaba, su’aasha waxay tahay goormaa madaxda maamul goboleedyada iyo mucaaradka dareemi doonaan in awoodda shacabka tahay bedelaha ciyaarta?

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s