Todobaadkii dhawaa Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa cashar ka soo kororsaday garoonka Xasan Guuleed ee Jabuuti. Kooxda Soomaalida, waxay halkaas ku ciyaareen labo ciyaar oo mid ahayd tartankii kubada cagta ee CHAN – “Championnat d’Afrique des Nations.”
Ciyaarta muhiim ka ahayd waxay dhaxmartay kooxda Soomaaliya iyo tan Uganda. Inkastoo guusha ay raacday Uganda, haddana ciyaaryahanadda qaranka waxay garoonka Xasan Guuleed ka muujiyeen ciyaar loo qashuucay.
Tartanka CHAN – “Championnat d’Afrique des Nations,” oo ay maamusho “Confederation of African Football – CAF,” waxaa markii ugu horeysay lagu dhawaaqay September 11, 2007. Waxaa marti gelisay dalka Ivory Coast tartankii ugu horeyay ee horyaalkaa, waxaase ku guuleystay koobkii dalka Koongo “DR Congo.”
Tartanka CHAN, waxaa lagu soo bandhigaa ciyaartoyda firfircoon ee horyaalada dalka Afrika, lana filayo inay ciyaari doonaan xilliga ciyaareedka horyaalka soo socda. Ciyaartoyda qurba-joogta ah, iyadoo aan loo eegin halka ay ku ciyaaraan – Afrika gudaheeda amase dibeddeedaba, uma qalmaan inay ka qayb qaataan tartanka CHAN.
Sanadkaan 2019ka, kooxda Soomaalida ayaa si lixaad leh iskugu diyaarisay inay tartanka ka dhigto wacdaaro. Sida muuqata Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed wuxuu geliyay dadaal fara badan. Sanadka horaantiisii, Xulka Qaranka waxaa loo qoray tababare Bashir Hayford oo u dhashay dalka Ghana, iyadoo lagu bedelay tababarihii Soomaaliyeed ee Maxamed Cabdulle Farayare.
Cabdiqani Saciid Carab oo la hadlayay BBCda ayaa ku yiri, “Waxaan u baahanahay qof khibrad badan leh, si aan u aqoonsano ciyaartoyga una caawinno kooxda da’yarta ah,” (BBC London – March 25, 2019).
August 3, 2019 waxay labada koox ku kulmi doonaan Kampala, mana la filayo inay ka fududaan doonto tan Jabuuti, balse halyeeyada Soomaaliyeed aad ayaa loogu hanweyn yahay.
Soomaaliya waxay had iyo jeer ku hartay isreebreebka kooxaha Afrika ee koobka Adduunka. Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa u muuqda kuwo u baahan xanaaneen iyo tababar joogta ah oo tayo leh. Su’aashu waxay tahay, macallinka cusub inteebu kor u soo qaadi doonaa xeerka Xulka Qaranka ee ka midka ah 5ta koox ee ugu hooseysa caalamka!
Cali Cusman Cali
AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.
Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.