Buugga waxay Kiristina Ubax Cali Faarax ku curisay Af-Talyaani (Madre Piccola, Frassinelli, 2007), ka dibna 2011-kii waxaa loo rogay Af-Ingiriiis (Little Mother “Habaryar,” Indiana University Press, 2011).
Buugga wuxuu ku dhisan yahay saddex ruux oo magacooda ku hadlaaya –ama/u yaalka qofeed ee 1aad. Labo waa dumar kan saddexaadna waa wiil. Dhammaan waa qaraaba. Labada gabdhood, Barni iyo Axado waa ilma adeer dhab ah misna isla soo koray balse kala dhumay iyagoo weli foodley ah. Barni iyadoo yar ayay rajayowday Axadase waxaa iska dhalay hooyo Talyaani ah iyo aabbe Soomaali ah.
Wiilkuna waa Taageere, oo dagaalka sokeeya ka hor ay u dhashay Shukri wiilk uusan weli arag sababtoo ah dagaalkii ayaa kala geeyay. Sheekada waxa ku jira dad kale fara badan -rag iyo dumarba leh- oo doorar kala duwan kala leh, balse saddexdan waa kuwa sheekada inooso tebinaaya. Waqtiga sheekada waa burburkii dawladda, dagaalkii sokeeye iyo labaatankii sanoo ka dambeeyay oo ay ku dhawaad saddex milyan oo ruux dalka ka qaxeen. Waana arrinkan mawduuca buugga: qaxa, shiddada, hayaanka, qurbaha, iyo eelka ay ku reebaan gurbajoogga fayadooda iyo maankoodaba.
Buugga wuxuu akhristaha uga bahan yahay feejignaan. Saddexda durdur oo sheekada soo butaacaaya kol dambe ayay isku meel isugu soo biyashubaayaan. Si kastoo habka qoraaga ay dooratay u qallafsan yahay haddana waxay ku guulaystay in ujeeddadeeda si wanaagsan ay u gaarto. Saddexda qofoo tebinaaya sheekada way hadlaayaan balse ma wadahdlaan. Gebigiisaba, buuggu ma laha wadahadal fool ka fool ah.
Axado, waalidkeeda, qoyskeeda iyo xirrirka ay xigtadeeda la leedahy gaar ahaan Barni waxay inta badan ku lagu caddayay ararta hore ee buugga. Axado aabbaheeda si fiican ugama dhergin, sababtoo ah aabbeheeda waa bare gorgortan marna aan gelinayn mabda’yiisa inta uu guriga jooga waxaa ka badan inta uu xabbsiga jiifo.
Waxaa sheekada udubdhexaad u ah Barni iyo Axado oo yarantoodi isla soo koray.
Ka miidso erayada qoraaga ay afka u gelisay Barni sida labadooda ay isku ahaayeen.
“Murugsan aa? May weligeed ma murgooto. Laga yaabe inay xoogaa xasarad qaaddo. Axado waa ruux aad u fekera, ruux qaadaa dhiga misna calaalsha, laga yaabe-mararka qaarkood- inay mushkilad abuurto. Balse aniga iyo Axado waxaan ahayn laba ruuxoo mar waliba isla heloo misna isdhellitira. Waxay xasilin jirtay salfudaydkayda anna waxaan diirin jiray degganaanteeda. Waxay qunyar u rogi jirtay xagjirnimadayda anna waxaan buuxin jiray ammuskeeda, Waxaan ahaa horseedkii waxay ahayd gaarka iga dambeeya.”
Cabsida, argaggaxa, geerida, qaxa iyo qiyaamaha ka dambeeya waxay ku dhaafeen jilaayaasha sheekada (Iyo guud ahaanba qaxootiga soomaaliyeed) arami iyo doog khatar geliya jiritaankooda iyo fayoobida maankooda. Axado waxaa intaas u dheer sidashada labada dhalasho (Tan soomaaliyeed iyo tii hooyadeed) oo kolkay qurbajoog noqotay ku abuurtay jahawareer is-aqoonsi. Haseyeeshee, Axado waa gabar lagu habay dhaqanka dalka, bey’ad fayow iyo xigto ballaaran oo isku duuban, taasoo u suurta gelisay inay arrinkani go’aan kama dambays ah ka gaarto. Qoraaga waxay samatabaxa Axado Dalbooley ku muujinaysa cutubta ararta buugga oo ay ku caddaynayso halka ay joogto iyo go’aanka ay gaartay. Arartaasoo ay ku bilbishay maansada caanka ah ee Cabdulqaadir Xirsi Yam Yam, SOOMAALI BAAN AHAY, oon beydna laga tagin.
Sinnaantaan la magac ahay
Sanku-neefle ma oggoli
Inuu iga sarrayn karo
Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo
SOOMAALI BAAN AHAY
Barni iyaduna geerida naxdainta leh ee lama filaanka ah waxaa u weheliya uurkutaallada xanuunka dagaalkii sokeeye oo gumaadka watay uu ku reebay.
Qoraaga waxay na xusuusinaysaa inuu dagaal sokeeye uu yahay kala-geeyaha ugu wayn oo abuura kala fogaan iyo kala irdheysanaan, dareen iyo shaki joogta ah.
Kaasoo soo seeraray markay Barni ku aragtay Ardo dhegadhego u eg kuwa lagaga xayuubay Xamar. Waxaa weli Barni u dheer in arrimahaas awgooda misna ay ku seegtay saygeedi ay jeclayd. Si kastaba Barni waxay aramidan ka biskotay markay ka umulisay Ardo iananteeda. Markay inanta qabatay, u meertay, naaska hooyadeeda ku duday, waxay tiri waxaan dareemay inay “ilmahan ay ka xalan yihiin colaad iyo nabsiba.”
Qoraagaa waxay nasoo hordhigaysa in soomaalidii ayaan u yeelatay inay kaga badbaadaan dagaalka sokeeye dalalka horumaray sida Yurub iyo Maraykanka weli ay wataan oo ay iska sayri la’ yihiin eelkii dagaalka sokeeye. Arrinkani waxaadba mooddaa inuu ku xoog leeyahay dalka dibaddiisa. Dulucda warkani waxaad moodda inuu yahay: dibuheshiisiinta qaranka waa qabyo.
Qoraagaa waxay nagu furaysaa xaaladda ragga somaaliyeed ee qurbaha inay kaba daran tahay tan dumarka. Hawshan wuxay qoraagu farta (Ama afka) ka saartay Taageere oo si dadban kaaga dherjinaaya arrinkan. Ka gacansarrayntii dumarka oo wiiqday amaba ibir noqotay, hawl la’aan, asturnaasho la’aan iyo deegaan iyo dhaqan qalaad waxay raggii soomaaliyeed ku abuureen cudur ugub ah oo aan dawadiisa la hayn. Buugga waxaad mooddaa inuu u janjeero dhanka dumarka inay noqon karaan kuwa jiilalka dambe badbaadin doona. Gunaanadka buugga, waxaa la dhihi karaa: Barni iyo Axado iyagoo nabarradoodi aan weli biskoon ayay awoodeen inay dibuheshiisiin kooban ku dhaqaaqaan. Barni waxay ledahay: “Sheekadu way qasan tahay balse halka ay ka murugtay waan hubaa waa la heli doonaa.”
Faaqidadda Buugaagga Waxaa qoray
Axmed Q. Cali