Wargeyska Jamhuriyadda wuxuu fursad u helay inuu wareysi gaar ah la yeesho Muddane Cabdiraxman Adan Sabriye oo musharax madaxweyne u ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.
Dr. Sabriye waa khabiir ku xeel-dheer horumarinta dhaqaalaha dalalka soo koraya, gaar ahaa ganacsiga iyo warshaddeenta. Tan iyo bilowgii 90yada wuxuu si gaar ah ula shaqeynayay hay’adaha maamulka iyo horumarinta bulshada qurbajoogta ee dalka Canada.
Muddo ku dhow labaatan sanadood wuxuu ka shaqeyay Wasaaradda Ganacsiga oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay. Muddadaas, wuxuu la shaqeyay Mudane Cabdiqaasim Salad, Mudane Maxamed Warsame Cali – Kiimiko iyo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud – Siilanyo oo dhammaantood qayb weyn ku leh kororsiimaha aqoontiisa iyo horumarkiisa maamul.
Intaas waxaa dheer, in Mudane Cabdiraxmaan uu bare ka noqday dugsiga sare ee Xisaabaadka Guud iyo Farsamada Bankiga ee Sheikh Xasan Barsane. Dr. Sabriye, khibrad maamul iyo hoggaan ka sokow, waa nin Eebe ku maneystay degenaan iyo diin uu yiri nin si qoto dheer u yaqaan oo wargeyska u waramay.
Wareysiga wuxuu ku bilowda sida tan:
Jamhuriyadda – Muddane hore laguguma aqoon awood raadis, haddaba maxaa kugu khasbay inaad u soo istaagto hoggaanka gobol dhaqan-siyaasaddiisu cakiran tahay, dhaqaalihiisu hooseyo, siyaasiyiintiisu (heer gobol iyo federalba) dhinac u wada socon lixdii sanadood ee la soo dhaafay?
Dr. Sabriye – Waxaan cidna ka qarsoonayn in uu jiray khilaaf u dhexayay madaxda Maamul-Goboleedka Galmudug – dhaxdooda iyo mid kala dhaxeeyo DFS. Arrintaans ayaa keentay siyaasadda cakiran ee gobolka. Haddaba, anigoo ogsoon in bani’aadamku ku kala duwan yahay fikirka iyo aragtida fog, ayaa marwalba loo baahan yahay in danta guud laga horumariyo midda gaar ahaaneed. Anigoo tixgelinaayo xigmad hore loo yiri oo ah “Dantu muran ma waydee, waa la isku maagaa.”
Waxaan rajaynayaa in aan ogaado waxa ay isku maandhaafsan yihiin dadkan walaalaha ah ee xilka u haya ummadda. Waxyaabaha maamulka dalalka horumaray laga barto ayaa ka mid ah, in dhibaato geli yahay la tilmaamin. Waa in aad soo raacisaa sida ay kula tahay in loo xallin karo. Waxaan aaminsanahay in daawada ay ku jirto tallada oo la wadaago iyo Eebe oo la tallo saarto.
Jamhuriyadda – Dadku isbedel ma jecla, miyaadan filayn in la carqaladeyn doono barnaamijyadaada horumarineyd?
Dr. Sabriye – Aan jeclaanno ama yaanan jeclaan isbeddel wuxuu dan u yahay gobolka, dadka iyo dalka. Anigu maadaama aan ahay qofka waayo arag u ah xal u raadinta arrimaha bulshada, ayaan doorbiday in aan isku dayo anigoo kaashanaya akhyaarta gobolka iyo awoodda dhallinyarada in aan wax ka qabano dhibaatadda gobolka, haddii Alle idmo.
Jamhuriyadda – Sida laga soo xigtay hay’adaha gargaara, gobolkaa waa midka ugu dugsiyada yar amase ugu ardayda yar. Sideebaa arrintaas wax uga qaban doontaa?
Dr. Sabriye – Dadka Soomaaliyeed aad ayay u jecel yihiin waxbarashada, gobolka ma helin fursad maalgelin, si toos loogu kordhiyo waxbarashada iyo barbaarinta. Waxaan ku dadaalayaa inay xoogga saarno waxbarashada tooska ah (formal education), iyo tan dad-ban (informal education), si dhallanka iyo waayeelkaba u helaan waxbarasho. Waxaan aaminsanahay in aqoonta ay tahay midda keenta horumarka dhaqaalaha iyo bulshada.
Jamhuriyadda – Lixdii sanadood ee maamul-goboleedku jiray ma muuqato wax horumar ah oo laga gaaray isku xirka degmooyinka, waa maxay barnaamijkaaga?
Dr. Sabriye – Nasiib darro, sanadii la soo dhaafay iyo kuwii ka horeyay ee dowladda jirtay, gobolka ma lahayn waddoonin casri ah ee isku xira degmooyinkiisa. Horumarinta kaabayaasha, waa furaha horumarka bulshada iyo dhaqaalaha. Waxaan isticmaaleynaa qorsha madal sanadeed ah amase wax ka yar leh, si aanu u beegsano horumarka aanu ku wada heshiino. Maamul-goboleed walba waxaa u taal maalgelin loogu tala galay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, tamarta, dekeddaha, isgaarsiinta, biyahaya, dugsiyada iwm.
Hay’addaha horumarinta oo ay ugu horeyso wasaaraddaha federalka ah waxaa hor dhigeynaa qorshaha maamul-goboleedka oo tifaftiran haddana muddeysan si aan uga wada shaqeyno helitaanka maalgelin guul dhasha. Dhinaca kale, gobolka wuxuu leeyahay maalqabeen ka soo jeeda haddana aan maalgashan. Waxaa ugu baaqeynaa inay ka qeybgalaan horumarinta deggaankooda.
Jamhuriyadda – Maxaa u sheegee dadweynaha oo aad rabtaa in lagugu doorto?
Dr. Sabriye – Dhamman bulsho waynta ku nool gobolka Galmudug, waxaan xusuusinayaa xigmada oranaysa “Tusmo iyo ismaqal bay dadku tabar ku yeeshaane,” fadlan ismaqla waxna is tusiya si horumar loo gaaro, loona helo xasillooni siyaasadeed. Waayo u adeegidda dadka, iyo horumarinta degaanka ayay saldhig u ah in la wada tashado iyo in si wadajir ah wax loo qabto, iyadoo la adeegsanaayo aqoon iyo xirfad.
Gebagebo “Gacmo wada jir bay wax ku gooyaane, gacmaha isqabsada, iisuna samra, ilayn samirka waa maale. Wabilaahi towfiiq.