Wednesday, April 24, 2024
Home Siyaasadda Wadahadal Dhab ah Maalinteedii ma Tahay!

Wadahadal Dhab ah Maalinteedii ma Tahay!

Inkastoo Hargeysa iyo Muqdisho ay mus’uuliyad la wadaago ka saaran tahay baadi goobka xal waara, haddana baaqa Dowladda Federalka Soomaaliya (DFS) waxaa ka dhashay dood laba jaanib ah.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa toddobaadkii dhawaa magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland (Sonna – July 17, 2019).

Cawaaqibkii ka dhashay burburkii dowladdii Siyaad Barre ee 1991kii, waxaa ka mid ahaa in May 18, 1991 gobollada waqooyi ku dhawaaqayn gooni isu taag, ayadoo aan shacabka degaanka laga khayaar gelin amase aan afti-guud lagu sameeyn dhulka ay ku fadhido.

Tan iyo maalintaas, maamulka Somaliland wuxuu dadaal ugu jiray inuu helo aqoonsi caalami ah, haddana hadafkaas uma suurogelin (Jamhuriyadda – March 20, 2019).

Guddiga waxaa loo xilsaray inuu xal waara oo miro dhal ah ka gaaro tabashooyinka shacabka Soomaaliland, una xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaag, wadaniyad, cadaalad, wadajir iyo isku duubni. Waxayse doodi ka taagan tahay, wadahadal dhab ah maalinteedii ma tahay?

Sida muuqata, maamulka Somaliland wuxuu ku dawakhsan yahay qorshe shisheeye oo aan natiijo lahayn, inkastoo uu jiro isfaham ballaaran oo ku saabsan muhiimada dib-u-heshiisiinta u leedahay bulshooyinka ka soo baxa colaadaha sokeeye, si loo gaarayo horumar waara.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa ku qoray warbaahinta, in maamulkiisa xanuun ka hayo wax uu ugu yeedhay “siyaasadda go’doominta Muqdisho,” oo culeys ku soo kordhisay dhaqdhaqaaqii dhaqaalaha – sida dhoofinta xoolaha, dabacaadda lacagaha iyo gargaarka iskaashiga horumarinta “Special Aid Arrangement,” (Somaliland press – July 18, 2019).

Geesta kale, Mudane Mustafe Baaruud, oo ah aqoonyahan u dhashay Somaliland ayaa rumaysan in Madaxweyne Muuse Biixi ku soo beegmay xilli dowladda Soomaaliya ay ka taag badan tahay – dhaqaale iyo siyaasadba, kuwii ka horeeyey. Taasina waxay la timid inay culays laga saaro arrimaha dibedda iyo bulshada, (Saab TV – July 17, 2019).

Wararka maamulka Somaliland ka soo yeeraya waxaa ka muuqda hadallo isdiidaya. Markii hore, waxay caro ka muujiyeen in Dowladda Federalka ay ka baaqatay Jun 25, 2019 madashii “kalsooni dhiska” ee Nairobi – Kenya. Haatan, waxay dhaleeceynayaan baaqa ka soo yeeray dowladda Soomaaliya.

Taas waxaa u sabab ah, dhaliisha mucaaradka u ka soo jeediyay ee ku aadan siyaasadda guddaha iyo dibedda Somaliland. Mudane Khadar Xuseen Cabdi oo ka tirsan xisbiga Wadani ayaa ku eedeyay “maamulka Muuse Biixi inuu gacanta u geliyay qadiyadii Somaliland NGOyo.”

Intaas wuxuu raaciyay, in “booqashadiisii Conakry (Guinea) aysan waxba ku soo kordhin halkii Mudane Dahir Riyaale Kaahin uu uga tegay qadiyada 2005kii,” (Youtu.be – July 17, 2019).

Hay’adda Center of Humanitarian Dialogue, oo qaban qaabisay shirka Nairobi “waxaysan war u heyn jirdiidka iyo dareenka shacbka,” ayuu yiri Cabdalla Jaylaani oo wax ka qora arrimaha gobolka.

Intaas wuxuu raaciyay, in “Nairobi, noqotay gol cadaawo, oo laga soo abaabulo wax kasta oo dib-u-dhigi kara rajada Soomaaliya. Taas ayaa u sabab ah in dowladda Soomaaliya aysan ka qaybgelin.”

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Dr Nuur Diiriye Xirsi – Fuursade ayaa Twitterkiisa ku qoray in “Dowladda Federalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay wadahadal wax ku ool ah la gasho Somaliland, marka goob ku haboon, qorshe [agenda], iyo ka qayb galayaasha lagu heshiiyo.”

Somaliland waxay kaloo ka cabaneysaa, in aan la fulin wixii lagu soo hadal qaaday shirkii fashilmay ee Turkiya (wada-maamulida hawada), oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay si wadajir ah u taageereyn abaabulkiisa.

Wargeyska Jamhuriyadda oo la hadlay, Guddoomiyihii hore ee Guddiga Dastuurka Barlamaanka Federalka, Xildhibaan Maryam Cariif ayaa tiri, “Dowladda Federalka waxay u muuqataa inay dhab ka tahay wadahadallada marka waajibaadka, madaxbanaanidda iyo tayada xubnaha la barbar dhigo kuwii Istanbul ee March 2015kii.”

Intaas waxay raacisay in “Xildhibaanadda aysan ahayn shaqaale dowlad, balse ay mas’uuliyad ka saaran tahay midnimadda ummadda iyo dib u heshiisiintoodaba. Waajibaadka xubnaha ergada ayaa ansaxaya marka ay aqbalaan.”

Ergada Dowladda Federalka waxaa hoggaaminaya Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ah siyaasi ruugcadde ah, horeyna Soomaaliya ugu matalay dalalka Ruushka, Talyani, Tunisiya iyo Masar. Tan iyo 1990kii, Danjire Cabdullahi Sheek wuxuu dalka ka soo qabtay jagooyinka Ra’iisul-wasaare Ku-Xigeen, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo kan Gaadiidka. 

Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo maamulkiisa waxay dood geliyeen in ergada ay ka mid yihiin shaqsiyaad u dhashay Somaliland – sida Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse iyo Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangeli (Somaliland press – July 18, 2019).

Shaki kuma jiro, in “mas’uuliyiinta ka soo jeeda waqooyi ee loo igmaday hawsha ay matalayaan Soomaaliya [waqooyi iyo koofurba], walow ay walwal ku tahay siyaasadda gooni-u-goosiga Somaliland,” ayuu yiri Cabdalla Jaylaani.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland wuxuu shuruud kaga dhigay wadahadallada, arrimo ay ka mid yihiin, in dowladda Federalka ay joojiso wax uu ugu yeedhay cadaawada shacbiga, maamulka Somalilandna aysan ugu yeedhin dhaqdhaqaaqa gooni-u-goosatada (secessionist movement).

Mudane Ismaaciil Hure Buuba oo ka faalloonayay wadahadallada ayaa yiri, “Waa lagama maarmaan in wadahadal yimaado, goor uu yimaadaba,” (Saab TV – July 17, 2019).

Waxaa xaqiiqa ah, in Soomaalida uun ay u taalo inay mustaqbalkooda kaga tashtaan hab hal abuur leh, sida ugu dhaqsaha badan, weliba maanta oo ay muuqato in dalku uusan sabool ahayn, awoodna uusan u lahayn inuu iska dhiciyo awoodaha shisheeye (geopolitical rivalry) ee ku loolamaya inay boobaan khayraadkiisa.

Cabdulqadir Cariif Qaasim

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise, aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments