Cristina Ubax Ali Farah (CF) waxay ku dhalatay magaalada Verona ee waqooyi- Bari dalka Talyaaniga 1973, waxaana iska dhalay aabbe Soomaali ah iyo hooyo Talyaani ah. CF waxay ku kortay kuna dhammaysay waxbarasho heer dugsi sare magaalada Xamar, Muqdisho – Soomaaliya.
Dagaalkii sokeeye ka dib waxay u qaxday Yurub gaar ahaan Hungary iyo Talyaaniga. Ugu dambaystii 1997 waxay degtay Roma, ka dibna waxay u guurtay Brussels, Belgium oo uu degaankeeda haatan yahay. Waxbarashadeeda sare taniyo heer Ph.D. waxay ku ebiday dalka Talyaaniga; teesiska qalinjebinteedana wuxuu la xiriiray Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed muddada 1955-1990.
Cristina Farah waxay ka shaqaysay waxbaris badanaaba heer jaamacadeed. Waxay bare ka ahayd Jaamacadda Roma Tre iyo Jaamacadda La Cattolica SC ee Roma. CF waa qoraa iyo gabyaa waxayna ku qortaa badanaaba Af-talyaaniga: Tiraab iyo maansaba. Waxay aad u danaysay waxna ka qortay qaxootiga iyo suugaanta la xiriirta qaxa gaar ahaan dumarka.
Qoraalladeeda kala duwan waxaa laga helaa Wargeysyada guud ee waawayn iyo kuwa suugaanta ee dalka Talyaaniga. Waxay muxaadarooyin iyo casharro la xiriira suugaanta iyo qaxootiga ka jeedisay fagaarooyin fara badan, Africka, Yurub iyo Maraykanka. 2009 waxay marti sharaf ka ahayd Carwada Caalamiga Buugaagta ee Garowe, Soomaaliya.
Dhanka tiraabta waxay curisay sheekoyin gaaban iyo sheekooyin dhaadheer (novels). Buuggeedi hore waxaa la daabacay 2007, wuxuuna ahaa: Madre Piccola (Habaryar). Asliga wuxuu kusoo baxay Afka Talyaaniga, ka dib 2014 waxaa la soo daabacay tarjumadiisa ee Af-ingiriiska: Little Mother. Buuggeedi 2aad wuxuu soo baxay 2014: Il Comandante del Fiume (Baxaarka), waxaana haddeer faraha lagu hayaa tarjumadiisa Afka ingiriiska.
Waxaan soo ogaannay in CF ay ku hawlan tahay mashruuca buggeedi 3aad oo la xiriira haweeney Soomaali ah oo gumeysidiid ahayd dagaalki 2aad dabadiisa iyo kontomeeyadii.
Aqoonta ay u leedahay CF sugganta, fanka (Gaar ahaan Masraxa), iyo guud ahaan taariikhda Soomaalida iyo arrimaha dumarka iyo qaxa waa mid aad u ballaaran waana durdurka ay qoraalladeeda ay ka cabbaan.